08/05/2022
Nin kan maxaad ka xasuusataa iyo magiciisa nala wadaag
My name is ABDI ASIIS DUBAI halkan waxaan ku baahiya barnaamijyo badan oo xiiso leh
08/05/2022
Nin kan maxaad ka xasuusataa iyo magiciisa nala wadaag
07/05/2022
السلام على نبينا محمد😧💗💗💓❤️❤️🧡🧡♥️
04/05/2022
توقع مباراة الليلة بين مانشستر سيتي وريال مدريد على الملعب
# برنابيو
Predict tonight's match between Manchester City and Real Madrid at the Stadium
Saadaali kulanka caawa dhex mari doona kooxaha Manchester City iyo Real Madrid ee ka dhici doona garoonka Stadium
Share garee
Pageka follow dheh
03/04/2022
Taariikhdii abwaan Cismaan Aadan Xuseen askari
Sooyaalkii iyo Suugaantii Abwaan Cisan Aadan Xuseen ‘Askari’ (1938 – 1989)’. Buuggan oo uu qoray qoraaga da’da yar ee Khadar Xuseen Daahir “Hayl”, waxa uu ka kooban yahay 368 bog. Buugga waxa loo hibaynayaa da’yarta Soomaaliyeed ee u heellan barashada afkooda hooyo. Qoraagu waxa uu ka afeefanayaa in aanu buuggani xanbaarsanayn suugaantii Abwaan Cismaan-Askari oo dhan iyo in suugaanta ku qorani aanay boqolkiiba boqol sax wada ahayn.
Waxa buugga loogu mahadnaqayaa dad aad u fara badan oo isugu jira halabuurro, fannaaniin iyo kayd-hayayaal suugaaneed. Waxa se su’aalo kugu dhalinaya kolka aad aragtid in bogga mahadnaqa ay wada qoreen qoraaga buugga Khadar Xuseen Daahir iyo Maxamed Cismaan-Askari oo uu dhalay abwaanka buugga laga qoray. Hase yeeshee, waxa ay sheekadu si fiican isugu kaa xidhmaysaa marka aad soo gaadhid labada bog ee Maxamed Cismaan-Askari kaga warramayo hindisihii qoraalka buugga iyo marxaladihii uu soo maray, kuwaas oo ku xusayo in uu isagu markii h**e waday buugga, bal se uu 2013kii u igmaday hawshaas qoraaga buugga, Khadar-Hayl.
Abwaan Cismaan Aadan Xuseen oo yaraantiisii Cismaan-Carab loo yaqaannay, waxa uu ku dhashay miyiga magaalada Hargeysa, hilaaddii 1938kii. Hooyadii waa Xabiiba Xirsi, waxaanay abwaanka wada dhasheen afar wiil iyo shan gabdhood. Aabbihii waa Aadan Xuseen Cawl oo laftiisu ahaa gabayaa wax ka curiya godadka kala geddisan ee maansada. Abtigiina, waa Maxamed-Gabyaaye oo ku caanbaxay suugaanta, meelo badan oo Soomaalidu degtana laga yaqaanno. Waxa intaas dheer, in walaalladii oo dhammi ay maansoon jireen, sida buuggu xusayo. Walaalladiisa suugaanta lagu bartay waxa ka mid ahaa abwaankii weynaa ee Yuusuf Aadan Xuseen “Allaale” oo ka mid ahaa halabuurkii kooxdii Waaberi, Axmed Aadan Xuseen “Axmed-Masri” oo suugaan door ah lahaa iyo Xasan Axmed Ibraahin “Embasi” oo wax ka curiya suugaanta. Cismaan Aadan waxa uu naanaysta Askari kula baxay heestii ‘waxaan ahay Askari’ oo uu 1970kii curiyay, isla markaasna ay isaga iyo kooxdiisii Xoogga Dalkuba dallacsiin ku mutaysteen.
MAGUURAAN, waxa uu ka kooban yahay shan cutub oo la isu xigsiiyay sida ay taariikhda curashada ee suugaanta cutubyadaas ku xusani isugu xigtay/dhoweyd. Tusaale ahaan, cutubka kowaad waxa uu ka hadlayaa curintii abwaanka ee xilligii gobannimadoonka (1956–1960), waxaanu xanbaarsan yahay 6 heesood. Cutubka labaad oo 19 heesood ka kooban waxa uu isaguna ka warramaya halabuurkii abwaanka ee xilligii dawladaha rayidka ah (1960–1969). Cutubka saddexaad oo ah kan ugu ballaadhani waxa uu ka kooban yahay 40 heesood oo abwaanku curiyay muddadii uu dalka ka talinayay Kacaankii Maxamed Siyaad. Cutubka afaraadna waxa aad ugu tagaysaa 14 riwaayadood oo uu Abwaanku curiyay intii u dhexaysay sannadihii 1960–1989. Halka aad cutubka ugu danbeeyana ugu tagi doonto waayihii abwaanka ee halgankii SNM oo uu ku biiray 1988kii. Buuggan oo si tayo wacan loo daabacay, waxa kale oo aad gudihiisa ugu tagaysaa sawirrada iyo magacyada qaar ka mid ah jilayaashii, heesaagii, halabuurkii iyo miyuusishannadii ka qaybgalay qaar ka mid ah riwaayadihii Abwaanka.
Buugga iyo Abwaanka laga qorayba, waxa faallooyin ka dhiibtay mudan iyo marwooyin caan ka ah saaxadda fanka Soomaalida, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Maxamed Aadan Dacar, Maxamed Cabdillaahi Singub, Faadumo Cali Nakruuma, Cumar Xasan Rooraaye, Saynab Xaaji Cali “Baxsan”, Shamis Abokor Ismaaciil “Guduudcarwo”, Qamar Cabdillaahi “Harawo”, Xasan Xaaji Cabdillaahi “Ganey”, Cabdi Cali Bacalwaan, Hibo Maxamed Huddoon “Nuura”, Sahra Axmed Jaamac, Aamina Cabdillaahi Xirsi, Saxardiid Maxamed Jebiye, Xuseen Xirsi Caddib “Boon”, Axmed Saleebaan Bidde iyo qaar kale oo badan.
Kolka ay abwaanka sifaynayaan, dhammaan dadkaasi waxa ay ka siman yihiin in Cismaan-Askari ahaa nin: waddani ah oo dal jecel, sharciga ku adag, leh maamul san oo eex ka madhan, dadka gacan qabta oo kaalmeeya, isla markaasna cibaado iyo Alle-kacabsi badan. Waxa kale oo ay ka siman yihiin in ay xusayaan in Cismaan-Askari bixiyay magaca koox faneeddii shaacbaxday ee Waaberi (1971kii), in uu kaalin weyn ku lahaa dhismihii tiyaatarka Hargeysa iyo in uu lahaa hindisihii dhismaha guryaha fannaaniinta Waaberi ee magaalada Hargeysa (Goljanno).
Buuggani k**a madhna qaladaadka hadheeya badiba buugaagteenna, waxa uu se kaalin foolaad ah kaga jiraa buugaagta ugu qaladaadka yar, ugu na tayada wanaagsan saxnaanshaha qoraalka. Dhinaca higgaadda iyo habqoraalka, qaladka ugu weyn ee aad buuggan ku arkaysaa waa adeegsiga qaldan ee astaanta hakad (,) oo marar badan la dhigayo meel aanay lahayn iyo xarfaha labadhaca oo meelaha qaarkood aad qaladaadkooda ku arkaysid. Intaas waxa raaca, iyada oo uu buuggu isku soo noqnoqonayo oo ay sheeko qudhi meelo badan si isku mid ah kaaga hor imanayso. Tusaale ahaan, sheekada heesta ‘Geeshkayagow guulaysta’ waxa aad kula kulmi doontaa bogagga: 16, 24, 26, 30, 31, 32, 33, 39, 43, 46, 49 iyo 77. Guud ahaan se, buuggan waxa ka muuqda tacab ballaadhan oo baadhis, xograadin iyo tifaftirba leh, taas oo aan ku bogaadinayo qoraaga buugga.
Ugu danbayn, buugga MAGUURAAN, waxa uu ifka u soo saaray hibo dalaysnayd iyo hawraar in badan oo innaga mid ah ka qarsoonayd. Waxa uu mar kale daaha ka rogay waxsoosaarkii cuddoonaa iyo halabuurkii cosobka lahaa ee Abwaan Cismaan Aadan Xuseen. Abwaanku, waxa uu curiyay heeso wada foolaad ah oo badidoodu hana qaaday. Wuu yar yahay abwaan sida Cismaan-Askari oo kale wada yeelan kara intaas oo heesood oo wada caan ah, ujeeddo ahaanna ku kala fidsan dhinacyada kala duwan ee nolosha, sida: jacayl, waddani iyo Nebi-ammaan inta ba. Halkan waxa aan jecelahay in aan wax yar idiinka garooco magacyada iyo midhaha qaar ka mid ah heesaha Cismaan curiyay ee aynnu wada maqalnay – bal se laga yaabo in aynaan u aqoonnin in Cismaan leeyahay.
1. Derajaalow Nebigeennow
Adigaa Eebbe ku doortee
Jannadii noogu ducee…
2. Ramadaaney socotee
Salaama salaama…
3. Ramadaantii baxsanaydeey, marxabba.
Tuu Ilaahay barakeeyaay, marxabba.
4. Waa bishii naxariistiyo;
Denbidhaafka badnayd eey
Waa bil khayre
Berrito soonkiyo maantaba
Yaan lagaa badin khayrka.
5. Ramadaanta nin soomay
Soddonkeeda dhammeeyay
Sakadeedana dhiibay
Janno way u sugnaatay.
6. Safkii Nebigii iyo
Qoomkii suubbanaa iyo
Aan asxaabta raacnee
Sooma Ramadaanta
Salawaatullaahi; calaa khayril khalqi; Muxammad Mukhtaari.
7. Cawadhalad in aan ahay
Ciiddeennii Soon baa
Cirku nagu helee
Caafimaad san
Farax ciyaar leh
Nabad ku ciida.
8. Annaguna ciidnee
Idinkuna ciidoo
Nabad iyo caano
Aynnu ku ciidno.
9. Ahey ah, maskaxdaa laga abaaroobayeey.
10. Geeshkayagow guulaysta
Guul lagu reeyow guulaysta.
11. Nolol ugub ah aaran ah
Alleylehe helnee
Eebbow mahaddaa.
12. Guddideenna talisaa
Go’aankii ay keenaan
Haddaan garabka lala qaban
Oon lala giraangirin.
13. Anigu dablaan ahaanayaa
Naftayda waan la doodayaa
Raaxada waan u diidayaa.
14. Ma og tihiin magaalada
Muqdishaynnu joognaa..
Ma miliilicdeen weli
Mana jidhidhicooteen?
15. Shicibyahaw wanaagsani, walaalayaalow
Waaxyahayagii rumaadow, walaalayaalow
16. Halgan baynnu galnoo,
Nafta waynnu hurnoo
Guul weyn baynnu helnee; hinjiya!
17. Gadhka iyo waxaan labada law meel isugu geeyay
Sidii aar gantaal qaba waxaan gocasho reemaaba.
18. Inanyahay la ila rabee
Reerkoodu ila doonayaan
Adigu ma i raacsan tahay?
19. Dawadii naftaydow
Bal aan kula dardaarmee…
20. Yaa u sheega, Yaa ogeysiiya, Alla yaa u sheega!
Ismoog udbihii bay aslaysaa, Ismana oga.
21. Kasdaraneey
Kooraskii aad aadday
Waxaad ka keentay
Kabboo saydh miyaa?
22. Waan dibadgaloobay
Waan dalandoolaayey
23. Wadhaf iyo shinbiri
War iskuma hayaan
Waaya’aragnimo la’aaney ba’!
24. Waan ku haybinayoo
Hurdo kaama ledoo
Huqdaaday dishee. Haa haa.
25. Jacayl ma habaabi karo
Aabbahaa ma hagaajin karo…
Hadal waalid ma diidi karo
Habaar adag buu dhalaa.
26. Calaf lama dagoo
Lama diidi karo
Waa deeq Ilaah.
27. Dabaylyahay
Naf baa dibad iga jirtoo
Dan baa i hoggaaminaysee.
28. Ma dhammaado waqtigaad
Soo dhoweysataaye
Dheeraa muddaduyeey.
29. Ladnaan, ladnaan,
Ladnaan ku waaraay
Labadii is jecelee
Liibaanta ahaadaay.
30. Dhulkayga dhulkayga dhulkayga
In aan dhib galoon, dhakhsaw helo oon
Dhulkayga dhacsadaan ku dhaartay.
Muhammad Suleiman Omar
Email: [email protected]
Twitter:
15/5/2020.MILICSIGA BUUGGA ‘MAGUURAAN’
Horraantii sannadkan waxa magaalada Hargeysa lagu soo bandhigay buugga la magac baxay ‘MAGUURAAN – Sooyaalkii iyo Suugaantii Abwaan Cismaan Aadan Xuseen ‘Askari’ (1938 – 1989)’. Buuggan oo uu qoray qoraaga da’da yar ee Khadar Xuseen Daahir “Hayl”, waxa uu ka kooban yahay 368 bog. Buugga waxa loo hibaynayaa da’yarta Soomaaliyeed ee u heellan barashada afkooda hooyo. Qoraagu waxa uu ka afeefanayaa in aanu buuggani xanbaarsanayn suugaantii Abwaan Cismaan-Askari oo dhan iyo in suugaanta ku qorani aanay boqolkiiba boqol sax wada ahayn.

Dhulkayga dhacsadaan ku dhaartay
Waxa Qoray Abdi Aziiz ximiro
01/04/2022
sooyaalka abwaan Sangub
Alle ha u naxariistee ku dhintay Cisbitaal kuyaal magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya Maxamuud Cabdilaahi Ciise
abwaanka ayaa waayadii dambe la daalaa dhacayey sheekooyin macaan iyo ciyaaryahano la sheegay in uu lugta ka soo gaaray mar uu ku sugnaa Sacuudiga oo uu Cumro u muuqday.
Abwaan Singub ayaa hilaaddii 1943-dii ku dhashay magaalada Dhagaxbuur ee gobolka Jarar ee dawlad deegaanka Soomaalida.
abwaanka ayaa ku dhintay da'da 76 jir, waxa uuna ka tagay 23 saacadood iyo 2 xaas.
Waxa uu fanaanka kusoo biiray ciyaarta da'yar , waxa uuna ku bilaabay ciyaarta dhaantada oo uu aad ugu soo caan baxay sanadkii 1961 ayuu tagay magaalada Hargeysa oo uu xadiday Joogay, isla sanadkaas ayuuna u wareegay magaalada Muqdisho.
Waxa uu abwaanku caan ku ahaa samaynta riwaayadaha iyo curinta heesaha. Waxa uu lahaa heeso iyo riwaayado badan oo caan baxay.
Riwaayadaha sida wayn loogu xasuusto waxaa ka mid ahaa: Waa Maadays Adduunyadu Dadkuna waa Matalaya, Qabrigii Jacaylka, Xuskii Jacaylka , Xudbaa liqay Jacaylka , iyo Qabyo oo uu burburkii kadib.
sidoo kale riwaayadaha Xorriyo , Maadeys , Gari makaa baxdaa (Ninba Tacabkii Talooy Kaa Maal) , iskuma Qaddo , Xaajo Ugub, Geedigaa Kaa lumay, Yaxaa Dhagaduub, Halkay Qoontu Taal Takhtarkii Qali Waa , Ummad Wada Qorqodo ah baan Wax u Qeybi Leeyahay iyo kuwa kale sida Afrikaay Hurudooy.
abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise Singub sidoo kale wuxuu noqday maamulaha tiyaatarka Hargeysa.abwaan Singub waxa uu ka mid ahaa hal abuuradii ugu caansanaa ee taariikhda fanka Soomaaliyeed soo mara, waxa uu sanadihii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho, oo uu ka sameeyay koox la sheegay Deegaan kuwaas oo masraxyada la isugu yimid ka dhiga heeso iyo riwaayado kacalaamada in dib loo dhiso Soomaaliya lagana gudbo kala qaybsanaanta.Abwaan Singub ayaa burburkii kadib ku noolaa dalka Jabuuti oo uu kusoo dhaweeyay madaxweeyne Cismaaciil Cumar Geelle, muuqalka waayadii dambena u wareegay magaalada Muqdisho.
Waxa uu sidoo kale waayadii dambe ahaa golaha abwaanada Soomaalida.
waxaan la sheegaa in uu ahaa Abwaanka labada ee Soomaali ugu riwaayadaha badan waxaana ka muuqday oo kaliya Axmed Saleebaan Bidde.
waxaa lagu tilmaamaa in uu ahaa abwaanka kaliya ee suugaantiisu ay Soomaaliya dhaafsiisnayd, Suugaantiisa ayaa u badnayd gumaysi diid iyo mid uu ka dhigay xornimo doonkii Afrika.
Waxa Qoray
ABDI AZIIZ XIMIRO
01/04/2022
TAARIIKHDA ABWAAN MAXAMED IBRAAHIM WARSAME HADRAAWI
Maxamed Ibraahim Warsame oo kumagac dheer (Hadraawi), waa mid kamid ah tiirarka fanka Soomaalida, waa abwaan ku caan baxay curinta Heesaha iyo Gabayada.
maxamed wuxuu ku dhashay magaala madaxda gobolka Togdheer ee Burco sanadki 1943kii, waxa uu ka dhashay qoys faaqiir ah oo ka kooban 9 saacadood, hal gabar iyo shan wiil. Maxamed Ibraahim marki uu 10 jir ahaa wuxuu qaatay dalka Yemen isagoo waqtigaa lagaaloo la nolaa adeerkiis.
halka uu galay dugsigu, isagoo magaca uu ku baxay ee Hadraawi uu halkaa uga baxay, waraysi uu bixiyey ayuuna ku sheegay magacu inuu asal ahaan (Abuu Hadra) oo uu macalinkii dugsigu bixinayo qosliya. marki uu dugsiga ka baxayne wuxuu macalin ka noqday mid kamid dugsiyada hoose ee dalkaYemen.marki ay Soomaaliya xornimada hooyada, keentay waqoyi iyo koonfurta ay midoobeen, Hadraawi Yaman wuu kasoo tagay isagoo dib ugu soo laabtay dalkiisa hooyo gaar ahaan magaala madaxda Muqdisho, isagoo mar kale noloshiisa ka dhigay, wuxuu ku biiray jaamacadda Umadda, ka qali jebiyay ooisla iyadana uu bare ka noqday, ay bar-bar socotay inuu la dhaley dhalashada iyo Radio Muqdisho.
Hadraawi oo noqday gabyaa iyo heeso curiye caan ka ahaa bulshada dhexdeeda wuxuu ahaa nin aad uga soo hor jeeda maamulki militariga ahaa ee uu majaraha u hayay Jeneraal Maxamed Siyaad Barre, heeso iyo gabayo kasoo hor jeeda maamulkii dalka oo uu tiriyay, ayaa ahaa in xaqiiqda loo sameeyo. taxaabo,Waxaan lagu xeray magaalada Qansax Dheere oo ah magaalo 90km dhanka koofur galbeed ka jirta magaalo madaxda gobolka Bay ee Baydhabo, markii xabisa ku jiray 5 sano lagasoo sheegii 1973 ilaa 1978.
hadraawi marki uu xaqiiqada kasoo baxay waxa kamid noqday maamulka Akadeemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta.
xilliyadi billiwga burburka iyo dagalladi sokeeye Hadraawi waxa uu aaday Ingiriiska isagoo kaddibna safarro kuso maray inta badan xabsiyada Yurub iyo Maraykankaba, markii ka qayb galay xaflado faneed lagu dhigayay xidhayas.
1999 ayuu Hadraawi ku laabta Hargaysa.
heesaha ugu badan ee lagu xasuusto Hadraawi kamid ah: Baladwayn oo uu qaaday fannaanka Xasan Aadan Samatar. Hooyo oo uu qaaday allaha u naxariistee fannaankii lagu magacaabay boqorka codka Maxamed Saleebaan Tubeec. jacayl Dhiig Malagu Qoray oo iyadana ay quruuntay allaha u naxariistee boqoraddii codka Xaliima Khaliif Cumar Magool. Suleekha oo uu qaaday allaha u naxariistee Fannaankii Maxamed Nuur Giriig. Iyo kuwa kale oo badan.
Qaar kamid ah heesaha uu muuqaalkane waxaa la
01/04/2022
abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi oo ku magacdheer "Xasan-Ganey", markii uu magaciisa dhegeheenna soo gaadhay, waxa kolkii maskaxdeenna ku soo dhacay heeso badan oo caan ka ahaa Soomaalida oo ay ka mid ahaayeen: Sayla, Xaadba Xaad Kici, Gobeey Liico Ha Jabin iyo qaar kale.
abwaan Xasan-Ganey heeso keli ah kuma xasuusan karno ee, waxaa dheer riwaayado taariikhda galay oo masraxa Soomaalida ruxay: Dab Jacayl Kari Waa, Jinni iyo Jacayl, Musiibadu Adduunyada Iyadaa u Macallin ah, baa ka mid ah ruwaayadihiisa.
intaa waxaa dheer in Xasan-Ganey ka mid ahaa maansa-yahannadii ka qaybqaatay silsiladdii Deelley (1979-1980), isaga oo ku darsaday tix magaceedu ahaa 'Ka Dartaye Ma Dibi Baa?'
XAYEYSIIN
xasan-Ganey keliya ma aha abwaan maansooda isla filimka riwaayadaha, ee waxaa kale oo uu ahaa jilaa riwaayadihiisa ka dhex galka oo keliya.
suugaanta Xasan-Ganey waxa ay hodan ku tahay dhaqanka Soomaalida taas oo laga dheehan karo nooca shakhsiyadiisa iyo sida uu u yahay qof dhaqanka Soomaaliga iyo diinta Islaamku ku weyn yahay.
in kasta oo maansadiisa dhinacii la jalleecaba hodan ka tahay, haddana tix kasta oo uu tiriyay waxaa laga dhex dhandhansanayaa hibo uu abwaanka gaar u leeyahay oo gooni u ah, taas oo ku salaysan xeeldheeri af, mid dhaqan, mid kaftan, iyo madaddaalo iyo murti aad. u qaayo sarreeysa.
xasan waxa uu leeyahay hal-abuur ashqaraar ah kaas oo maansooyinkiisa qaar marka aad akhriyayso ama dhegaysanayso aad galayso duni kale oo ka duwan tan aynu joogno.
Marar kale waxa aad moodaysaa in uu casharro kugu barayo maansada dhexdeeda. tusaale ahaan, heesta 'Caashaqa ha baayicin' oo Xasan-Ganey curiyay, oo ay wada cunaan Xasan Aadan Samatar iyo Xaliimo Khaliif Magool, haddii aad u fiirsato, dacallada aad ka istaagto casharro nololeed ayaa ku duugan:
Xalaytaba cawayskii,
Canabeey daruuruu,
Cimid bay,
cawana laguma oga,
Wakhtigii ku ciliyo,
Cisigiyo wanaagguna,
Ways daba carrabaan
Waxaa kuu kara,
Caamiyaha indhaa iyo,
Ma ogtahay curyaankaba,
Cago looma waayine
Caynkaa wax loo yidhi
Kuwaitee ladan,
Inay ku cibro qaataan,
Caashaqa ha baayicin!
marka aynu ka waramayno tixda Xasan-Ganey, gef bay innagu noqonaysaa in aynu xusuusan wayno tabtii uu Xasan maansadiisa ugu soo bandhigay wanaagga diinteenna iyo wacnaanta Rasuulkeennii suubbanaa. Ta ay beydadkan hoose ku jiraan baa ugu keydka tixaha Xasan ee Nebi Nche ah:
rasuulkii billayee,
Barakada lahaayow,
Beri samaad adduunyadu,
U barwaaqo weyn,
Afarteedi baalood,
Qurux soo bandhigayaan
Yaraantiisii iyo Bilawgii Suugaantiisa

XIGASHADA SAWIRKA,MUNA AHMED
xasan-Ganey waxa uu sannadkii 1947-kii ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar oo ka tirsan gobolka Saaxil, Soomaalilaan. Xasan qoys hodan ku ah suugaanta iyo hal-abuurka ayuu ka dhashay.
aabbihii Xaaji Cabdillaahi waxa uu ahaa maansayahan, hooyadii Dhool way buraanburi jirtay, Qaramada wiil oo ay dhaleenna shan ka mid ah ayaa maansoon jiray.
Isaga oo yar ayuu Xasan ka soo wareegay miyiga Buulaxaar ee uu ku dhashay, waxa yimid magaalada Berbera halkaas oo uu shaqo ka bilaabay.
sida uu Xasan sheegay waxa uu ka shaqayn jiray huteel ku yaalla Berbera. Markii dambe Xasan waxa uu u soo wareegay magaalada Hargaysa shaqada ka shaqeyn jiray huteelkii la odhan jiray 'Union-ka'. Xasan markii xigay wuxuu noqday ganacsade oo isaga ayaa ganacsiyo yaryar ku lahaa Xero Dhifta Hargaysa.
Bishii Feebarwari 6-deedii, sannadkii 1967, ayuu ku biiray ciidanka , dalka Soomaaliya. Xasan suugaanta xilliyadaas ayay bilaabantay waxayse si fiican u hana-qaaday Casataneeyadii, gaar ahaan markii uu ka beddelay Janan Da'uud.
abwaan Xasan-Ganey 1971, ayuu ku biiray kooxda la odhan jiray Janan Daa'uud ee dalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. isla cutubas ayuuna curiyay heestiisii ugu macaan ee muusikada loo tumo oo la odhan jiray 'Caashaqu Shib Maygu Riday' oo uu laxanka saaray Axmed Nuur Jaangoo (IHUN), waxaan ka baxsannay bannaan ku Sacaada Allaale;
Shilba aniga oon qaban
Shalay fikradadii
Caashaqu shafkaygii
hawl yari shuq ma u yidhi!
Xasan waa guri-danbays, isagaana u yar walaalaha uu la dhashay. Xasan waxa uu yeeshay laba xaas; Cadar Axmed Kaahin oo ay kala duwan tahay laba wiil (Guuleed Xasan X. Cabdillaahi iyo Cabdillaahi Xasan X. Cabdillaahi) iyo Maryan Cali Axmed oo ay hadda wada goolal.
labada wiil ee uu Xasan dhalayba way maansoodaan waxaa se maansooyinkiisa iyo suugaantiisu ahaa caan Cabdillaahi Xasan.

XIGASHADA SAWIRKA,MUNA AHMED
Riwaayadii Abwaanka
sannadkii 1973, waxa uu Xasan-Ganey sameeyay riwaayaddii suugaantiisa iyo magaciisuba ku soo shaac baxay ee 'Dab Jacayl Kari Waa'.
Riwaayaddaas oo ahayd mid halbuurkeeda aad u sarreeyo, marka laga tago waxa kale oo uu abwaanku leeyahay arrimaha riwaayadood oo kale kuwaas oo kala ah sidan;
jinni iyo Jacay, 1975-kii
Dumistii Aqalkayga iyo Arooskii Inankayga, 1977-kii
Galbeed Waa La Xoreeyee Waarsaa Gaagixisay, 1978-kii
Bidaari Sibiq bay Kugu Gashaa, 1980-kii
Musiibadu Adduunyadu iyadaa U macalin ah, 1983-kii
Daajiyaaba ka maal, 1987-kii
dhaqankeena iyo Dhaliisha Casriga ah, 2000.
Silsiladdii Deelleey
Abwaan Xasan waxa uu ka qaybqaatay silsiladdii caanka ahayd ee 'Deelley' ee ujeeddadu ahayd far kuu fiiqista taliskii keli-teliska ahaa Maxamed Siyaad Barre, taas oo uu bilaabay AHUN Maxamed Xaashi Dhamac 'Gaarriye'.
silsiladdan Xasan waxa uu ku lahaa maanso la odhan jirtay 'Ka dartaye ma dibi baa?' oo sida uu Boobe Yuusuf Ducaale ku sheegay buuggiisa 'Deelley; Saadaal Rumoowday' ahayd maansadii ugu quruxda badnayd silsiladda. Maansada waxa ereyadeedii ka mid ahaa:
Rabboow diinta waasiici,
gobonimooy hannaga dumin,
Soomaaliyeey Duub,
Noqo ul iyo diirkeed,
Dalka kii xumeeyoow,
Deg-degoo ha qoraal
Heesaha Xasan-Ganey ee caanka noqday
1. Sayla
Xasan maqalno heesaha markaaba maskaxdeena ku soo dhaca ayay ka mid tahay Saylici.
sayla waa mid ka mid ah heesaha ugu dhumucda wayn marka aynu fiirino sifaynta dhaqanka, hiddaha iyo deegaanka Soomaalida.
Heestan waxa si wada jir ah u qaaday Xasan Aadan Samatar iyo Sahra Axmed;
Sayloo guyaal badan,
Soo baxa kalishii,
Seelseelna loo degay,
Sannad geelu badi dhalay,
oo sidigtii Laalays,
Nirguhu aanay socod baran,
Reeraha sintoodiyo,
Kaymo saar leh loo dhigay,
Oo igadh mid yari sabo,
Maqaar lagu salaaxay,
Saameeshay gaawaha,
Oo baarqab soohani,
Isagoo ah laba-sabar,
Soofeeyey micidoo,
Ka sanqadhiyey doobtii,
Salaaddiina roorsaday,
Ugabkii u saniyo,
surmo dheer la tiigsaday,
Saqdii dhexena roob helay,
Subixii bariiisada,
Sidoodaan jalleecada,
Saxansaxo udgoon badan,
Sanka kuula raacaa!
2. Yabaal
Heestan waxay soo baxday 1975-kii waana hees jacayl ah. Waxa ku luqaysa Khadra Daahir Cige.
Adigaan ku yeesho,
Kuna yeelo waayoo,
adiguna yuhuuntii,
Yacaygeedii dumisaye,
Anna waxaan yaxoobaa
Weli yuururaa meel,
Shimbiruhu ka yaaceen
3. Xaadba Xaad Kici
Heestani waxa ay soo baxday 1981-kii abwaanku sheegay in uu u hibeeyay beerta. waxaa qaaday fannaanka Xasan Aadan Samatar.
Halalac iyo muuqii
indhuhu waxay u haystaan
Dayaxoo hoggisii,
Ka soo baxay hal baarkeed
Shucacuu higsanaayee,
Maaday hor taagnaa?!
4. Weligeed Adduunyada
Heesaha kale ee illaa maanta aan liicin waxaa ka mid ah heesta 'Weligeed Adduunyada' oo ay qaaddo fannaanka Aamina Cabdillaahi Xirsi. laxanka heestan waxa saaray Cabdiraxmaan Cismaan oo ku magacdheeraa 'Cabdirxmaan Dheere'.
Weligeed adduunyada,
Wakhtigaa qof saacida,
Midna waayaha xidha;
Labadaas waxaan hay
Horaa looga waayoo
Waa nin iyo waagii
5. Laqanyada Jacaylka
innaga oo aan ka geyoonayn heesihii tirada badan ee Xasa-Ganey, bal aynu haddana jalleecno heesta 'Laqanyada Jacaylka' ee ay si wadajir ah ugu luqeeyaan Sahra Axmed iyo Cabdi Cali Bacalwaan. Laxanka heestan waxa saaray Axmed Nuur Jaango:
Laqanyada Jacaylkiyo
Lurta caashaq kululaa
ruuxaad u lahatayoo
Kugu laaday ba'ana!
Suugaanta iyo Sooyaalka Abwaan Xasan-Ganey laguma soo koobi karo qoraal iyo laba toona.
Xasan halabuurkiisa waxa uu baal dahab ah kaga jiraa guud ahaan suugaanta iyo masrixiyada Soomaalida. Riwaayad kasta iyo
maanso kasta oo uu curiyay waxa ay leedahay miisaankeeda iyo murtideeda gaarka ah.
Xasan illaa hadda waxa laga qoray hal buug kaas oo suugaantiisa badankeeda lagu ururiyay. Buugga waxa la yiraahdo Badmacaan, waxaa lagu qoray Maxamed Axmed Xasan 'Qodax', waan tifaftiray Cabdiraxmaan C. faarax 'Guri Barwaaqo'.
(Warbixintan waxa diyaarisay
BBC Somali
Hada waxaa qorey ABDI_AzIIZ_XIMIRO
| Saturday | 09:00 - 17:00 |
| Sunday | 09:00 - 17:00 |