Republic of Somaliland

Republic of Somaliland

Share

Somaliland, officially the Republic of Somaliland, is a de facto sovereign state in the Horn of Africa, considered by most states to be part of Somalia.

Somaliland lies in the Horn of Africa, on the southern coast of the Gulf of Aden.

Photos from Republic of Somaliland's post 22/02/2026

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddida Heer Qaran ee Gurmadka Abaaraha Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta Salaadda Roob-Doonta shacabka kula tukaday Garoonka Weyn ee Kubadda Cagta ee Hargaysa.

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland waxa wehelinayey Wasiirro, Agaasimayaal Guud iyo Masuuliyiin sare oo ka tirsan Xukuumadda.

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex iyo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta JSL oo ugu horayn shacabka la hadlay ayaa ka codsaday in ay is cafiyaan isla markaana Ilaahay loo toobad keeno.

Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in Alle SWT loo noqdo, gaar ahaan Xilliyada Abaarta isla markaana baryadiisa la badiyo, isaga oo bulshada ku boorriyey toobad, samir iyo isku duubni.

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xusay in Xukuumad ahaan ay dadaal joogto ah ku bixinayaan Gurmadka Abaaraha, isla markaana ay ka goโ€™an tahay in la gaadhsiiyo bulshada ay dhibaatadu saamaysay biyo iyo baadba.

Sidoo kale, waxa uu shacabka ugu baaqay in ay xoojiyaan midnimada iyo isu gurmashada, maadaama dhibaatadu wada taabanayso bulshada oo dhan, isaga oo Alle ka baryey in uu raxmaddiisa ku gallado ummadda, roob khayr qabana ku mannaysto dalka iyo dadkaba.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

Photos from Republic of Somaliland's post 04/02/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigii uu hoggaaminayey oo welli ku guda jira safarkiisii shaqo ee Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa ka qayb-galay Casho Sharaf rasmi ah oo ka qabsoontay magaalada Dubai, oo ay ka soo wada-qaybgaleen Prince Edward, Duke of Edinburgh, oo ah Boqorka UK, King Charles III walaalkii.

Cashadan rasmiga ah ayaa muujisay heerka sare ee is-dhexgalka diblomaasiyadeed, ixtiraamka caalamiga ah, iyo wada-shaqeynta saaxiibtinimo ee u dhaxaysa Jamhuuriyadda Somaliland iyo Boqortooyada Midowday Ingiriiska (United Kingdom). Sida oo kale, waxa ay iftiimisay xidhiidhka taariikhiga ah ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dhinac, kaas oo saldhig u ah iskaashi ku dhisan kalsooni iyo is-ixtiraam.

Kulanka Casho Sharafta ah waxa kale oo isaguna ka soo qayb galay Sir Gavin Williamson MP oo ah Mudane ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Dalka Ingiriiska isla markaana ah saaxiib dhow oo ay Somaliland leedahay oo ku mayal-adag qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland, isla markaana door weyn kaga jira taageerada aqoonsi-raadinta iyo gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si gaar ah oo milgo iyo qaddarinba leh ugu mahad naqay Sir Gavin Williamson garab-istaaggiisa joogtada ah ee uu siiyo dalka iyo dadka Somaliland, isaga oo had iyo jeer qaddiyadda Somaliland ka dhex muujiya Fagaarayaasha Siyaasadeed ee Caalamiga ah.

Kulankan ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga dhinacyada kala ah dawladnimada, horumarinta, amniga, iyo xidhiidh bulsho ee u dhexeeya shacabka labada dal, iyada oo la muujiyay rabitaanka wadajirka ah ee lagu hormarinayo dano-wadaag ah iyo mustaqbal waara.

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dal ay ka goโ€™an tahay mabdaโ€™a nabad-ku-wada noolaansho, wada-hadal, is-ixtiraam iyo iskaashi caalami ah.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay mar kale caddaysay doorkeeda firfircoon ee ay kaga jirto Saaxadda Diblomaasiyadda Caalamiga ah, iyada oo sii xoojinaysa xidhiidhada ay la leedahay saaxiibada caalamka, gaar ahaan Boqortooyada Midowday Ingiriiska ee UK.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

06/01/2026

๐Ÿ‡ฎ๐Ÿ‡ฑ FM Gideon Sa'ar: "It's a great privilege to conduct the first official diplomatic visit to Somaliland, at the invitation of President Abdirahman Mohamed Abdullahi.

The visit is also a message: We are determined to vigorously advance relations between Israel and Somaliland.

Today, we held substantive discussions with the President and senior members of his government on the full range of our relations.

The mutual recognition and establishment of diplomatic relations between the two countries are not directed against anyone. Our shared objective is to promote the mutual benefit of both nations and countries.

In Hargeisa, I made it clear:
Only Israel will decide whom it recognizes and with whom it maintains diplomatic relations.

The President of Somaliland informed me that he has accepted PM Netanyahuโ€™s invitation and will pay an official visit to Israel."

29/12/2025

๐–๐š๐ซ๐ž๐ž๐ ๐ญ๐จ ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž :- Dhaqan-gelinta Miisaaniyadda Qaranka ee 2026-ka .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo ka duulaya waajibaadka Dastuuriga ah ee saaran, isla markaana tixraacaya ansixinta Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland iyo goโ€™aanka Golaha Wasiirrada, maanta oo ay taariikhdu tahay 29/12/2025, waxa uu soo saaray Wareegto Madaxweyne oo si rasmi ah loogu dhaqan-gelinayo Miisaaniyadda Qaranka ee sannadka 2026.

Wareegtadani waxa ay waajibinaysaa in dhammaan Wasaaradaha Xukuumadda, Hayโ€™adaha Madaxa-bannaan ee Qaranka, iyo Dawladaha Hoose ay u fuliyaan Miisaaniyadda Qaranka si hufan, isla-xisaabtan leh, masuuliyadna ku dheehan tahay, iyaga oo raacaya mudnaanta Qaranka, Shuruucda iyo Xeerarka Maaliyadeed ee khuseeya.

Wareegtadani waxa ay dhaqan-galaysaa laga bilaabo taariikhda uu saxeexay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, oo ah 29/12/2025.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),

๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

Photos from Republic of Somaliland's post 27/12/2025

The Prime Minister announcedtoday the official recognition of the Republic of Somaliland as an independent and sovereign state.

Prime Minister Netanyahu, Foreign Minister Sa'ar, and the President of the Republic of Somaliland signed a joint and mutual declaration.

This declaration is in the spirit of the Abraham Accords, signed at the initiative of President Trump.

Prime Minister Netanyahu congratulated the President of Somaliland, Dr. Abdirahman Mohamed Abdallah, and praised his leadership and commitment to promoting stability and peace. The Prime Minister invited the President to pay an official visit to Israel.

The President thanked Prime Minister Netanyahu for his historic declaration and expressed appreciation for the Prime Ministerโ€™s achievements in fighting terrorism and advancing regional peace.

The Prime Minister thanks Foreign Minister Saโ€™ar, the Head of Mossad David Barnea and the Mossad, for their contribution to today's development and wishes the people of Somaliland success, prosperity, and freedom.

The State of Israel plans to immediately expand its relations with the Republic of Somaliland through extensive cooperation in the fields of agriculture, health, technology, and economy.

Photos: GPO, Somaliland Presidential Palace Media

23/12/2025

Golaha Wakiilada JSL ayaa saaka cod aqlabiyada ku meel-mariyey Odoroska Miisaaniyadda Dawladda 2026.

Photos from Republic of Somaliland's post 11/12/2025

๐–๐€๐‘ ๐’๐€๐—๐€๐€๐…๐€๐ƒ๐„๐„๐ƒ

Fadhigii 45-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Fadhigii 45-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada waxa lagaga wada hadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen:

๐Ÿ. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL, Mudane Sheekh Cabdullaahi-Baashe Daahir Jaamac oo ah Xubin ka tirsan Guddida Gurmadka Abaaraha Heer Qaran.

๐Ÿ. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:

Waxa ka war bixiyey Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo)

๐Ÿ‘. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐š๐ค๐ก๐ฅ๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:

Waxa Golaha Wasiirrada war bixin guud ka siiyey Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Mudane Ismaaciil Mawliid Cabdilaahi.

๐Ÿ’. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ข๐ก๐ข๐ข ๐‡๐ž๐ž๐ซ ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ƒ๐ข๐›-๐ฎ-๐ก๐š๐›๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐š๐ก๐š ๐‚๐š๐๐๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ ๐จ'๐š๐š๐ง๐ง๐š๐๐ข๐ข ๐๐ก๐š๐ฑ๐š๐ฅ-๐ ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐š๐ก๐š๐š ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐จ ๐›๐š๐ฑ๐š๐ฒ:

Waxa Golaha Wasiirrada war bixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JSL, Mudane Yoonis Axmed Yoonis

๐Ÿ“. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง ๐ฅ๐š ๐ฑ๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก๐š ๐ช๐š๐š๐›๐ค๐š ๐ฐ๐š๐ฑ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ช๐š๐›๐š๐ง ๐ค๐š๐ซ๐จ ๐ฐ๐š๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ฐ๐š๐ฑ ๐ฎ ๐๐ก๐ข๐ฆ๐š๐ฒ๐š ๐š๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฑ๐š๐ฌ๐ข๐ฅ๐ฅ๐จ๐จ๐ง๐ข๐๐š ๐ž๐ž ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐›๐š๐š๐ก๐ข๐ฒ๐จ ๐๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š:

Waxa Golaha Wasiirrada war bixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda, Mudane Jamaal Maxamed Jaamac.

๐Ÿ”. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐š๐š๐›๐ฌ๐š๐ง ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐–๐š๐ฑ๐›๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฌ๐š๐š๐ฆ๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐š๐ฒ ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐ฎ๐ก๐ฎ ๐ค๐ฎ ๐ฒ๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ง ๐ก๐š๐›-๐ฌ๐š๐ฆ๐ข-๐ฎ-๐ฌ๐จ๐œ๐จ๐๐ค๐š ๐ง๐ข๐๐š๐š๐ฆ๐ค๐š ๐–๐š๐ฑ๐›๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š:

Waxa Golaha Wasiirrada war bixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska JSL, Mudane Professor Ismaaciil Ducaale Yuusuf

๐Ÿ•. ๐“๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐ซ-๐ข๐ฌ-๐ ๐š๐š๐๐ก๐ฌ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐ก๐š๐ฆ๐ฆ๐š๐š๐ง ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐š๐ก๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐ข๐๐š๐›๐›๐š๐๐š ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐š๐ก๐š

Waxa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL, Mudane Khadar Xuseen Cabdi.

๐Ÿ–. ๐ƒ๐จ๐จ๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐›๐ฒ๐จ-๐ช๐จ๐ซ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐—๐ž๐ž๐ซ๐ค๐š ๐€๐›๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š (๐’๐ก๐ข๐ง๐ง๐ข๐๐š) ๐๐ž๐ž๐ซ๐š๐ก๐š ๐‰๐’๐‹:

Waxa Golaha Wasiirrada warbixin guud ka siiyey Garyaqaanka Guud ee Xukuumadda, Mudane Cali Baashe Maxamed iyo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL, Mudane Maxamuud Cige Yuusuf.

Dood iyo falanqayn kaddib, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu ka codsaday Xubnaha Golaha Wasiirrada ee goob-jooga ahaa Fadhiga 45-aad (36 xubnood) in loo codeeyo Xeerkan, taasi oo si aan loo kala hadhin loog codeeyey Xeerka, iyada oo aanay jirin cid diiday ama ka aamustay Xeerka Abuurka Beeraha.

Xeerkan ayaa ahaa kii 8-aad ee ay ansixiyaan Xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ee JSL muddada ay xilka haysay.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

Photos from Republic of Somaliland's post 23/10/2025

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฆ๐ข๐ข๐ฌ๐š๐š๐ง ๐ฅ๐ž๐ก ๐ฅ๐š ๐ฒ๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐‡๐š๐ฅ๐๐จ๐จ๐ซ๐ค๐š, ๐–๐š๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ฅ๐ค๐š, ๐€๐ช๐จ๐จ๐ง๐ฒ๐š๐ก๐š๐ง๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐ง๐ค๐š ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ซ๐ฌ๐š๐ง๐ ๐ž๐ฅ๐ข

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa caawa magaalada Ceerigaabo kulan mihiim ah la yeeshay Haldoorka, Waayeelka, Aqoonyahanka iyo Hoggaanka Dhaqanka Beelaha Warsangeli, oo uu hoggaaminayey Suldanka Guud ee Beelaha Warsangeli, Suldaan Siciid Suldaan Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Cali Shire.

Kulankaasi ayaa ahaa mid ku dhisanaa kalsooni, is-qaddarin iyo Wadatashi Qaran, waxaana lagaga hadlay arrimo waaweyn oo dalka khuseeya, oo ay ka mid yihiin xoojinta nabadda, midnimada ummadda, wada-noolaanshaha bulshada ku wada nool magaalada Ceerigaabo, iyo doorka beesha Warsangeli ee dhismaha iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu uga mahadnaqay Suldaanka Guud iyo Madax-dhaqameedka kale kaalintooda Taariikhiga ah ee ay ku leeyihiin ilaalinta nabadda iyo wadajirka bulshada Gobolka Sanaag, isaga oo carrabka ku adkeeyey in nabadda iyo wadajirka ummadda Somaliland ay yihiin hantida ugu qaalisan ee ay bulshadu wada leedahay.

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale xusay in Xukuumaddiisu ay si dhab ah u qadarinayso doorka ay beesha Warsangeli ku leedahay dhismaha Qaranka, isla markaana ay muhiimad gaar ah siinayso in talada iyo masiirka ummadda lagu dhiso wadatashi, cadaalad iyo kalsooni.

Guud ahaanba labeenta iyo haldoorkii Warsangeli ee kulanka ka qaybgalay ayaa si diiran u soo dhaweeyey Madaxweynaha, iyaga oo bogaadiyey hoggaamintiisa daahfuran, dedaallada uu ku doonayo in lagu xoojiyo nabadda iyo midnimada bulshada Gobolka Sanaag.

Sida oo kale, Beel-weynta Warsangeli ayaa muujiyey taageero buuxda oo ay u hayaan qadiyadda iyo jiritaanka Qarannimada Somaliland, kuna ballan qaaday in ay door muuqda ka qaadan doonaan xoojinta nabadda iyo horumarka dalka.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ)
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

Photos from Republic of Somaliland's post 14/10/2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa gaadhay magaalada Addis Ababa ee Caasimada dalka Itoobiya, kaddib markii uu marti-qaad rasmi ah ka helay Raโ€™iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya, Mudane Abiy Axmed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa Madaarka Caalamiga ah ee Bole International Airport ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dalka Itoobiya Gedion Timotheos iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dawladda Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya.

Soo dhawaynta Madaxweynaha Somaliland ayaa ahayd mid uu hab-maamuuskeedu sarreeyo, waxa ay qaddar nasasho ah ku qaateen qolka VIP-da ee Garoonka Diyaaradaha Addis Ababa, kaddibna waxa loo galbiyey goobta ay degi doonaan magaalada Addis Ababa.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

Photos from Republic of Somaliland's post 03/09/2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta kormeer shaqo ku yimi Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka JSL.

Kormeerkan ayaa ahaa mid uu Madaxweynuhu ugu kuur galayay hab-sami-u-socodka hawlaha Ciidammada Qaranka JSL, Isla markaana ku bogaadiyay Hawlaha Culus ee ay Qaranka uhayaan.

Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL S/Guuto Nimcan Yusuf Cisman Ayaa warbixin buuxda ka siiyay xaalada guud ee Ciidanka

Ciidanka Qaranka JSL.

Photos from Republic of Somaliland's post 01/09/2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti ballaadhan oo ka kala socday dalal iyo qaarado kala duwan; sida Afrika, Asia, USA iyo Yurub (Kenya, Tanzania, Uganda, USA, Qatar, China, India iyo Austria) weftigaasi waxa hoggaaminayey PLO Lumumba Foundation.

Madaxweynaha iyo weftigu waxa ay ka wada hadleen sidii loo maalgashan lahaa fursadaha badan ee dihin ee ka jira Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha ayaa weftiga soo dhaweeyey, kuna dhiirrigeliyey in ay maalgashadaan Somaliland, gaar ahaan dhinacyada Tamarta , Wax-soo-saarka iyo Kheyraadka dabiiciga ah, kuwaasi oo ah fursado ballaadhan oo dihin oo u baahan in la maalgashado isla markaana loo rogo koboc dhaqaale iyo shaqo-abuur bulshada JSL u horseeda horumar la taaban karo.

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xariiqay in Somaliland ay ka jirto nabad, xasillooni, deggenaansho siyaasadeed oo la isku hallayn karo, maamul hufan iyo hannaan dimuqraadi ah, taasi oo suurto-gelinaysa in la sameeyey maalgashi waxtar u leh labada dhinacba.

Iyaguna dhinacooda, weftigan ballaadhan ee ka kala yimid qaarado iyo dalal kala duwan, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga mahad-naqay soo dhaweynta diirran iyo wadahadallada midho-dhalka ah.

Waxa ay ballan qaadeen in ay si mug leh u darsi doonaan fursadaha kala duwan ee maalgashi ee ka jira Somaliland, gaar ahaan kuwa la xidhiidha tamarta, wax-soo-saarka, khayraadka dabiiciga ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha, iyaga oo ka marag-kacay in Somaliland ay tahay dal leh nabad, xasilooni iyo degganaansho siyaasadeed oo dhiirri gelin karta, soona jiidan karta maalgashiga caalamka.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ)

๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

Photos from Republic of Somaliland's post 30/07/2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada JSL kulan muhiim ah kula yeeshay ganacsatada Somaliland,

Madaxweynaha ayaa Ganacsatada kala hadlay in ay qaataan kaalinta uga bannaan Gurmadka Qaran ee ay Xukuumaddu horseedka ka tahay ee lagu taakulaynayo dadka reer Somaliland ee ay Abaarahu saameeyern.

Ganacsatadu waxay ballan qaadeen in ay kaalin mug leh ka qaadan doonaan Gurmadka loogu jiro wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah ee Abaaraha.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ)
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Hargesa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Somaliland

Located in the northeastern part of Somalia, Somaliland declared independence on May 18, 1991. No other country has officially recognized Somaliland'sindependence, so the region has focused on creating the infrastructure needed for sovereignty and recognition as a member of the international community.

GOVERNMENT DEPARTMENTGOVERNMENT DEPARTMENTMinistry of Presidential AffairsMinistry Foreign AffairsMinistry of IndustryMinistry of FinanceMinistry of Planning and DevelopmentMinistry of EducationMinistry of HealthMinistry of DefenceMinistry of Commerce & InvestmentMinistry of LivestockMinistry of Post & TelecommunicationsMinistry of JusticeMinistry of Public Works, Housing & TransportationMinistry of Energy & MineralsMinistry of ReligionMinistry of Labour, Employment & Social AffairsMinistry of FisheryMinistry of Sports, Youth & TourismMinistry of AgricultureMinistry of Civil Aviation & Air TransportMinistry of Information & CultureMinistry of Environment & Rural DevelopmentMinistry of InteriorMinistry of WaterMinistry of RehabilitationMinister of the two houses, Research and Technology

Location

Telephone

Address


Hargesa