03/08/2022
Bismilaah.
Ugu Horayn Ilaahaybaa Mahadleh, Anagoo Isku Duubana Wan Idiin Salaameynaa, Inaad Fiicantihiin Ayaan Filaynaa, Muraadkeena Oo San Alle Ha Inawada Siiyo Aamiin.
Waxaa Jira Ganaax Soo Baxay 30/7/2022, Ganaaxaasoo Lagu Qaaday Kooxda Gaashaan Ayna Soo Saareen Gudida Dacwadaha Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland, Markaa Maanu Soo Shaacin Lakin Hadaanu Kahadlaynaa.
Markasta Ujeedadayadu Maaha Wax-yeelaynta Horumarka Gobolka Kutalaabsaday Ka Koox Ahaana Markasta Waxn Jecelnahay Wixii Wanaaga Iyo Xalku Kujiro, Waana Qirsanahy Khaladkayaga Waxaana Noqonaynaa Kuwa Dib Kasaxa, Waana Qaadanay Ganaaxa La Marsiiyay Kooxda.
Waxaan Kaloon Karaali Galinaynaa Wasaarada Iyo Xidhiidhka Kubada Cagta Mrka Xigtana Waxn Raali-galinaynaa Taageerayasha Qiimaha Badan Meel Kastaad Aduunkaga Kaga Sugantihiin Wxn Idiin Sheegaynaa Inaanu Ahayn Kuwo Xumaan Kumidaysan Ee Aanu Nahay Kuwa Kuhawlan Hormarinta Kooxdooda Iyo Mida Gobolka.
Ugu Danbayn Mahadsanidiin Dhamaantiin, Nagaraali Ahaada Saxibayaal.đ
29/07/2022
Alxamdulilah.
Ugu Horayn Ilaahaybaa Mahadleh Qadar Iyo Qoraal Kasta Oodhacana Ilaahayba Mahad Iyo Cabsi Mudan, Waana Qaabilaynaa Wixii Alle Noo Garto, Alaw Mahadaa.
Waxaan Kaloon Umahad-naqaynaa Dhamaan Taageerayaasha Sharafta Iyo Cisiga Badan Ee Markasta Taagnaa Garabkayaga, Marxalad Walba Aanu Ku Suganahy Ahaa Kuwo Na Dhinac Taagan, Runtii Majirto Jamaahiir Idinla Mida Waana Kaxunahay Inaan Guul Idinku Hogaamin Wayno Waana Ka Cudur-daaranaynaa, Mahadsanidiin Meel Kastaad Joogtiin.đâ¤ď¸
Waxaan Kaloon U Hambalyeenaynaa Kooxda Dhigayaga Ah Ee Saaxibadayada Ah Ee Jaarkayaga Ah Ee Kooxda Ciidanka Asluubta G.Sool Laba Marba Wn Idiin Hambalyeenaynaa Mida 1aad Waa Inaad Naga Guulaysateen, Aad Hanateen Guusha Iyo Kubadii Qurxoonayd Aadnala Ciyaarteen, Marka 2aad Waxaanu Idiinkugu Hambalyeenayaa Guusha Aad Gaadheen Aadna Noqoteen Kooxda 1aad Ee Horyaalka G.Sool Waxaadna Tihiin Koox Uqalanta Inay Qaado Cup Waxaadna Ilaaliseen Sharafta Tar-tanka, Xaqiiqatana Udiyaarsanaa Inay Helaan Horyaalka Sidaad Rabteena Way Noqotay, K**a Xumin Hormarka Aad Gaadheen Saaxiibaday Ayd Tihiin, Waliba Waxaanu Kusharfaynaa Inaanu Soo Dhigno Kaliya Sawirkooda Iyo Iyagoo Champions Ah , Guulaysta Hambalyo Hambalyo.
Kubadu Sideedaba Maaha Inaad Marwalba Guulaysanayso Koox U Aas-aasan Guul Iyo Guul-daraba Waa Nahay, Guul-daraduna Waa Wadada Guusha Waxaana Ogaanaynaa Khaladaadkayaga Iyo Iintayada Ugu Danbayna Ishaâalaah Waynu Noqon Kuwa Guulaysta, Waxaana Kufaraxsanahy Inaanu Nahay Kuwo Kubada Uciyaara Siday Unoqon Lahaayeen Marwalba Kuwa 1aad Balse 7da Kooxood Ee Magaaladu Yihiin Kuwo Uciyaara Sidee Star Ula Dagtaan, Laakiin Ogaada Manihin Kuwo Isdhiiba Ee Waa Inoo Kulanti Danbe.
Aan Idinla Kaftamee Shacabka Reer Laascaanodow Liqa In Gaashaan Cupkii Laga Qaaday, Qaarbay Ilaa Hada Ka Daadagi Laâdahahy Oo U Hambalyeeya Kooxda Qaaday Tartanka Kkkk, Mahadsanidiin Walaalayaal.đđ
Gaashaan 0 Vs Asluubta 1
28/07/2022
Bismilaah.
Ugu Horayn Ilaahaybaa Mahadleh, Intii Buktana Ale Hacaafiyo Intii Dhimatayna Alle Ha Unaxariisto Aamiin Aamiin, Waana Habeen Jimce Ah Saliga Nabi Maxamed NNKH SCW Hala Badiyo, Dhamaantenba Muraadkeena Oosan Ilaahay Ha Ina Siiyo Aamiin.
Intaa Markn Kasoo Gudbo Waxn Idinla Socodsiinaynaa In Cilad Kutimi Boga Walaw Aansoo Xalinay Ilaahayna Nagu Guuleeyay, Hadana Aanu Hawada Sitoosa Ugusoo Noqonay, Wana Ka Cudur-daaranaynaa Saaxibayal Intii Aanu Idinka Maqnayn.
Intii Aanu K**aqneen Barta Fbga Waxaanu Ciyaarnay Hal Kulan, Halka Hal Ciyaarna Baaqi Nootahay Oo Maalmaha Inagusoo Socda Ciyaari Doono Ishaâalaah , Ciyaartii Aanu Lalahyn Kooxda X.Cirka Way Naga Guulaysteen Guushuna Ay Raacday Iyaga, Wn Idiinkugu Hambalyeenayna Guusha Aad Gaadheen Saxibayal Qadartii Qorneed Badiyaaba Waa Bahdeen.
Inshaâalaah Waxaan Kaloon Idinla Socodsiinaynaa Bari Oo Ah 29/7/2022 Inaanu Laciyaari Doona Kooxda Asluubta Saacadu Markay Tahay Geeska Africa 3:30Pm, Waana Soodhaweenaynaa Kooxda Dhigayaga Ah, Ale Hanaga Dhigo Kuwa Guulaysta.
Ugu Danbayn Siguud Ayaan Idinkugu Mahad-naqaynaa Dadka Kuxidhan Barta Aanu Kuleenahay Baraha Bulshada, Alle Haydin Sharfo Walaalayaal.
20/07/2022
Bismilaah.
Ugu Horayn Ilaahaybaa Mahadleh Markasta, Dhamaantiin Aadbaan Idiin Salaameynaa, Inaad Fiicantihiin Ayaan Rajeenaynaa, Dhamaantenba Muraadkeena Oosan Ilaahay Ha Ina Siiyo Aamiin.
Waxaan Idinla Socodsiinaynaa Maanta Oo Ah 21/7/2022 Kulan, Ciyaartaas Aanu Laleenahay Dhigayaga Xidigaha Cirka Ishaâalaah Saacadu Geeska Africa Mrkay Tahay 3:30pm.
Wansoo Dhaweenaynaa Kooxda Nala Ciyaari Doonta Ishaâalaah Ciyaar Qurux Badan Oo Qancisa Kasoo Qayb-galayaasha, Ilaahayna Guusha Hanagu Simo Aamiin.
Gaashaan Vs Xidigaha Cirka.
16/07/2022
Alxamdulilah.
Ugu Horayn Ilaahaybaa Mahada 1aad Leh Markasta Guul Iyo Guul-daraba Kuwo Kuqanacsan Qadarta Ilaahy Baanu Nahay.
Waxaan Kaloon Umahad-naqaynaa Taageerayaasha Sharafta Leh Meel Kastaad Kusugantihiin Wd Mahadsantihiin, Idinka Ayaanu Wx Kunahay.
Waxn Kaloon Uhambalyeenaynaa Kooxda Dhigayaga Ah Ee W.Caafimaadka Badiyaaba Waa Bahdeen Saaxibayaal, Inshaâalaah Wa Inoo Kulan Kale.
Gaashaan 2 Vs W.Caafimaadka 0
Goals
Mohamoud Boosh
Nuux Abdilaahi Nuux Tani
15/07/2022
Bismilaah.
Ugu Horayn Ilaahaybaa Mahad-leh Mrwalba, Marka Xigta Waanu Idin Salaamayna Anagoo Isku Duuban Inaad Fiicantihiin Ayaanu Filaynaa, Dhamaantenba Muraadkeena Oo San Alle Hayna Siiyo Aamiin.
Bariidin Kabacdi Waxaan Idinla Socodsiinaynaa Saaxibayaal Bari Oo Ah Sabti 16/7/2022 Inaanu Leenahay Ciyaar, Kulankaasoo Aanu Laleenahay Dhigaya W.Caafimaad Ishaâalaah Saacadu Markay Tahay Geeska Africa 3:30pm.
Hadii Alle Idmo Kubad Qurux Badan Oo Qancisa Daawadayaasha Ayanu Rajeenaynaa, Waana Soodhaweenaynaa Kooxda Dhigayaga Ah Ee W.Caafimaadka, Ugu Danbayn Ale Haynaga Dhigo Kuwa Guulaysta Aamiin.
Gaashaan Vs W.Caafimaadka
02/07/2022
Alxamdulilah.
Ugu Horayn Ilaahaybaa Mahad-leh Oo Si Bad-qab Ah Noogusoo Idleeyay Kulankii Aanu Galabta Lalahayn Kooxda Dawlada Hoose Guushana Nasiiyay Ilaahaw Mahadaa.
Waxaan Kaloon Umahad-naqaynaa Taageerayasha Sharafta Leh Ee Marwalba Garab-kayaga Taagan, Runtii Kuwaanu Wax Kunahay Waa Idinka Alle Haydin Sharfo Walaalayaal Bartiina Ayaad Ku Salaamantihiin, Waajibaadkayagii Unbaanu Gudanay.
Waxaan Kaloon Uhambalyeenaynaa Kooxda Dawlada Hoose Oo Runtii Nala Ciyaaray Kubad Qurux Badan Oo Ixtiraam Iyo Qadarin Kudheehantahy, Badiyaaba Waa Bahdeen Saaxibayaal Hormar Wanaagsan Ayan Idiin Rajeenaynaa.đ
Guul Waawali Ilaa Daqiiqada Udanbaysa Waxaanu Nahay Kuwo Udiyaarsan Inay Noqdaan Kooxda Guulaysata Qadartiyo Qoraalka Ilaahayna Waanu Ku Qanacsanahy.
Gaashaan 3 Vs D.H.D.L 1
Goal
Sir Boosh2
Abdikhadar Vigo 1
01/07/2022
Bismilaah.
Adbaanu Idiin Salaamaynaa Dhamaantiin Waxaana Idin Leenahay Isu Soo Noqod Wanaagsan, Waxanu Filaynaa Inaad Fiicantihiin, Alle Muraadkeena Oosan Ha Inawada Siiyo Aamiin.
Waxaan Idinla Socodsiinaynaa In Aanu Bari Oo Ah 2/July/2022 Leenahay Kulankayagii 10aad Ee Horyaalka Kooxaha Heerka 1aad Ee G.Sool Ishaâalaah, Waxaanuna La Ciyaaraynaa Kooxda Dhigayaga Ah Ee Dawlada Hoose Ee Lascanod, Saacadu Markay Tahay Geeska Africa 3:30pm.
Wansoo Dhaweenayna Kooxda Dhigayaga Ah Ee Saaxibadayada Dawlada Hoose Ishaâalaah Ciyaar Qurux Badan Oo Qancisa Daawadayaasha Kasoo Qayb-gala Ciyaarta Ayanu Filaynaa.
Ugu Danbayn Waxaan Ku Kalsoonahay Ciyaartoyda Matalaysa Kooxda Qadarta Waa Quwad Ugaara Ilaahay, Ismana Dhiibi Doono Ilaa Dhamaadka, Guulna Waawali Alle Hanaga Dhigo Kuwa Guulaysta Aamiin.
Gaashaan Vs D.H.D.L
28/06/2022
Alxamdulilah.
Ugu Horayn Ilaahaybaa Mahad-leh Oosi Badqab Ah Noogusoo Idleeyay Kulankii Aan Lahayn Galabta, Qadarta Iyo Qoraalka Eebe Waanku Qanacsanhy, Ilaahaw Mahadaa.
Waxaan Umahad-naqaynaa Taageerayasha Sharafta Leh Ee Qiimaha Badan Ee Fariimaha Kala Duwan Ee Dhiiri-galinta Leh Noosoo Diraya Waad Mahadsantihiin Walaalayaal Sharaf Iyo Cisi Ayaad Agtayada Kuleedihiin, Waana Ka Cudur-daaranynaa Maadaama Aan Idinka Farxin Waynay, Laakinse Wanku Dadaalaynaa Marwalba Inaan Noqono Kuwo Idinka Farxiya Sida Aadnooga Farxisaan, Dhigiina Idinka Hormariya Sidaad Nooga Hormarisaan, Mahadsanidiin Qoyskayagiiyow, Gaashaan Family.đâ¤ď¸
Waxaan U Hambalyeenaynaa Saaxiibadayada Kooxda Dhigayaga Ah Ee Wasaarada Maaliyada Guushii Iyo Kubadii Ixtiraamkiyo Sharaftu Kujirtay Aynala Ciyaareen, Mar 2aad Wan U Hambalyeenaynaa Anagoo Isku Duuban Guusha Aynaga Gaadheen Galabta, Ishaâalaah Hormar Ayaan Idiin Rajeenaynaa Waa Inoo Waqti Danbe Hadii Ale Idmo, Mahadsanidiin Saxibayaal.đ
3 Waji Ay Kubadi Leedahay Midkamida Ayn Qaadanay Oo Ah Inaan Guul-daraysanay Kulankii Maanta, Balse Guul-daradii Maanta K**a Dhigna Inaan Waynay Cup-kii Marwalba Waxaa Naga Goâan Inaan Noqono Tartamayaasha Guulaystay Ismana Dhiibayno Ilaa Ciyaarta Udanbaysa, Guul-daradu Waa Wadada Guusha, Gabi-ahaantayaduba Waanu Kuqanacsanhy Dhacdadii Galabta, Khalad-koodana Kuwo Saxa Wan Noqonaynaa, Ishaâalaah Anagoo Sidii Kaxoog Badan Ayn Soonoqonaynaa Guulna Waawali.
Waad Mahadsantihiin Walaalayaal.
Gaashaan 0 Vs Maaliyada 1
.
27/06/2022
Bismilaah.
Waad Salaamntihiin Dhamaantiinba, Inaad Fiicantihiin Ayaan Rajeenaynaa, Muraadkeena Oo San Ale Hayna Siiyo, Aamiin.
Waxn Idinla Socodsiinaynaa Inaanu Ciyaarayno Bari Ciyaartayadii 9aad Ee Horyaalka Kooxaha Heerka 1aad Ee G.sool, Ishaâalaah Waxaana Laleenahay Kooxda Dhigayaga Ah Ee Wasaarada Maaliyada.
Wansoo Dhaweenaynaa Kooxda Aan Kulanka Laleenahay, Ishaâalaah Ciyaar Qurux Badan Oo Dawadaayasha Qancisa Baan Filaynaa, Alena Hanaga Dhigo Kuwii Guulaysta Aamiin.
Markasta Waxaa Naga Goâan Inaanu Noqono Tartamayaasha Guulaysta, Kuwo Qadarta Ale Kuqanacsana Waanahy, Waana Tar-tami Doona Ilaa Dhamaadka.
Gaashaan Vs Maaliyada
27/06/2022
Ogaysiis.
Waxaan Idinla Socodsiinaynaa Kulankii Aanu Galabta Lahayn Wuu Baaq-day Sababta Uu Ubaaqdayna Waxay Tahay Wasaarada Oo Cudur-daartay.
Waan Idinka Raali-galinaynaa Wana Ognahay Inaan Lasoo Daahnay Fariinta, Balse Goâaanka Udanbeeyay Hadaa Lasoo Saaray, Markaa Naga Raali-ahaada Mar 2aad Iyo Mar 3aad.
Ishaâalaah Wixii Soo Kordhana Wn Idinla Socodsiinaynaa, Waadna Mahadsantihiin Saaxibayaal.