09/04/2022
DYBALA TO ATLETICO⁉️ Atletico Madrid ayaa wali ah kooxda ugu cadcad saxiixa 28 jirka Paulo Dybala xagaagan si xor ah. Xiddiga reer Argentine ayaa si cad u sheegay in uu isaga tagi doono kooxda Juventus dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada oo aan la fulin shuruudihii uu ka dalbaday heshiiska… Halkee kula tahay inuu aado?🔜📝✅
09/04/2022
👀 Waxaad heshay rigoore daqiiqadii 93aad iyadoo ciyaarta ay tahay barbaro 1-1 ah.
🎯 Yaad dooranaysaa inuu ku laado & sababtu?
08/04/2022
Waa kee xifaaltanka ugu weyn ee tababare ee taariikhda Premier League? 🥊
08/04/2022
Dhibcaha Premier League afartii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay:
🔵 Man City: 338
🔴 Liverpool: 337
Ciyaarta ayay Bedelen ⚔️
23/03/2022
HESHIIS LA GAADHAY: Franck Yannick Kessié ayaa ogolaaday inuu ku biiro FC Barcelona xagaagan isago wakiil xor ah 🔵🔴
21/03/2022
Jose Mourinho ma'aha tababarihi ugu wanagsana ee Manchester United so mara kadib Sir Alex?
21/03/2022
Dybala waxa uu uga tagi doonaa Juventus si xor ah. Waxaa jiray heshiis buuxa oo afka ah bishii Oktoobar ee la soo dhaafay €8m oo lagu daray € 2m mushaharka saafiga ah ilaa 2026 - ka dib Juve ayaa go'aansatay inay bedesho soo jeedinteeda. ⚠️🇦🇷
Paulo kuma faraxsana hadda, shuruudo cusub, wuxuuna hadda wadahadalo la furi doonaa kooxo kale.
21/03/2022
DEG-DEG‼️ Erling Haaland oo 21 jir ah ayaa la filayaa inuu go'aan ka gaaro mustaqbalkiisa usbuucyada soo socda. Hawshu waa socotaa, wali naadi lama go’aamin… xagee ay aadaya sadaali?🔜📝✅
21/03/2022
Allegri oo ka hadlaya qandaraaska Paulo Dybala ee dhacayaa bisha June: “Ma garanayo haddii Paulo uu sii ahaan doono ciyaaryahan Juventus xilli ciyaareedka soo socda. Waxay ku xiran tahay naadiga - aniguna waxaan la socdaa guddiga." 🇦🇷
"Sido kale Cuadrado, de Sciglio, Bernardeschi aya qandaraasku ka dhacayaa bisha June - kaliya ma ahan Dybala."
21/03/2022
🔥 Pierre-Emerick Aubameyang ayaa dhaliyay 9 gool 8-dii kulan ee ugu dambeeyay uu u ciyaaro FC Barcelona.
👀 Xusuusin Arsenal ayaa u ogolaatay inuu beeca xorta ah ku tago.
21/03/2022
Taariikh ayaa qorantay El Clasico ugu horeysay ee uu Xavi tababaraha aha 🔵🔴
Xalay reer Barcelona madaxa furnaa 🎉🔥
15/03/2022
Barcelona ayaa heshiis la gaartay Franck Kessié si ay beeca xorta ah ugala soo wareegto Milan xagaagan