Malabkii baa soo dhacay.🐝🐝❤🐝
Daqiiqadah iyo sacadduba aniga dan igma laha ee way iska soconayaan, oo waxa ay kasii gudbeen tobankii fiidnimo, halka aan anigu sagaalkii ku hadhay oo wali jawaab iyo hadal aan naawilayo. Nasiib wannaag goor sheegta oo inyar usii jirta 11-kii habeennimo ayaan farriin caato ah helay oo aan u qalmin in aan laba saacaddood meel u fadhiyay. Laakiin wax kasta waxa igala wayn uun in laysoo jawaabay haddii la doono haba laysoo caayee, hoostaan si wayn uga farxay oo wax wayn baa iga fuqay hal mar. In aan idiinba sheego maahee farriintu siday ba ahayd " kkkkkkkk Dhib malaha ina abti". Aniguna waxaan sugayay miyaad isoo wacday waan ka maqnaa iyo iminka makusoo wacaa, wax caynkaas ah in laysoo yidhaaho, laakiin waan ka xumahay.
Islaan ayayday ah baan ka maqlijiray "nin qoyani biyo isk**a dhawro" ee waxan goostay in aanan caawa seexan, ilaa aan codkeeda maqlo mooyee. Laakiin waa hadday iga yeesho! Waxaan u qoray: waxaan kaa codsan lahaa in aad ii ogolaato in aan codkaaga maqlo. Isla markiiba way isoo jawaabtay, jawaab aannan filanaynba oo ay tidhi: bisinka! Waar isoo wac walaal caadi iska dhigoo!
Waan farxad naxay oo shakigii baa hal mar iga baxay oo kallsoonidii baa soo laabtay isla ilbidhiqsiyo gudahood. Goor aan qaniinsiiyay garan maayee, aniga oo iska baraad la' ayaa dhegahayga waxa kusoo dhacaya, cod aad moodo in ay leedahay gabadha jannada sharaabka dadka u dhigdhigta in yar oo xabeeb ah mooyee waaba isku mid. Waxa ay leedahay: ina abti soo dhawoow, qof muddo badan aan isku dayay in aan la xidhiidho oo ay iisuurto galiwayday baad tahay, laakiin caawa isagu is keenay!
Qosol iyo hadal isku qasan baan isugu jac-buriyay oo ku idhi: waan ka xumahay qof adiga oo kale ah in aan farriinihiisa kasoo jawaabiwaayay muddo dheer, umana qalantid in adiga sidaasi kugu dhacdo, xaala waan kaa siinayaa. Inta ay qososhay ayay igu tidhi" qof kasta oo kula soo xidhiidha wuu qiimo badan yahay, laakiin qofka aad adigu u baahato uun maaha in aad u aragto mid
Kaamil kanaal
Dhiiiri gelinta
18/06/2023
Fursad dahabi ah.
Maalmuhu kala mudan oo kala maamuus badan, berri oo Isniin ah waxa bilaabmi doona maalmihii ugu qiimaha badnaa maalmaha sannadka oo dhan. 10 maalmood oo sheeggan, 10 maalmood oo Ilaahay ku dhaartay kuna dhaato, والفجر وليال عشر
10 maalmood oo camalka iyo samaha la sameeyaa ka qiimo badan yahay dhammaan maalmaha kale wixii la sameeyo.
“ما من أيام العمل الصالح فيهن أحب إلى الله من هذه الأيام”
Dedaalkeenna ugu badan waxa aynu samaynnaa bisha Ramadaan, Soon, salaad, duco, Qur’aan akhris iyo sadaqo intaba, intaas iyo wixii kale ee wanaag ah ee aad ku dartaba maalmahan ayaa ka ajar iyo qiimo badan maalmaha kale oo dhan macal Ramadaan.
Waxa sugan Nebiga Scw inuu yidhi “ma jiraan maalmo camalka wanaagsan Ilaahay ka jecel yahay maalmahan tobanka ah” waxa la waydiiyay Nebiga Scw “Jihaadkana?” Wuxuu ku jawaabay “Jihaadkuna maalmahan camalka la sameeyo k**a fadli badna, nin nafta iyo maalkaba huray oo labadaba waayay mooyee”.
Salaadda aad tukataa ka mudan salaadaha sannadka oo dhan. Soonka aad soontaa ka wanaagsan soonka sannadka oo dhan. Sadaqada aad bixisaa ka qiimo badan shilinka aad waqti kale bixiso. Xuska aad Ilaahay xustaa ka wayn oo ka wanaagsan xuska sannadka oo dhan.
Maanta diyaar garaw, sii dejiso jadwalka, qorshee waxa aad qabanayso 10kaas maalmood oo aanad ogayn in ay dib kuu soo mari doonaan, Salaado dheeraad ah wixii aad tukanayso - duxa, witir, salaatu layl, sunnayaasha faralka raaca iwm-
Soon wixii aad awooddo, sagaalka maalmoodba haddaad soomi karto yaa kaa geesisan, haddaad awoodi waydo khamiisaha, isniinaha iyo maalinta carafa ku faro adayg, haddaad kari waydo carafa oo keli ah oo salaasada danbe ku beegan yaan sinnaba lagaaga horrayn. Sadaqo wixii aad bixinayso maalin kasta hadda sii qorshee, ugu yaraan maalin kasta kun shilin bixi.
Si gaar ah maalmahan waxa loogu buuxinayaa xuska Ilaahay. Carrabkaagu ha ka qoyanaado xuska Alle, maalin kasta kumannaan jeer xuska ku celceli, tusbaxaagu yaanu gacantaada ka fogaan, duco iyo durraama
06/06/2023
Waxa jira godad marka la galo h**e loo sii Socon karo, hawo qabawna ay ka soo galayso meelo aanu qofka dhexmaraya garanayayn, qaar kood sidaad u dhex socoto waxay afka kaa galinayaan magaalo aan u dhawayn halkii aad ka soo gashay, ama badda hoosteeda ayay ku gaynayaan. Waxa laga sheega Sheekooyin aanad inta badan rumaysanayn oo ay soo wariyaan dadka ag daggan ee galay ama degel baadhayaasha galay.
Waxa aad wax uga qoray buugga ( العالم قبل الطوفان). Mid kamid ah isaga oo ka hadlaya wuxu yidhi: Buurta Inka. Sanadkii 1971 baadhayaal ku xeel dheer raadraaca aasaartu waxay ka riixeen dhagaxaan aad u waawayn goobtii ay yaalleen, kadib waxay ku dhaadhaceen god hoos u qodan 200 Foot, lix albaab oo aad loo adkeeyay ayay gaadheen, mid kamida albaabada ayaa u furmay waxayn arkeen dhuun dheer oo gidaaradeeda wax lagu xardhay, horay u socdeen, 65 mayl markii ay socdeen waxay maqleen mawjadaha badda, illeen dhuuntuba badda ayay hoos maraysay, iyagu markii ay gaadheen 80 Foot badda hoosteeda ayay dib u soo nodeen.
Waxa la iiga sheekeeyay godad ku yaalla Sanaag, togdheer iyo goobo u dhaw Dawga sheekha oo hoos loo galayo muddana la dhex soconayo, sheekooyinka qaar dad aan ku kalsoonahay ayaa soo wariyay, kuwana wax la rumaysan karo may ahayn.
Ogolaw
15/05/2023
???????
Ramadaan la gaar noqoshadeeda
Hakis iyo hablaha burco🤣🤣
Ramadaanta kaga faaidayso arimahan :
1-soon iyo salaad
2-sadaqo iyo sama-fal
3-tahajud iyo Qur,aan akhris
4-dikri iyo tasbiix
21/03/2023
“Dhihidda macasalaama waa qayb kamida dhimashada!”
Gacaliye…. Waxaynu soo gaadhnay maalin kadis ku ah naftayda, waxaana doonayaa inaad ii ogolaato aqbalidda maalintan iigu dhiganta qayb yar oo kamida naarta jahannama! Haa, waa xanuun inay soo socdaan habeenno badan oo aanad ku jirin.
Kulankii ugu horreeyay, indhahaaga waxaan ka dhex arkay noloshayda inta macaan ee ka maqan. Caawa waa kulankii u dambeeyay, adiga oo dhanna waxaan kaa dhex arkaa xasuusta aan ku noolaan doono maalmaha la foolxun inaadan ku jirin darteed.
Waxaan ku faraxsanahay sida aan isugu hibeeyay qalbigaaga iyo noloshaadaba, waxa kaliya ee aan ka xumahay waa mooganaanta maalmahan aad adigu sii ogayd inay iman doonaan! Qaali, adigu waxaad qorshaynaysay sida aad u heli lahayd sabab aad uga baxdo noloshaydan yar ee caajiska ah; jaceylku marka uu bato waa caajis, waa sababta aanan kuugu eedaynaynin doorashadaada ah inaad iga fogaato. Aniguba gacaliye waan ka tagaa meelaha caajiska ah.
Gacalle… waxaa la yidhaahdaa qofka aad jeceshahay waxaa lala joogaa adiga oo aan caqli adeegsanaynin oo taas ayaa uga raaxo badan inuu la joogo qofka isagoo adeegsanaya maskaxdiisa!
Maskaxdu kuu ogolaan mayso inaad ku raaxaysato habsiinta qof aad weheshanaysay ag joogiisa, kuu ogolaan mayso inaad kala garato dhunkashada jaceylka ah iyo tan caadiga ah, maskaxdu waxwalba su’aal ayay ka keentaa. Iga raali noqo haddii aan ciyaalnimo ku dhaqmay daqiidahaas, waxaan doonayay inaan ku nasto agtaada su’aal la’aan.
Majiro xanuun ka badan inaad subax kusoo kacdo qofkaagii oon ahayn qofkaagii! Goortaas dareenkaaga oo dhan ayaa gudahaaga ku dhimanaya, waxa kaliya eed awooddaa waa su’aasha ah “sabab? Maxaad iiga tagtay?” Oo isla gudahaaga ka dhex baxaysa, balse aanad awoodin inaad kor u tiraahdo.
Qaali, waa nasiib inaad ooydo oo aad awooddaas leedahay goorta aad xanuusato; dadka xanuunka iyo dabka qalbigooda ka dhex shidan iyagu isku damiyaayi waligood ma bogsadaan!
Waxaan is idhaahdaa qor olalka iftiinka dheer ee ku gubaya, waanse awoodi waayaa…
Ma jidkaad dhagxaan qubi?
Miyaad qaylin keligaa?
Mise waad qamuunyoon?
Qosolkaba miyaad nici?
Ma qushuucsanaan abid?
Naftan qarawsan keligeed,
Ma qol baad kusoo xidhi?
Si kastood qadoodiga,
U qublayso socod dheer,
Qalbi lumay ma soo heli?
Qaddar dhacay ma baaqdee,
Naftu quus ma karaysaa?
Ma qolfoof la yeeshaad,
Adna qayb ka sugeysaa?
Qalinkiyo waraaqduba,
Dhibka way qafiifshaan,
Marka lagu dul qeexee,
Shilka dhacay miyaad qori?
Mise wuu qarsoonaan? Abdirizak Zeko
Gacaliye… marka ay adkaato inay gacmahaagu qoraan dhambaalkii ugu dambeeyay ee aad uga tagto qof aad rabtay inuu noqdo ka ugu dambeeya ee ay indhahaagu qabtaan ilbidhiqsiyada ay daalacanayaan albaabada sammada iyagoo cirka eegaya, dadkuna ay hareeraha ka fadhiyaan ruuxda macasalaamaynaysa adduunkan daciifka ah, iyagoo ashahaadadu dibnahooda ugasoo baxayso si quus ah. Daqiiqadahaas, sida ay u adagtahay inaan dibnahayga kasoo saaro nabadgalyaynta, ayay noloshuna u adagtahay adiga la’aantaa. Nabadgeliyo gacallehaygoow!
03/03/2023
Waad guurstay raaxada adigaa leh xanuunkana ayadaa leh, uur ayay qaaday farxada adigaa leh madax xanuunka iyo lalabadaba iyo wareerkana ayadaa leh,.......
ilmihii ayaa ka dilmayo uurka ku jiray; tacsida adigaa leh, eeda ayadaa leh, uur ayay qaadi wayna waayaysaa eeda ayadaa leh adigana dadka dhan ayaa kula safanayo, haday si caadi ah u dhali waysana qaliinka iyo xanuunada ayadaa leh, haday dhasho hambalyada adigaa leh, fooshii iyo dhibaatadana ayadaa leh.
"Haweenku waxayna naga mudanyihiin mar walbo ixtiraam iyo xaqooda inaan ku tuman, niyadana aanan ka jabin."
QOSOLKA CAAWA 😂
Oday muqayil ah ayaa islaantiisa foolatay habeen kii oo dhan ayuu dultaagnaa.
Salaaddii subax markii la gaaray ayey islaantii wiil dhashay.
Odaygii inta uu wiilka qabtay oo qeylo afka furtay Kuyee "Waryaa maanta oo aad adduunka ku cusub tahay ayaad xiligaan socotaaye markaad weynaato goormaa soo hoyan doontaa Nacas yahoow".
Dhakhaatiirtii iyo umulisooyinkii yaab iyo qosol bay ka dhamaan waayeen.🤣🖐
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Telephone
Website
Address
150
Hargeisa