Somali Health Awareness And Development Associations

Somali Health Awareness And Development Associations

Share

"Waxaa naga go'an inaan horumarino wacyi-gelinta caafimaadka iyo waxbarashada bulshadeena"

09/04/2026





22/12/2025

Fariin Caafimaad
Ololaha Talaalka gowracatada ayaa Mogadishu ka socda
Qoys walba waa in ubadkooda ay geeyaan Xarunta caafimaad ee u dhow si ay u helaan talaal free ah Oo ka difaacaya Cudurka Gowracatada Kaas oo Si Weyn ugu faafay somalia Keeni karana Geeri Maalmo Gudohood hadii aan laga hor tagin

FADLAN TALAAL UBADKAAGA







05/11/2025

Kahortaga waa badbaado

04/11/2025

Sida aan wada ognahay, ka hortagga cudurrada dilaaga ah waa mid ka mid ah xeeladaha ugu muhiimsan ee lagu hubinayo badbaadada carruurta yaryar. Hubinta in carruurtu ay u helaan tallaalkooda si sax ah ayaa muhiim u ah ka hortagga cudurradan halista ah.

UNICEF Soomaaliya ayaa sameeysay ololahan wacyi-gelinta ah ee muhiimka ah si ay wacyigelinta tallaalka carruurta ugu faafiyaan bulshada Soomaaliyeed oo dhan.

Anagoo ah Ururka SHADA (Somali Health Awareness and Development Association) waxaanu ku faafinaynaa fariintan muhiimka ah bulshadeena oo dhan waxaanan waydiisanaynaa qof walba inuu si dhab ah u qaato, oo ay tixgeliyaan badbaadada caruurtooda, oo aanu hubino in caruurtoodu ay qaataan talaalka wakhtiga loo qorsheeyay.





10/10/2025

10 October 2025
Maalinta caalamiga ee Caafimaadka dhimirka

Theme"Mental health in humanitarian emergencies"






Photos from Somali Health Awareness And Development Associations's post 24/09/2025

24-september-2025

Wacyigalin ( Dhibaatooyinka Caafimaad ee kadhalan kara isticmaalka faraha badan baraha bulshada )

Qaar kamida Sawirada Ururka Somali health awereness and Development Association ( SHADA) Oo wacyigalin kasameyneysay Iskuulka Al-fajr model school .
Waxaanu utaagan nahay Gaarsiinta Fariimaha Caafimad ee bulshadeena badbaadin kara .
Bulsho caafimaad qabta ayaa dal dhisi karta .







-fajr model school

24/09/2025


Dhibaatooyinka Caafimaad ee kadhalan kara isticmaalka faraha badan ee Baraha Bulshada .

Taariiq: 24/9/2025

Ururka Somali Health Awareness and Development Association (SHADA) ayaa wacyigalin Kasameeyey Iskuulka Al-fajr model school , wacyi-galinta waxay kusaabsaneyd dhibaatooyinka caafimaad ee laga dhaxlo isticmaalka faraha badan ee baraha bulshada iyo Sidii loo xalin lahaa iyagoo Kaashanaya Ubaxa dalka ardayda iskuulka si ay wacyi-galinta u gaarto bulshada Soomaaliyeed .





Al-fajr Model School

18/09/2025






Hudadaada waa Mudnaantaada
Habeen walba 7-8 saac waa inaad hurudaa
Waa Tanaa Qaar kamida Faa'iidooyinka Hurdada dhameystiran ay jirkaa u leedaahy:-

1. maskaxdaada ayey nidaamisaa: hurdada wanaagsan waxay maskaxdaada ka caawineysaa in ay nadiifiso xogahaaga iyo aqoontaada .
2. Xoogaaga ayey kordhisaa : Hurdada dhameeystiran waxay kor u qaadaa tamarta jirkaaga .
3. Waxay u saamaxdaa jirkaaga inuu kaso kabto daalka farabadan oo uu maalintii qofka lakulmay .
4.waxay yareesaa Halista Xanuuno fara badan sida wadno qabadka , Cancer-ka .

Somali Health Awareness And Development Associations


18/09/2025




Soco maalin walba in kabadan Nus saac

30-daqiiqo

bannaanka u socoshada jidhkaaga oo keliya uma roona; waxay maskaxdaada u tahay dib u dejin awood leh. Qorraxda iyo hawada cusub waa Waxa ugu muhiimzan ee aad u baahan tahay





Photos from Somali Health Awareness And Development Associations's post 15/09/2025



Maanta waxaa inoo qabsoomay Seminarkii 1-aad ee URURKA Somali Health Awareness And Development Associations
Waxa uu kusaabsanaa ;- Dhibaatada iyo Cudurada kadhalan kara fadhiga badan ama sedentry Lifestyle .
Waxa kaloo inoo qabsoomay Introduction aan ururka ugu sameynay .




Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Mogadisho?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Mogadisho