27/04/2024
Milan ayaa wadahadal meel fiican maraya kula jirta Julen lupotegi in uu noqdo tababaraha cusub ee kooxda (Matteo moretto)
Taatikadu waa goobta saxda ah ee aad kala socon karto wararkii iyo falanqeyntii ugu danbeysay
27/04/2024
Milan ayaa wadahadal meel fiican maraya kula jirta Julen lupotegi in uu noqdo tababaraha cusub ee kooxda (Matteo moretto)
27/04/2024
Barcelona ayaa heer wanaagsan ka maraysa wadahadlka Guido Rodriguez oo Bilaash lagu heli karo xagaagan, Balse qorshaha Barca waa in ay marka h**e isku dayaan saxeexa ciyaartoyo Heer sare ah sida Kimmich iyo Onana Markaas kadib ay u dhaqaaqaan Saxeexa Guido (Toni juanmarti)
27/04/2024
Xabi Alonso" Markii aan baranayay aqoonta iyo nidaamka Tababarka , Macalimiin badan ayaa casharadaas ii sharaxay Gaar ahaan Joojinta iyo xidhista ciyaartoyada oo saacado iyo saacado aanu baran jiray, Markii ay dhamaatay Macalimiintu waxa ay ii sheegeen in nidaamyadani aanay ku shaqeyn keliya Hal ciyaariyahan oo ah Leo messi,Markaas waxa aan ahay tababare nasiib badan madaama aanan messi ka hortageyn waayo waa Qeybta ugu adag kubadda cagta"
26/04/2024
Rasmi" Leicteier city ayaa ku soo laabatay horyaalka premire league"
26/04/2024
Real madrid ayaa talaabo kale usii qaaday hanshada Horyaalka kadib Guul muhiim ah oo ay ku xaqiijiyeen San sebastian Kulan Ancelotti nasiyay ciyaartoyada muhiimka ah isaga oo Arda Guler dhaliyay Goolka guusha.
Qiimeynta arda Guler ilaa imika waa ciyaariyahan cajiib ah oo farsamo badan leh Balse horumar badan u baahan dhanka dhaqdhaqaaq marka aanu kubada wadan iyo xidhiidhka weeraryahanada kala dhaxeeya waa in uu muuqdo Laakin wali waa Da,yar oo waqti badan ayuu haystaa
26/04/2024
Frank lampard oo ka hadlaya sababta uu iskaga casilay qaranka England" mar ayaan la sheekeystay Luke shaw oo aan lasoo hadal qaaday Tony Adams kadib waxa ka muuqatay in aanu garaneyn qofka aan sheegayo , Waxa aan ku idhi miyaad ila kaftamaysa? yacni garan maysid Adams?
Luke ayaa igu jawaabay Kooxdee ayuu u ciyaara?
Markaas ayaan gartay in ay gaadhay waqtigii aan iscasili lahaa"
26/04/2024
Rasmi" Arne slot waa tababaraha cusub ee Liverpool"
26/04/2024
Pep Guardiola" Waxaan xasuusta waqtigii aan imi Man city 8 sano ka hor markii aanu u bixi jirnay kulamada isu diyaarinta xilli ciyaaredka may jirin taageryaal badan , imika markii aanu tartamo badan ku guuleysanay kooxdu waxay yeelatay taageryaal aad u badan taasina wax badan ayay u la dhigan tahay city"
26/04/2024
Thomas tuchel" Gnabry wuu ciyaari doonaa Kulanka Madrid Goolna wuu dhalin doonaa"
26/04/2024
Real maddid ayaa hakad galisay wadahadalka Alphonso Davies sababo la xidhiidha hoos u dhaca bandhigyadiisa oo shaki weyn soo galiyay maamulka sidoo kale Madrid ayaa ku dadaalysa saxeexa Daafaca dhexe markaas kadib ayaa la fiirin doona macquulnimada Davies (Relovo)
26/04/2024
Taageryaasha Bayern ayaa barta twitter ama x ku uruuriyay 10kun oo saxeex oo ay ku doonayaan Thomas tuchel in uu kooxda sii joogo xilli ciyaareedka danbe (Kicker)
26/04/2024
Jimce wanaagsan ❤️