20/04/2024
Ilaahay amarkiis, ciddaan haddayba Champions League arkaan dhareer aa ka imaanaayo waxayna la mid yihiin mukulaal mallaay aragtayπLol
Laad waa Bog ka faallooda ciyaaraha guud ahaan, gaar ahaanna Kubadda Cagta.
20/04/2024
Ilaahay amarkiis, ciddaan haddayba Champions League arkaan dhareer aa ka imaanaayo waxayna la mid yihiin mukulaal mallaay aragtayπLol
19/03/2024
Labo sano ka hor marki aan Garnacho wax ka qoray, dad aad u yar ayaa garanaayay Garnacho. Laba sano ka dib oo hadda aan 2024 marayno, Garnacho wuxuu ku dhow yahay inuu noqdo superstar. Maxaad ku qiimaysay bandhigiisi ugu dambeeyay ee Man Utd vs Liverpool?
Waa Kuma Ciyaaryahankan Manchester?
Wejigiisa markaad fiiriso, funaanadda uu xiran yahayna aad aragto inay tahay midda Manchester United waxaa markiba maskaxdaada ku soo dagdagayo su'aasha ah "waa kuma ciyaaryahankaan aadan weligaa arag ee funaannada Man Utd xiran?".
Haa, waad saxan tahay, waa ciyaaryahan aadan weligaa arag, su'aasha aad is waydiisay jawaabteedana waa tan.
Ciyaaryahankan magaciisa waaa Alejandro Garnacho Ferreyra. Da'diisu waa 17 sano. Wuxuu ku dhashay Spain, wuxuuna matalay xulka da'yarta Spain, balse wuxuu sidoo kale matali karaa Argentina oo dhowaan macalinkeeda Lionel Scaloni uu ku daray liiska hordhaca ah ee isreebreebka Koobka Adduunka ay Argentina la dheeli doonto Ecuador iyo Venezuela.
Garnacho wuxuu Man Utd ku biiray 2020, wuxuuna ka dheelaa garabka bidix. Waa ciyaaryahan 'hibo sare' leh, dhanka farsamadana kaga dayda Cristiano Ronaldo. Waxaa dhowaan la filayaa in loo dallacsiiyo heerka koowaad ee Kooxda Man Utd.
Markaad aragtay been-boodahaan, boortiyeerigee kugu soo dhacay? Halkaan uga wac sxbkaa oo boortiyeeri booc booc been-boode ah. Ayub Abdiqani Abdirahman, lajanoow soo qabo boortiyeeri aad sidaan uga shakisan tahay πππ
Shaki maa kaaga jiro in cunugaan yarka ah uu badsaday daawashada Sergio Ramos? π
Halkaan uga wac sxbkaa oo sidaan cml lafaha uga dhuuxo ciyaartoyda ka soo horjeeddo.
13/03/2022
Zlatan muxuu ku yiri Messi?!
Xiddiga reer Sweden Zlatan Ibrahimovic sheekooyinka uu ku qoray buuggiisa la dhaho "I am Zlatan" oo macno ahaan noqonaya "Waxaan ahay Zlatan" waxaa ka mid ah sheeko dhexmartay asaga iyo Messi xilligi ay ku wada sugnaayen Barcelona. Zlatan ayaa buuggiisa ku qoray sidaan:
Sannadki 2010, kulanki lugta labaad ee aan la dheelaynay Arsenal intaan la gaari ka hor ayaa lugta midig waxaa iga soo gaaray dhaawac igu kallifay inaan ciyaarta ka maqnaado. Kulanki lugta h**e oo aan Arsenal garoonkeeda 2-2 ku soo wada galnay ayaan anigu labada goolba halkaas ku soo dhaliyay.
Ciyaarti lugta labaad intaysan billaabanin ka hor ayaan u tagay Messi waxaanan ku dhahay "Gaboow, dhagayso! Waad ii jeeddaa aniga kulankaan ma dheelayo, sidaas darteed waxaad ku qasban tahay inaad kooxda guul gaarsiiso, waadna ogtahay inaan garoonka Arsenal laba gool aniga ku soo dhaliyay, sidaasna aan fursad wayn ku haysanno".
Messi wuxuu kulankaas soo bandhigay ciyaar taariikhda gashay, wuxuuna dhaliyay 4 gool, waxayna ahayd mid ka mid ah kuwa ugu fiican bandhigyadi shakhsiga ahaa ee aan abid arko. Ciyaarta ka dib ayaan qolka labiska kooxda ugu tagay Messi, waxaanan ku dhahay "Gaabow, hambalyo! Maanta adiga ayaa ka fiican Zlatan".
11/03/2022
Waa Kuma Ciyaaryahankan Manchester?
Wejigiisa markaad fiiriso, funaanadda uu xiran yahayna aad aragto inay tahay midda Manchester United waxaa markiba maskaxdaada ku soo dagdagayo su'aasha ah "waa kuma ciyaaryahankaan aadan weligaa arag ee funaannada Man Utd xiran?".
Haa, waad saxan tahay, waa ciyaaryahan aadan weligaa arag, su'aasha aad is waydiisay jawaabteedana waa tan.
Ciyaaryahankan magaciisa waaa Alejandro Garnacho Ferreyra. Da'diisu waa 17 sano. Wuxuu ku dhashay Spain, wuxuuna matalay xulka da'yarta Spain, balse wuxuu sidoo kale matali karaa Argentina oo dhowaan macalinkeeda Lionel Scaloni uu ku daray liiska hordhaca ah ee isreebreebka Koobka Adduunka ay Argentina la dheeli doonto Ecuador iyo Venezuela.
Garnacho wuxuu Man Utd ku biiray 2020, wuxuuna ka dheelaa garabka bidix. Waa ciyaaryahan 'hibo sare' leh, dhanka farsamadana kaga dayda Cristiano Ronaldo. Waxaa dhowaan la filayaa in loo dallacsiiyo heerka koowaad ee Kooxda Man Utd.
10/03/2022
Ronaldinho oo ka sheekaynayay mid ka mid ah xaaladihi adkaa ee yaraantiisi uu soo maray ayaa yiri:
Markaan yaraa aabbehay wuxuu igu boorrin jiray inaan kubadda ku dheelo cagacaddaan si aan xakamaynta/kontoroolka kubadda ugu fiicnaado. Lkn xaqiiqadu waxay ahayd aabbehay ma uusan haynin lacag uu kabo aan ku dheelo iigu gado, wuxuuna dhibsanaayay inaan niyad jabo hadduu i dhaho ma heli karo lacag aan kabo kuugu gado, sidaas darteed ayuu xeeladda ah in cagacaddaanta lagu barto kontoroolka kubadda u soo allifay. Mararka qaar waxaan dareemi jiray in indhaha aabbehay ay illin soo buux dhaafiso, aadna uu uga tiiranyeysan yahay awoodda yaraantiisa dhaqaale.
Marki aan ku guulaystay Kubadda Dahabiga ah, lama aanan ooyin farxad ee waxaan la ooyay in aabbehay uusan markaas i garab taagnayn oo uu geeriyooday.
10/03/2022
Messi, Ronaldo, iyo Bruno Fernandes kulligood waayadaan dambe markay ciyaar wayn dheelayaan tayadooda hoos ayay u dhacdaa weji daciif ah ayayna la soo baxaan π
Nala wadaag ciyaaryahan kale oo asna sidaas oo kale noqdo markay ciyaar adag jirto!
09/03/2022
La Yaabka Mourinho (The Special One)!
Sheekooyinka yaabka leh ee laga qoray Jose Mourinho waxaa ka mid ah in kulan Champions League ah oo ay Real Madrid la dheelaysay Kooxda Borussia Dortmund xilligaasna uu Mourinho macallin u ahaa Real Madrid uu damcay inuu ciyaartooydiisa mid ka mid ah farriin dhanka taaktikada ah ugu dhiibo Mesut Ozil, balse fursadda ayaa u saamixi wayday Mourinho inuu helo ciyaaryahan kooxdiisa ah oo farriiinta uu u dhiibo ciyaarta oo si aan kala go' lahayn u socotay darteed.
Kubadda oo fooro u baxday oo uu tuuraayay ciyaaryahan Marcel Schmelzer ayuu go'aansaday Mourinho in farriintiisa uu u dhiibo Schmelzer oo ka tirsan Borussia Dortmund. Wuxuu yiri Schmelzer "Mourinho ayaa i faray inaan Mesut Ozil u sheego inuu garabka ka soo wareego oo gudaha weerarka ah uu soo galo, baasaskana uu boobsiiyo". Schmelzer oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri "farriinti ayaan Ozil ugu gudbiyay sidi la iigu soo dhiibay, asna sidi aan ugu sheegay ayuu u qaatay asagoo xataa aan dhanka Mourinho fiirinin si uu isaga hubiyo waxa aan u sheegay inay run yihiin iyo inaan khiyaano wato, arrintaas ayaana igu noqotay wax aad u yaab badan".
Arrinta sheekada xiisaha u sii yeeshay ayaa ah in marki Mourinho uu farriinta u dhiibayay Schmelzer ay Borussia Dortmund ciyaarta ku hogaaminaysay 2-1, balse ciyaarta ayaa ku dhaammaatay 2-2 waxaana goolka bareejada dhaliyay Mesut Ozil kaas oo ahaa Laad Xor ah π
15/08/2021
Xeerarka Kubadda Cagta xaafadaha dhaxdooda lagu dheelo:
1) Garsoore ma leh
2) Ciyaartu waxay dhamaataa marka la daalo ama Maqribka la addimo π
3) Qofki dhaarto Rigoore waa loo dhigaa lol
4) Ciyaartoyda kan ugu shuluqsan aa mar kasto Boortiyeeri ah π
5) Qofka Kubadda leh markuu xanaaqo, Banooniga ayuu qaataa waana la kala tagaa π
6) Waxaa suuragal ah in uu qof iska imaado si lama filaan ah ka dibna uu dhaho "waa dheelaa ama waa qanad" k*kk
7) Darbiga waa laacib lagu xisaabtamo (Ku dhufsiga) k*k
8) Xariifka Banooniga iska leh wuxuu markasto la jiraa kooxda xoogga badan π
Ma tahay LEGEND intaan oo dhan soo maray? Haddaadan ahayn halkaan uga wac legend aad ku tuhmayso arrintaan πππ
14/08/2021
Weli ma ku soo martay guuldarro ciyaar Kubadda Cagta ah oo aad la ilmeeyso? ha is boojaynin ee si dhab ah u jawaab π
13/08/2021
Ku soo dhowoow Bogga Laad oo ah Bog ka faallooda ciyaaraha guud ahaan, Kubadda Cagtana gaar ahaan. Waxaad halkaan ka heli kartaa wararka ciyaaraha, natiijooyinka, sheekooyinka ciyaartooyda, iyo xogo kale.
Ka mid noqo asxaabta ku xiran Bogga Laad si aad u hesho wararka ciyaaraha kuwooda ugu dambeeyay!