20/02/2024
War-Murtiyeed: Shirka wadatashiga Wasaaraddaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada heer Federaal iyo heer Dowlad gobaleed oo looga hadlaayay horumarinta Barashada farsamada gacanta iyo Tababarada xirfadaha shaqada (BFTX) ee Soomaaliya ayaa Maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb-galay Madaxda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Buslahda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mas’uuliyiinta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda Ee Dowlad gobaleedyada dalka.
Madashan oo socotay muddo seddex cisho ah, waxaa lagu falanqeeyay qobbada kala ah; Mideeynta hannaanka horumrinta barashada Xirfadaha gacanta iyo tababaradda ee (TVET program), Isku-dubaridka halbeegyada kala duwan ee (TVET program), Hubinta habraaca ka jawaabida fursadaha suuqa iyo xoojinta shaqa abuurka.
Xubnaha ka socday dowladd gobaleedyada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si wayn u fallanqeeyay sidii loo daadajin lahaa TVET heer gobal, mid degmo ilaa tuulo iyo Muhiimada uu u leeyahay dalkeenna faham buuxana laga helay.
Ugu dambeyn, shirka waxaa laga soo saaray War-murtiyeedkan.
29/09/2016
Kullan aqoon isweydaarsi ah oo lagu ansixinayo warbixinta qiimeynta xarumaha waxbarashada farsamada gacanta iyo xirfadaha ee soomaaliya oo maanta ka dhacay magaalada muqdisho, kulankaas oo ay ka soo qeyb galeen dhamaan TVET providers ka ,, waxaana la isku afgartay in la horumariyo TVET somalia
07/05/2016
Aqoon-is-waydaarsi ku saabsan tayeynta Waxbarashada xirfadaha iyo farsamada gacanta oo lagu qabtay magalada Muqdisho
Siminaar kaas ama aqoon isweydaarsigaas ayaa waxaa ka faa iideystay dhamaan ururada bixiya tababarada la xiriira farsamada gacanta
Siminaarka oo ahaa mid hal maalin ah ayaa waxa casharada aqoon isweydaarsiga bixinayay Prof James oo u dhashay dalka Kenya,
12/01/2015
Technical and Vocational Education and Training (TVET): Waxbarashada Frasamada Gacanta.
Waa dadaal loo galayo sidii tababaro xirfadeed loogu heli lahaa dhalinyaradeena.
Waa muhiim waxbarashada Jaamacadaha, hayeeshee si dalku dhaqso usoo kabto wuxuu u baahan yahay farsamooyin kalla duwan in la baro dhalinyareedana, si ay u helaan shaqooyinka xirfadahaas
Arinkaas oo looga wadahadlay xafiiska/hoolka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, waxaa kasoo qaybgalay wasaarada waxbarashada iyo wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada, iyo ururada bixiya TVET.