25/05/2026
🚨 Digniin Caafimaad & Wacyigelin Bulsho 🚨
Kadib waayihii adkaa ee dunidu kasoo martay cudurka COVID-19, waxaa muhiim ah in bulshada Soomaaliyeed ay sii joogteeyaan feejignaanta caafimaad iyo ka hortagga cudurrada faafa. Taariikhdu waxay ina bartay in cudurrada faafa aysan xuduud lahayn, islamarkaana badbaadadu ku jirto wacyigelin, taxaddar iyo iskaashi bulsho.
Maanta waxaa mar kale soo baxaya walaac la xiriira cudurka Ebola Virus Disease oo laga soo sheegay dalal kamid ah Afrika, gaar ahaan Uganda iyo Democratic Republic of the Congo. Inkastoo Soomaaliya aan laga soo sheegin xaalado rasmi ah, haddana feejignaan iyo diyaar garow waa lama huraan.
Bulshada waxaan ku boorinayaa:
• In la ilaaliyo nadaafadda gacmaha iyo deegaanka
• In laga fogaado taabashada qof qaba calaamado laga shakisan yahay
• In si degdeg ah loola xiriiro xarumaha caafimaadka haddii la arko qandho daran, matag, shuban ama dhiig-bax
• In aan la faafin warar aan la hubin, balse lagu kalsoonaado xogaha rasmiga ah ee caafimaadka
Cudurrada faafa waxaa looga guuleystaa aqoon, isku duubni iyo taxaddar joogto ah.
🤲 Alle SWT haka ilaaliyo Soomaaliya iyo guud ahaan ummadda Muslimiinta cudurrada faafa, caafimaad darro iyo dhibaato kasta.
اللهم احفظ بلادنا وأهلنا من الأوبئة والأسقام، وارزقنا الصحة والعافية الدائمة.
Please and .
22/12/2025
Fariin Caafimaad
Ololaha Talaalka gowracatada ayaa Mogadishu ka socda
Qoys walba waa in ubadkooda ay geeyaan Xarunta caafimaad ee u dhow si ay u helaan talaal free ah Oo ka difaacaya Cudurka Gowracatada Kaas oo Si Weyn ugu faafay somalia Keeni karana Geeri Maalmo Gudohood hadii aan laga hor tagin
FADLAN TALAAL UBADKAAGA
04/11/2025
Sida aan wada ognahay, ka hortagga cudurrada dilaaga ah waa mid ka mid ah xeeladaha ugu muhiimsan ee lagu hubinayo badbaadada carruurta yaryar. Hubinta in carruurtu ay u helaan tallaalkooda si sax ah ayaa muhiim u ah ka hortagga cudurradan halista ah.
UNICEF Soomaaliya ayaa sameeysay ololahan wacyi-gelinta ah ee muhiimka ah si ay wacyigelinta tallaalka carruurta ugu faafiyaan bulshada Soomaaliyeed oo dhan.
Anagoo ah Ururka SHADA (Somali Health Awareness and Development Association) waxaanu ku faafinaynaa fariintan muhiimka ah bulshadeena oo dhan waxaanan waydiisanaynaa qof walba inuu si dhab ah u qaato, oo ay tixgeliyaan badbaadada caruurtooda, oo aanu hubino in caruurtoodu ay qaataan talaalka wakhtiga loo qorsheeyay.
10/10/2025
10 October 2025
Maalinta caalamiga ee Caafimaadka dhimirka
Theme"Mental health in humanitarian emergencies"
24/09/2025
24-september-2025
Wacyigalin ( Dhibaatooyinka Caafimaad ee kadhalan kara isticmaalka faraha badan baraha bulshada )
Qaar kamida Sawirada Ururka Somali health awereness and Development Association ( SHADA) Oo wacyigalin kasameyneysay Iskuulka Al-fajr model school .
Waxaanu utaagan nahay Gaarsiinta Fariimaha Caafimad ee bulshadeena badbaadin kara .
Bulsho caafimaad qabta ayaa dal dhisi karta .
-fajr model school
18/09/2025
Hudadaada waa Mudnaantaada
Habeen walba 7-8 saac waa inaad hurudaa
Waa Tanaa Qaar kamida Faa'iidooyinka Hurdada dhameystiran ay jirkaa u leedaahy:-
1. maskaxdaada ayey nidaamisaa: hurdada wanaagsan waxay maskaxdaada ka caawineysaa in ay nadiifiso xogahaaga iyo aqoontaada .
2. Xoogaaga ayey kordhisaa : Hurdada dhameeystiran waxay kor u qaadaa tamarta jirkaaga .
3. Waxay u saamaxdaa jirkaaga inuu kaso kabto daalka farabadan oo uu maalintii qofka lakulmay .
4.waxay yareesaa Halista Xanuuno fara badan sida wadno qabadka , Cancer-ka .
Somali Health Awareness And Development Associations