09/01/2024
Wax ka baro ciyaartoyda horyaalka Ingiriiska; cida u gu goolasha badan, ugu safashada badan, ugu caawinta badan iyo goolhayayasha shabaqa ilaashinta u gu badan.
Waxa aad u gu timaadaa warar sugan oo ku saabsan ciyaaraha kubadda cagta.
09/01/2024
Wax ka baro ciyaartoyda horyaalka Ingiriiska; cida u gu goolasha badan, ugu safashada badan, ugu caawinta badan iyo goolhayayasha shabaqa ilaashinta u gu badan.
26/12/2023
Jim Ratcliff maalqabeenkan reer Ingiriis ayaa iibsaday 25% naadiga manchester united. Waxa uu ku maalgalindoonaa 1.3 bn dollar qalabka, iibka ciyaartoyda iyo tobabarayaasha. Jim, waxa uu gaar u maamulidoonaa dhammaan hawlgalada kubadeed ee kooxda isaga oo masuuliyadaa qaadandoona. Taageerayashaaya kooxdan waa u neef ka soo bax mar haddii uu ninka soo galay mulkiilayaasha kooxda. Waxase su'aal ah kooxdu ma ku soo celindoonaa qaabkeedii iyo sumcadii ay ku lahayd masraxa ciyaaraha? Waa la eegidoonaa sanadkan 2024 ka.
17/12/2023
Manchester United caawa Liverpool bas ayey u dhigeen. Maxaad ka filaysay ciyaartan in ay ku dhamaanayso markii h**e?
12/12/2023
Manchester United waxa ay halka u hoosaysa ka gashay group-jeeda iyada oo urursatay 4 dhibcood oo kali ah sidaana kaga hadhay horyaalka Yurub.
Cuqubadii Giridhi miyaa ku dhacday kooxdan.
10/12/2023
Manchester City guul ayey gaadhay.
09/12/2023
Arsenal hoggaankii waa lagala wareegay. Aston villa na waxa ay fadhidaa kaalinta 3aad. Caawa waa la dubtay Arsenal wax ay gooraha dambe badbaadaba. Arsenal sidaa horyaalka hoggaamintiisu ma kaga wareegidoontaa mise gadaal ayey ka soo ceshan? Shaqo badan ayaa Arteta u taala.
09/12/2023
Caawa ciyaar qosol ah ayaa lala ciyaarayaa Manchester United. Sidan tobabaruhu ma ku sii joogidoonaa haddii uu badbaaday ciyaartii Chealse?
09/12/2023
Liverpool waxa ay gaadhay guul mihiim ah.
09/12/2023
10 sano kadib, David Moyes ayaa ka hadlay dhibaatada haysata Manchester United. Waxa uu sheegay in ay u baahantahay in ay horumariso qaab-ciyaareedkeeda sida baasaska, fursad abuurka iyo difaacashada.
Xaqiiqada ayaa ah marka la ga tago in ay kooxdan u baahantahay in dhawr ciyaartoy la ga diro, qaarna la keeno in ay haysato dhibaato xagga qaab-ciyaareedka ah. Kooxda wayn waxa loo ga bartay in ay qaab-ciyaareed iyo kubad haysasho ay sameeyaan inta ciyaarta la gu gudo jiro laakiin Man United dhibkeedu waxa weeye, qaab-ciyaareedkeedii oo gabi ahaan ba lumay.
Haddii aad taageere United ah tahay, ma aragtaa dhibkan in uu haysto kooxdan.
26/04/2023
Manchester City ayaa Arsenal oo horyaalka u dhuumo is lahayd garanka ka saartay. 4:1 ayey ku garaacday garoonkeeda Etihad. Waxa ay u muuqataa in horyaalkii ka jeestay Arsenal.
26/04/2023
Kooxda qaranka ee da'yarta qaranka Somaaliya ayaa ciyaaraysa koobka AFCON ee da'yarta 17. Kooxaha ku jira koobka ayaa ah qaar aad u adag. Marka loo eego halka ay da'yartu soo gaadhay waa meel aad u qiimo saraysa. Halkan oo ay qaranku ka ciyaaraan waxa u gu dambaysay 1992. Guul aynu u wada rajayno qaranka Soomaaliya.
26/04/2023
Wax ka ogow ciyaarta maanta la gu kala bixidoono ee u dhaxaysa Manchester City iyo Arsenal.
Labadan kooxood ayaa ku hirdamaya in hanashada koobka horyaalka ingiriiska (Premier League) aan eegno xog ku saabsan ciyaarta maanta.
Arsenal
Arsenal waxa ay doonaysaa in ay hanato horyaalka oo markii ugu dambaysay ay ahayd 2004 oo ay qaadeen iyaga oo aan hal ciyaar la ga badin (Ubeaten Record).
Arsenal way ku guul daraysatay 7 ciyaarood ee u gu dambeeyey ee ay ka horyimaadaan Manchester City dhammaan kullanada koobabka oo dhan.
Arsenal k**a badin ciyaar horyaalka ah City tan iyo 2015 kii
Manchester City
City 11 kulan ee u dambeeyey way ku badisay garoonkeeda Etihad waxa ayna ku dhalisay 43 gool.
Haaland, laba gool oo kaliya ayaa ka xiga in uu jabiyo qofka ugu dhalinta badan horyaalka ingiriiska oo ahaa Alen Sharer oo dhaliyey 34 gool.
Maxay ka yidhaahdeen laba toobabare kulanka.
Guardiola: Arbacadu waa ciyaar ka dhigan faynal oo u dhaxaysa laba kooxood oo kamid ah kuwa ugu fiican ingiriiska. Waxa ay naga h**eeyaan 5 dhibcood. Waa ciyaar aad noogu mihiim ah
Arteta: Waan ognahay in aan tagayno Etihad kadibna in ay nagu soo wajahanyihiin 5 ciyaarood oo adag sidaa daraadeed ciyaarta Arabacadu waa mid aad noogu mihiim ah. Waa midii qeexaysay sannad ciyaareedkan. Jawaabtu waa MAYA hadaanu guulaysano macnaheedu maaha in aan horyaalka qaadnay. Waxa ay badali doontaa farqiga balse, 5 ciyaarood noo hadhay waa qaar aad u mihiim ah.
Manchester City Vs Arsenal
Arbacada: 10:00pm
Etihad Stadium
Isha Ciyaaraha
| Monday | 07:00 - 17:00 |
| Tuesday | 07:00 - 17:00 |
| Wednesday | 07:00 - 17:00 |
| Thursday | 07:00 - 17:00 |
| Friday | 07:00 - 17:00 |
| Saturday | 07:00 - 17:00 |
| Sunday | 07:00 - 17:00 |