Toocil football clup Jr

Toocil football clup Jr

Share

For football welcome our page thank you

05/12/2022

Sharaf iyo karaamo ayaanu leenahay dhammaan taageerayaasha kooxda , idinka ayaanu wax idinku nahay

Xushmad gaara baad mudantihiin🙏

Photos from Toocil football clup Jr's post 01/10/2022

Asc dhammaan wlaalaha nagu xidhan salaan kabacdi .

Sida lawada sugayo waxaa berri ka qabsoomi doona garoonka (hargiasa stadium) kulan udhexeeya g sool iyo g togdheer ee maqalka naafada ka ah insha allaH waxaanu anagoo isku duuban gobolka iyo ciyaaryahannada matalayaba urajeynaynaa guul iyo kubad quruxbadan .

Waxaanu halkan farriin dhiiri gelin ah hawada umarinaynaa mid kamida xidigaha kooxda (Daa uud Aadan Axmed) oo loosoo xushay liiska matali doona magaca gobolka.

Waxaan u rajeynaynaa guul iyo in uu tayadiisa soo bandhigo hadii uu jaanis u helo anagoo aaminsan kuabdiisa iyo tayadiisa ciyaaryahan nimo.

dhammaad.

02/09/2022

Waxa uu ahaa wakhti quruxbadan iyada oo ay kooxdu safar ugu baxday magaala xeebeedka berbera ee gobolka saaxil halkaas oo aanu kulan saaxiibtinimo kula lahayn kooxda fallawers.

Iyada oo aanu uga adkaanay natiijo 4iyo 2 ah allena nagu guuleeyey .

Waxaa hadal dardaaran baraarujin iyo dhiirrigelin isugu jira siinaya midkamida hoggaamiyaasha iyo lafdhabarta kooxda Abdiqani ALi (BeforD)

Aadbaanu idiin salaamaynaa inta nagu xidhan ee halkan nagala socota. 🙏🏻

Photos from Toocil football clup Jr's post 20/08/2022

Bismillah

Alhamdulilah,

Waxaa Maamulka,Macalimiinta iyo playerska kooxda W/Ganacsiga G.sool halkan dhambaal hambalyo iyo dhiiri gelin ah uga dirayaan dhamaan ardaydii ka aflaxday dugsiga sare ee Gateway Secendary school waxaan si gaar ugu Hampalyaynaynaa player Liiban Maxamuud Cabdi oo soo afmeeray waxbarashadii Dugsiga sare.

Waxaan kuu rajaynaynaa mustaqbal intan ka balaadhan inshalah.

Mahadsanidiin.

Photos from Toocil football clup Jr's post 07/08/2022

Bismillah ,

Alhmadulilaah
Marka 1aad alle S.W.T ayay Mahad oo dhami U sugnaatay oo caafimad qab iyo xasiloonida nagu deeqay.

Marka 2aad waxaanu halkan salaan iyo bogaadin uga diraynaa dhamaan taageerashii kooxda oo shalay soo buux dhaafiyay madashii ay ka qabsoomaysay gudoonsiinta cupkii waad nala faraxdeen markastana waxaa tihiin laf dhabarta kooxda waxaan idiin rajaynayaa in aad caafimaad qabtaan walaalayaal
Waxaan idiin ku bogaadinaynaa taageerahaa aad noo muujisaan xili kasta iyo goor kastaba mahadsanidiin walaalayaal.

Waxaa shalay maalintii tagtay oo ay taariikhdu kubeegnayd 6/8/2022 si rasmi ah usoo ugabagaboobey tartannadii labada horyaal ee Gobolka sool iyada sida aad horay ula socoteen in eebbe nagu guuleeyey horyaalka heerka labaad (devision 2)

Waxay kooxdu maamul macalimiin iyo ciyaartoyba iyaga oo isku duuban waxay umahad celinayaan dhamaan shakhsiyaadkii iyo kooxihii noo soo diray dhambaalada hampalyada nalana qaybsaday farxadaa aanu ku jirnay mahadsanidiin walaalayaal waanu idiin ognahay abaalkiinaa.

Runtii kooxdu waxay soo martay marxaldo aad u adag iyo caqabado farabadan oo ka horyimid waxayna madaxa saaratay kuna samirtay sidii ay heerkan u imaan lahayd allena waa nagu garab galay .

Waxaan kaloo Halkan ku xusaynaa abaal marinihii ay kooxdu ku guulaysatay kooxda oo kala ahaa
♤waxay kooxdu ku guulaysaatay macalinkii u wacnaa
♤waxay kooxdu ku guulaysatay laacibkii cupka
♤waxay kooxdu ku guulaystay gool-dhalintii cupka
Waxaanu Halkan ku xusaynaa shakhsiyaadka kooxda u soo Hoyay oo kala ah
○Macalinkii ugu wacnaa Horyaalka Mohamud Ali mohamed
○Xidigii Horyaalka Abdifatah Abdilahi Ahmed
○Gool dhaliyihii Horyaalka Mohamed Ahmed Askar
Runtii waxaa Tihiin shakhsiyaadkii naguH Hogaamiyay GuuLahaa Faraha Badan oo ay ka mid in ay kooxdu noqoto kooxda ugu biladaha Badan,iyo in ay noqoto championskii 2022 waad mudantihiin maamuuskan iyo mid ka balaadhanba inshalah waxaan rajaynayaa in aynu guulo kuwan ka muhiimsan aynu gaadhno inshalah.

Waxaan kaloo Halkan ku xusayaa oo ay kooxdu aad ugu Mahad Celinaysaa Dhamaan Playerskii kooxda ee soo Halgamay Mudadii uu socday Horyaalku waxaan sigaara ugu sii Mahad Celinaynaa Labada player ee kala ah:-
♤ DaaFaca kooxda abdirisack saed oo ah runtii daafacii ugu wacnaa ee soo mara kooxda ahna shakhsigii ay kooxdu ku mahadinayso dadaalka iyo kartida uu u muujiyay si koobkaa u Qaado kana dhabeeyey Go'aankiisii walaal waxaad Tahay Daimond aan kooxaha kale dheernahay inshalah shp waxaan kuu rajaynaynaa Horumar intan ka balaadhan.

♤ Gool haye Guiled Iman oo runtii muujiyay dadaal badan io karti dheeri oo uu ku xaqaajiyay clean sheets Fara Badan iyo in uu yahay gool hayihii ugu dadaalka badnaa shp abaalkaaga waanuH kuu ogsoonahay waxaadna Tahay gool-hayihii ugu wacnaa ee Garanka kooxda xidha mahadsanid walaalkayoow waxaanuna kuu rajaynaynaa horumar intan ka balaadhan

Sidoo kale waxaanu u Hampalyaynaynaa dhamaan playrskii kale ee ku guulaystay biladihii horyaalka shpyaal hampalyaanu idin leenahay.

Sidoo kale waxaannu u mahadcelinaynaa kooxihii aanu wajahnay oo si xushmad iyo akhlaaqba kudheehantahay noola ciyaaray intii tartanku socdey,waxaan iyagana leennahay gobolka oodhan iyo dhammaanteen weenu wada guuleysannay walaalayaal, guulna waanu idiin rajeynaynaa iyo horu socod idilkiin.

Ugu danbayntii waxaanu bogaadinaynaa kuna hambalyaynaynaa masuuliyiinta Xafiiska Wasaaradda Dhalinyarada & Ciyaaraha Jsl G.sool iyo Xafiiska Xidhiidhka Kubada Cagta G.sool oo dhabar adaygay badan muujiyay intii ay horyaaladu socdeen aad baad u mahdsantihiin.

Sawiro:- Qaybyii 1aad

Dhamaad Allaa mahad leh🙏.

01/08/2022

Bismilaah......

Alhamdulilah.

Asalama Calaykum dhamaan Taageerayaasha ama walaalaha Kooxda W/Ganacsiga G.Sool Meel kastoo kala joogtaan waxan idiin Rajeenaynaa inaad wanagsantihiin Waxaanu idin leenahay La aantiin waxbaba maanu noqoneen Mahad balaadhan baad naga mudan tihiin.

Maanta Oo ay ahayd Taariikhdu Maalin isniin ah 1dii Bishii Aug Waxaanu hananay Horyaalka Heerka labaad Ee Gobolka Sool Dadaal dheer Kadib Tacab Iyo Naf hur Badan kadib Runtii ilaahay waxa uu Nugu guuleeyey Hadafkayagii Oo ahaa Inaanu hanano koobka.

Waxaan halkan ka xusayaa halgankii iyo hayaankii dheeraa aan usoo marnay guusha aan maanta midhaheedii qayb ka mid ah aanu goosanay,
Waxay kooxdu soo martay heerar kala duwan oo kala ah Heerka 4aad,Heerka 3aad iyo Heerka 2aad oo aanu hada ka gudubnay ilaahay mahadii guulo badana aanu soo gaadhnay intii aanu ku soo jirnay hayaankaa dheer, Waxaana ka xusayaa kuwii ugu cad-cadaa oo ahaa in aanu ka mid noqonay kuwii ugu cad-cadaa 20kii kooxood ee loo qabtay kulamadii kala saarista kooxaha heerka labaad ee lagu soo xulanayay 6da kooxood ee Heerka 2aad u soo baxaysa iyo inta heer 3aad u dhacaysa ilaahay mahadii waanu ka soo gudubnay heerkaa.

Guulahaas Oo ku yimi U baqoolid duhur , Jarmaado Aroor, iyo Juhdi Bixin farabadan Oo ay Sameeyeen Ciyaartoyda kooxda macalimiinta kooxda iyo maamulka kooxda Runtii waxay noo ahayd Maalmo Halgan adag Iyo dadaal naf-hurnimo si aanu u Raadino Guushaa Aanu Maanta haysano ilaahay mahadii.

Waxaan halkan dhanbaal dhiiri gelin ah u marinaynaa dhamaan kooxihii aanu isku heerka ahayn una wada tartamaynay hogaanka horyaalka ama kaalinta u saraysa horyaalka saaxiipayaal waad daadaasheen qoraal eebaa ka qornaa in uu dadaalkiinii halkaa ku ekeedo maydaan khasaariin ee waynu wada guulaysanay ilaahay idankii, waxaan idiin rajaynayaa inshalah in idina Guulo badan oo muhiim ah aad gaadhaan.

Waxaan Kaloo U mahad celinaynaa Xafiiska Wasaaradda Dhalinyarada & Ciyaaraha Jsl G.sool iyo Xafiiska Xidhiidhka Kubada Cagta G.sool oo runtii si cadaalad iyo Eex la'aan ah u qabtay Horyaalkii u Horeeyey ee G.sool LaBadiisa Heer.

Waxaan kaloo u maHad celinaynaa Garsoorkii aQoonta, kartida iyo ixtiraamka u saaxiibka ahaa ee dhex-dhexaadinayay HoryaaLada G.sool Labadiisa heer waad ku mahadsantihiin sida cadaalada iyo aqoontu ku dheehantahy ee aad u dhex-dhexaadiseen una gudateen waajibaakii laydiin igmaday.

Waxaan kaloo u Mahadcelinaynaa dhamaan asxaabtii walaalihii iyo kooxihii noo soo diray dhambaalada isugu jira hampalyada iyo dhiiri-gelinta dhamaantiin walaalayaa abaalkiina beerkaan idinka ogsoonahay.

Gunaanadkii, Waxaan nafihiina iyo naFahayagaba idiin ku dar-daarmaynaa Cabsida ilaahay S.W.T, ku adkaanta diinteena suuban iyo amaanta suubanaheenii nabiyul anbiyaa mohamed (N.N.K.H)

Mahadsanidiin.

29/07/2022

Hambalyo kooxda Ciidanka asluubta G.sool.🏆🎖

Waxaan U Hambalyaynaynaa Kooxda Ciidanka Asluubta G.Sool oo kuguulaysatay Horyaalka Heerka Koowaad ee Gobolka Sool Sanadka 2022.

Mahadsanidiin.

26/07/2022

Alxamdulilah.

Ugu Horayn Ilaahaybaa Mahad-leh Oo Si Bad-qab Ah Noogusoo Idleeyay Kulankii Aanu Galabta Lalahayn Kooxda W/Gaadiidka Guushana Nasiiyay Ilaahaw Mahadaa adaa leh.

Waxaan Kaloon Umahad-naqaynaa Taageerayasha Sharafta Leh Ee Marwalba Garab-kayaga Taagan, Runtii Kuwaanu Wax Kunahay Waa Idinka Alle Haydin Sharfo Walaalayaal Bartiina Ayaad Ku Salaamantihiin, Waajibaadkayagii Unbaanu Gudanay.

Waxaan Kaloo U hambalyeenaynaa kooxda W/Gaadiidka G. Sool Oo Runtii Nala Ciyaaray Kubad Qurux Badan Oo Ixtiraam Iyo Qadarin Kudheehantahy, Badiyaaba Waa Bahdeen Saaxibayaal Hormar Wanaagsan Ayan Idiin Rajeenaynaa.🙏

Waxaan Kaloo U mahad celinaynaa Xafiiska Wasaaradda Dhalinyarada & Ciyaaraha Jsl G.sool iyo Xafiiska Xidhiidhka Kubada Cagta G.sool oo runtii si cadaalad iyo Eex la'aan ah u qabtay ciyaartaa, waad ku mahadsantihii Hawshaa adag ee aad G.sool iyo dhalinyartiisaba u Haysaan anana waanu idiin hogaansami inshalah, Saaxibayaal Xushmad iyo wanaag baanu idiin haynaa.🙏

Guul Waa weli Ilaa Daqiiqada Udanbaysa Waxaanu Nahay Kuwo Udiyaarsan Inay Noqdaan Kooxda Guulaysatay, Qadarta iyo Qoraalka Ilaahayna Waanu Ku Qanacsanahy.
Mahadsanidiin.

Waxaa kooxda goolasha guusha u saxeexay
Sulthan 1 Goal
Daauud 2 Goal

W/Gancsiga 3 Vs W/Gaadiidka 2

aLxamdulilaaH.

23/07/2022

أنا الله وأنا اليه راجعون .
Waa geeri naxdin leh runtii Waxaan annagoo isku duuban utacsiyaynanaa walaalkayo nuur maxamed nuur,oo magaalada adis Ababa kula daaladhacayey xanuun lasoo darsey dhawaan ugu danbayna ugeeriyoodey xanuunkii

Waxaanu tacsida lawadaagaynaa ehelkii asxaabtii qaraabadii oo ay ugu horreeyaan labadii waalid iyo qoyskii, alle su,aalaha qabriga ha fududeeyo ,kitaabkana midigta haka siiYo.

Guud ahaan bahda toocilna Samir iyo iimaann alle ha inaga siiyo dhamantenba iyo kooxdii heerka 4aad ee Toocil JR ee heerka 4aad ee uuka mid ka ahaa... aamiin

22/07/2022

Maxamed axmed askar leo

Goal dhaliye cajiiba 5 game 6 goal.
Run aHaantii waa lama joojiye waxa uu goalasha ku hogaaminayaa 11 goal.

22/07/2022

ALX ALLE mahad oo dhan u sugnaatay noogu soo dhameeyay kulan kayagii 5 aad qaytii labaad ee horyaalka . caafimaad qab iyo natiijo fcn oo guul ah .

NatiiJo ah 3: 1
1
2

Waxaanu hambalyo u diraynaa dhigayaga oo nala ciyaaray kubad qurux badan waxaan leenahay halkaa kasii wada dadaalka.

5 mach 15 points and 13 goals .

18/07/2022

ALXAMDULILAAH ALLE ayay mahad usugnaatay noogu soo gaba gabeeyay guul iyo caafimaad qab kulan kayagii 11 aad ee horyaalka . ee aanu la lahayn naadiga .

Natiijo ah 3:1

1
1
1

Waxaan leenahay badiyaaba waa Bahdeen naadigii sida quruxda badan noola ciyaaray .

markasta waa toocil.

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Laascaanood?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Laascaanood