21/01/2025
Waxaan qoyskiisa, qaraabadiisa, dhaqanka, iyo qaranka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Ugaas Cabdidaahir Ugaas Nuurre oo Muqdisho ku geeriyooday.
Ugaas Cabdidaahir waxa uu kaalin ka qaatay dowlad-dhiska dalka iyo dib-u-heshiis bulshada Soomaaliyeed. Si gaar ah waxa aan uga soo wada shaqeynay nabadeynta, dib-u-dhiska, iyo dib-u-heshiisiinta Galmudug.
Waxaan Alle ka baryayaa in uu u naxariisto, Jannadana ka waraabiyo Ugaas Cabdidaahir, ehelkiisana samir iyo iimaan ka wada siiyo.
19/01/2025