Garas bintow sportiga

Garas bintow sportiga

Share

28/04/2022
24/01/2022
23/01/2022
27/12/2021

Gabadheey waad hadal xuntee
Sodohdu waa hooyadaa ,

Huq iyo ciil uma go adoo
Hadimo wayka dhawrsantahay,

Alaa ku hagoogay sharaf
Gob weeyaan haybad wacan
Hormuud weeyaan lahubo ,,

Hanaqa beerkay kutaal
Sidii hogoshoo kalaa
Marwalba lagu hagar baxaa ,,

Hidihii bay xanbaarsantahay
Dunida hormarbay utahay
Reerkana iyadaa hagtoo
Walee waa hawlkar wacan ,,,

Sidii geed hadhacabaa
Hadhkeedana lagu nastaa
Hooskeedaa lagu gam aa ,,

Hilaaciyo waa iftiin
Dunida nuur hareero sudhan
Inaad hor mar gaadha iyo
Hagaagaay rabtaa,,,,

Ninkaad uhan wayntahee
Halyeyoow leedahee
Inuu hoy kula galana
Marwalba ad ad uheelantahay ,

Hoyadii soo ababisee
Horaad keeda uu ku koray
Sideed unacdaa hongooy ,,,

Habeen gur cudaad gudee
Walee ma hagaagsanide
Sawkani naxili kugu habsaday ,,

Hadaad Han baluul santahay
Amaa aad habacsantahay
Maskaxda holofbaad katee
Guriga hooyadaa Iska joog ,,

Ninragii kuma haybsadoo
Haasaawiyo hadal macaan
Intuu heedhe kugu yidhaa
Gacanta kuuma hadiyee
Guriga hooyadaa dhexjiif,,,

Sidaada mid hooganoo
Habaar lagu daaliyoo
Ducana waligii an helin ,

Markaad hadal yara tidhaa
Hangool kugutuma budculus
OO aad hesho mooyiyee
Walee nin ragaad hantiyin ,,,,,

By abwaan geedi cade ,,,

23/12/2021
21/11/2021
Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Mogadisho?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address


Mogadisho