Isha Ciyaaraha

Isha Ciyaaraha

Share

Waxa aad u gu timaadaa warar sugan oo ku saabsan ciyaaraha kubadda cagta.

Photos from Isha Ciyaaraha's post 09/01/2024

Wax ka baro ciyaartoyda horyaalka Ingiriiska; cida u gu goolasha badan, ugu safashada badan, ugu caawinta badan iyo goolhayayasha shabaqa ilaashinta u gu badan.

26/12/2023

Jim Ratcliff maalqabeenkan reer Ingiriis ayaa iibsaday 25% naadiga manchester united. Waxa uu ku maalgalindoonaa 1.3 bn dollar qalabka, iibka ciyaartoyda iyo tobabarayaasha. Jim, waxa uu gaar u maamulidoonaa dhammaan hawlgalada kubadeed ee kooxda isaga oo masuuliyadaa qaadandoona. Taageerayashaaya kooxdan waa u neef ka soo bax mar haddii uu ninka soo galay mulkiilayaasha kooxda. Waxase su'aal ah kooxdu ma ku soo celindoonaa qaabkeedii iyo sumcadii ay ku lahayd masraxa ciyaaraha? Waa la eegidoonaa sanadkan 2024 ka.

17/12/2023

Manchester United caawa Liverpool bas ayey u dhigeen. Maxaad ka filaysay ciyaartan in ay ku dhamaanayso markii h**e?

12/12/2023

Manchester United waxa ay halka u hoosaysa ka gashay group-jeeda iyada oo urursatay 4 dhibcood oo kali ah sidaana kaga hadhay horyaalka Yurub.

Cuqubadii Giridhi miyaa ku dhacday kooxdan.

10/12/2023

Manchester City guul ayey gaadhay.

09/12/2023

Arsenal hoggaankii waa lagala wareegay. Aston villa na waxa ay fadhidaa kaalinta 3aad. Caawa waa la dubtay Arsenal wax ay gooraha dambe badbaadaba. Arsenal sidaa horyaalka hoggaamintiisu ma kaga wareegidoontaa mise gadaal ayey ka soo ceshan? Shaqo badan ayaa Arteta u taala.

09/12/2023

Caawa ciyaar qosol ah ayaa lala ciyaarayaa Manchester United. Sidan tobabaruhu ma ku sii joogidoonaa haddii uu badbaaday ciyaartii Chealse?

09/12/2023

Liverpool waxa ay gaadhay guul mihiim ah.

09/12/2023

10 sano kadib, David Moyes ayaa ka hadlay dhibaatada haysata Manchester United. Waxa uu sheegay in ay u baahantahay in ay horumariso qaab-ciyaareedkeeda sida baasaska, fursad abuurka iyo difaacashada.

Xaqiiqada ayaa ah marka la ga tago in ay kooxdan u baahantahay in dhawr ciyaartoy la ga diro, qaarna la keeno in ay haysato dhibaato xagga qaab-ciyaareedka ah. Kooxda wayn waxa loo ga bartay in ay qaab-ciyaareed iyo kubad haysasho ay sameeyaan inta ciyaarta la gu gudo jiro laakiin Man United dhibkeedu waxa weeye, qaab-ciyaareedkeedii oo gabi ahaan ba lumay.

Haddii aad taageere United ah tahay, ma aragtaa dhibkan in uu haysto kooxdan.

26/04/2023

Manchester City ayaa Arsenal oo horyaalka u dhuumo is lahayd garanka ka saartay. 4:1 ayey ku garaacday garoonkeeda Etihad. Waxa ay u muuqataa in horyaalkii ka jeestay Arsenal.

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address


Hargeisa
252

Opening Hours

Monday 07:00 - 17:00
Tuesday 07:00 - 17:00
Wednesday 07:00 - 17:00
Thursday 07:00 - 17:00
Friday 07:00 - 17:00
Saturday 07:00 - 17:00
Sunday 07:00 - 17:00