19/09/2026
Guddoomiyaha Ururka Kubadda Cagta Jubbaland mudane Axmed Abdulahi Axmed ayaa mahadcelin ballaaran u jeediyay dhammaan bulshada reer Jubbaland, kaddib markii si qurux badan loo soo gabagabeeyay tartankii Horyaalka Heerka 1-aad ee Jubbaland.
Guddoomiyuhu wuxuu bulshada uga mahadceliyay sida ay uga qeyb qaateen tartanka, una muujiyeen xamaasadda, taageerada iyo jacaylka ay u qabaan ciyaaraha, taas oo muujinaysa in Jubbaland ay leedahay bulsho si weyn u taageerta ciyaaraha iyo taariikh soo jireen ah oo ku aaddan kubadda cagta Soomaaliya.
Sidoo kale, wuxuu mahadcelin u jeediyay dhammaan kooxihii ka qeyb galay tartanka, kuwaas oo soo bandhigay ciyaaro qurux badan, tartan wanaagsan iyo akhlaaqda ciyaareed.
Guddoomiyuhu wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay bahda garsoorka Jubbaland, oo uu ku ammaanay dadaalka, adkeysiga iyo cadaaladda ay muujiyeen intii uu tartanku socday, iyagoo mar walba diyaar u ahaa inay aqoontooda iyo khibraddooda ku biiriyaan horumarinta ciyaaraha.
Sidoo kale, wuxuu mahadcelin u jeediyay bahda warbaahinta iyo dhalinyarada, gaar ahaan Madaja Sports 24, Abdishakuur Shakra iyo dhammaan bahda warbaahinta ee ka qeyb qaadatay tabinta iyo baahinta ciyaaraha.
Waxaa sidoo kale mahadcelin gaar ah loo jeediyay wariyihii martida ku ahaa tartanka, kaas oo codkiisa iyo xogtiisa ciyaareed ku soo gudbinayay taariikhda ciyaartoyda, tayadooda iyo dhacdooyinka muhiimka ah ee garoonka.
Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu u mahadceliyay SAMO Sports, oo door muuqda ka qaatay tabinta ciyaaraha, gaar ahaan baahinta tooska ah ee kulamada, iyo dhalinyaradii hibadooda iyo kartidooda ciyaareed ku soo bandhigay tartanka.
Ugu dambeyn, waxaa mahadcelin loo jeediyay Jubaland TV iyo dhammaan bahda warbaahinta iyo dhalinyarada tiktoka ee ka qeyb qaatay guusha iyo quruxda tartanka.
Sidoo kale shirkada hormuud oo kaalin weyn ka qaadatay horyaalka inta uu socday.
Guddoomiyaha Ururka Kubadda Cagta Jubbaland ayaa sheegay in wadajirka bulshada, kooxaha, garsoorka, warbaahinta iyo dhalinyaradu uu muhiim u yahay horumarinta ciyaaraha Jubbaland iyo kobcinta hibada dhalinyarada.
Abdiaziz Shacrawi