Ururka Sportska Degmada Jalalaqsi

Ururka Sportska Degmada Jalalaqsi

Share

xiriirka kubada cagta D. jalalaqsi waxa uu had iyo jeer u taagan yahay hormarinta Iyo is dhexgalka dhalinyarada degmada si ay sportska Heer sare ugu Gaaraan

19/03/2026

RAMADAN CUP WINNER'S FC FLY STAR

Ururka Sportska Degmada Jalalaqsi

18/03/2026

FINAL DAY

18/03/2026

TARTAN KA RAMADAN CUP πŸ†
waxa maanta garoonka dugsi sare lagu Soo gabagabeyna tartanka Ramadan cup oo socday bisha Ramadan.

FINALLY CIID MUBARAK
Ururka Sportska Degmada Jalalaqsi

03/03/2026

03/03/2026
WAXAA MAANTA WADA CIYAARAYA TARTANKA RAMADAN CUP KOOXAHA KALA AH.
DEKADAHA F.C VS DOONTA F.C

Ururka Sportska Degmada Jalalaqsi

02/03/2026

02/03/2026
WAXAA MAANTA WADA CIYAARAYA TARTANKA RAMADAN CUP KOOXAHA KALA AH.
FLY STAR F.C VS HORYAAL F.C

Ururka Sportska Degmada Jalalaqsi

01/03/2026

01/03/2026
WAXAA MAANTA WADA CIYAARAYA TARTANKA RAMADAN CUP KOOXAHA KALA AH.
SCATTER F.C VS JAAYGA F.C

Ururka Sportska Degmada Jalalaqsi

28/02/2026

Sabti. 28/2/2026

RAMADAN CUP πŸ†

Waxa maanta oo sabti ah ladaahfurayaa tartanka Ramadan cup oo kafurmi garoonka dugsi sare kaso qeybgal wacan dhaman bahda sports ka dagmada jalalaqsi.

Ururka Sportska Degmada Jalalaqsi

12/01/2026

Mahadcelin & Hambalyo
Ugu horreyn, waxaan u mahadcelineynaa Alle (SWT) oo nagu guuleysiiyay in Tartan Seei B Cup uu si nabad iyo is-afgarad ah ku soo gabagaboobo.
Hambalyo kooxda Jeenyo oo ku guuleysatay tartanka, iyo kooxda Birjeex oo muujisay ciyaar wanaag iyo tartan hufan.
Sidoo kale, mahadcelin gaar ah waxaan u diraynaa laamaha amniga, bahda cayaaraha, dhalinyarada, iyo dhammaan intii ka shaqeysay guusha iyo nabadgelyada tartanka.
Ciyaartu waa midnimo, dhiirrigelin, iyo mustaqbal ifaya. Waad mahadsan tihiin dhammaantiin. πŸ’ͺ⚽
Ururka Sportska Degmada Jalalaqsi

12/01/2026

Waxa maanta si rasmi ah usoo gabagaboobay Tartankii Heerka 2aad ee Kooxaha Ka Dhisan Degmada Jalalaqsi, kaas oo muddo socday islamarkaana ahaa mid si weyn u soo jiitay bulshada degmada iyo bahda ciyaaraha.
Tartankan waxaa si heer sare ah usoo xiray Ururka Ciyaaraha Degmada Jalalaqsi, oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Zakariye Abdulkadir Hussein (Kashka), iyadoo ay garab taagnaayeen dhammaan bahda ciyaaraha degmada.
Ciyaartii k**a dambaysta ahayd oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa waqtigii caadiga ahaa kusoo dhammaatay barbaro, waxaana rigoore 5–3 ah ku guuleysatay Kooxda Jeenyo, taasoo ka adkaatay dhiggeeda Birjex.
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa Kooxda Jeenyo guushan ay gaareen, sidoo kale mahadcelin ballaaran ayaan u jeedinaynaa Kooxda Birjex iyo dhammaan kooxihii ka qayb qaatay tartanka, garsoorayaasha, taageerayaasha iyo cid kasta oo gacan ka geysatay hirgelinta tartankan.
Ugu dambeyn, Ururka Ciyaaraha Degmada Jalalaqsi waxa uu mar kale adkeynayaa sida uu uga go’an yahay horumarinta ciyaaraha, midnimada dhalinyarada iyo dhiirrigelinta hibada sportiga ee degmada.
Guul Ciyaaraha Degmada Jalalaqsi! βš½πŸ†

05/01/2026

War-Saxaafadeed Kooban (Official):
Maanta waxaa kulmay kooxaha Birjeex FC iyo Horyaal FC, ciyaarta ayaana ku dhammaatay 2–0 oo ay guushu raacday Birjeex FC.
Natiijadan ayaa Birjeex FC u xaqiijisay u gudbidda wareegga afar-dhamaadka tartanka.
Ururka Sportska Degmada Jalalaqsi

03/01/2026

03_01 2026 WAXAA MAANTA WADA CIYAARAY TARTANKA SERI B KOOXAHA KALA AH FLY STAR FC VS GADIIDKA F.C
WAXA AY KUSO IDLAATAY
FULL TIME FLY STAR F.C 3-1 GADIIDKA F.C

Ururka Sportska Degmada Jalalaqsi

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Jalalaqsi?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address


Jalalaqsi