Maamulka Deegaanka Shalaambood

Maamulka Deegaanka Shalaambood

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Maamulka Deegaanka Shalaambood, Mogadishu.

27/08/2026

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Gudoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo looga hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira maamulka, Amniga, horumarka iyo qorsheyaasha Dowladda.

Photos from Maamulka Deegaanka Shalaambood's post 27/08/2026

Guddoomiyaha Deegaanka Shalambood, Nuur Cismaan Raage, ayaa hambalyo u diray dhammaan ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan ardayda Koonfur Galbeed ee fasalka 8-aad, kaddib markii la shaaciyey natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad.

Guddoomiyuhu wuxuu hambalyo iyo bogaadin u diray ardayda ku guuleysatay imtixaanka, gaar ahaan ardayda deegaanka Shalambood, isagoo ku ammaanay dadaalkii, adkaysigii iyo juhdigii ay u soo mareen waxbarashadooda.

Sidoo kale, wuxuu u mahadceliyey waalidiinta, macallimiinta iyo dhammaan bahda waxbarashada, kuwaas oo garab istaag iyo dadaal muuqda ku bixiyey horumarka iyo guusha ardayda.

31/07/2026

"Xeer-ilaaliye Axmed Buulle: 'Dagaalkii Ka Dhacay Beeraha Garsiino Waa La Soo Afjaray, Mana Jirto Laba Beelood Oo Hadda Isku Horfadhiya.'"

24/07/2026

Isbitaalka Shalambood ayaa ka mid ah isbitaallada ugu horumarsan ee ku yaalla Gobolka Shabeellaha Hoose, isagoo bulshada deegaanka iyo nawaaxigeeda u fidiya adeegyo caafimaad oo muhiim ah. Isbitaalku wuxuu door weyn ka qaataa daryeelka caafimaadka bulshada, isagoo si joogto ah uga shaqeeya horumarinta adeegyada caafimaad iyo u adeegidda dadka deegaanka.

Guddoomiyaha Deegaanka Shalambood, Nuur Cismaan Raage, ayaa bogaadiyay maamulka Isbitaalka Shalambood, isagoo ku ammaanay dadaalka ay ugu jiraan horumarinta adeegyada caafimaadka iyo daryeelka bulshada deegaanka.

23/07/2026

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Guddoomiyey shirkii ugu horreeyey ee Golaha Wasiirrada cusub ee Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta adeegyada mudnaanta u leh bulshada iyo sidii loo xaqiijin lahaa in hay’adaha dowladdu si hufan oo wadajir ah ugu adeegaan shacabka.

19/07/2026

Shalambood waa deegaan taariikhi ah oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha Hoose, laguna xusuusto beeraha, ganacsiga iyo jacaylkii uu u hayay, Alle ha u naxariistee, Jaalle Maxamed Siyaad Barre.

19/07/2026

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo magaalada Baydhabo ka daahfurey mashruuca Bulsho.

14/07/2026

Dhalinyarada Shalambood oo tusaale u noqday hal-abuurka, kana faa'iideystay qumbaha dalka si ay u dhisaan warshad wax-soo-saar oo casri ah.

Photos from Maamulka Deegaanka Shalaambood's post 06/07/2026

Guddoomiyeyaasha Shalambood iyo Janaale ayaa siwadajir ah uga hadlay burburkii ka dhacay beeraha Doobis, iyagoo sheegay in sharciga lala tiigsan doono cid kasta oo ku lug leh falalkaasi.

05/07/2026

Guddoomiyaha Deegaanka Janaale Alcadaala ayaa sheegay in dadka ka dambeeyay falkii lagu burburiyay beeraha lala tiigsan doono sharciga, isla markaana lala xisaabtami doono.

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Mogadishu