16/07/2019
Warbaahinta Malcab.com ayaa warbixin ka diyaarisay kala xulista ciyaaryahanada degmeda ibraahim koodbuur iyo halka uu marayo diyaar garawga ciyaaryahanadu.
mahadsanid wariye:- Tayo Qaran AL-AhmåDi
Barnaamij Gaar ah:- Diyaar Garowga Degmada Ibraahim Koodbuur?
Barnaamijkan Gaar ah Waxaan Ku Eegi Doonaa Diyaar Garowga Degmada Ibraahim Koodbuur Ugu Jirto Koobka Degmooyinka Caasimada Hargeysa Ee Dhawaan La Qaban Doono...
15/07/2019
Maanta oo ay taariikhdu tahay 7/15/2019 waxa la qaban doona treningkii ugu danbeeyay ee kala xulista ciyaartoyga waqtigu waa 2:00 duhurnimo garoonka dhalinta, hadaba dhamaan ciyaartoga waxaa laga codsanayaa inay waqtiga soo dhawraan horena u imaadan xerada tabobarka.
11/07/2019
Macalimiinta iyo maamulka deg Ibraahim koodbuur ayaa ku hawlan kala xulista ciyaartoyga ka qayb galaya tartanaka degmooyinka caasimada hargeisa oo dhawaan ka bilaami doona Hargeisa stadium.
dhawaan waxa lagu dhawaaqi doona liiska ciyaartoyga sida rasmiga ah uga mid noqon doona kooxda ku ciyaari doonta magaca deg ibraahim koodbuur.
08/07/2019
ogeysiis ogeysiis;
Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan ciyaaryahanada diyaarka u ah inay ka qaybqaatan kooxda kubada cagta deg ibtaahim koodbuur in bari oo salaasa ah taariikhduna tahay 7/9/2019, 2 duhurnimo garoonka dhalinta lagu qaban doono kulankii ugu horeeyay ee tababarka ciyaartoyga,hadaba maamulka iyo macalimiinta degmadu waxa ay ogaysiinayaan dhamaan ciyaartoyga ka qayb galaya inay imaadan kana soo qaybgalaan tababarka bari wakhtigana ilaaliyaan.
Allah mahad leh.