Horyaal sports FM 98.2mhz

Horyaal sports FM 98.2mhz

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Horyaal sports FM 98.2mhz, Sports, Degmada Hodan, Mogadishu.

30/05/2020

HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO

MOHAMED AHMED MOHAMED QOOMAAL
Olo Maga Cabay

15/04/2020

Juventus Oo Shaacisay Natiijada Baaritaan Lagu Celiyay Labo Ka Mid Ah Xiddigaheeda Uu Ku Dhacay Caabuqa Coronavirus

Juventus ayaa ku dhawaaqday in Daniele Rugani iyo Blaise Matuidi inay labaduba ka soo kabsadeen caabuqa safmareenka ah ee Korona Fayrus.

Labada xiddig ayaa waxaa ku dhacay caabuqa halista ah bishii la soo dhaafay iyadoo Rugani uu noqday xiddigii ugu h**eeyay ee horyaalka Serie A ee uu haleelo xanuunkaan.

Maanta ayay Juventus xaqiijisay in labada xiddig ay si buuxda u soo kabsadeen iyagoo warbixin rasmi ah soo dhigay shabakadooda:

“Daniele Rugani iyo Blaise Matuidi ayaa sida sharciga yahay waxay mareen baaritaan labo jeer ah oo laga eegayo caabuqa Coronavirus-Covid 19.

“Jawaabta baaritaanka waxay noqotay inaysan qabin. Sidaasi darteed ciyaartoyda waa ay soo kabsadeen, waana ay ka baxeen karantiilkii ay ku joogeen guryahooda.”

Paulo Dybala oo isna ah xiddigii seddexaad ee uu ku dhacay caabuqa ayaa u muuqda mid soo kabsaday inkastoo Bianconeri aysan weli xaqiijinin.
Xiddigaha kooxda Juventus ayaa karantiil wada galay madaama seddex ka mid ah asxaabtooda laga helay caabuqa coronavirus, laakiin haatan seddexduba waxay u muuqdaan kuwa soo kabsasho sameeyay.

Dalka Talyaaniga ayaa ka mid ahaa dalalkii uu sida xun u saameeyay caabuqa iyadoo Talyaaniga uu weli ku jiro soo kabsasho.

15/04/2020

Jurgen Klopp Oo Taatikadii Uu Ku Soo Xerogeliyay Virgil van Dijk U Adeegsanaya Xiddiga Koowaad Ee Diirada U Saaran Liverpool Xagaagan

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa doonaya inuu si fool ka fool ah u la kulmo Timo Werner si uu uga dhaadhiciyo inuu u soo wareego Anfield.

Weerarayhanka ayaa waxaa doonaya dhowr kooxood xagaagan iyadoo Liverpool aysan dooneynin inay waqti badan ku dhumiso soo xerogelintiisa.

Kooxda ayaa ka dhigatay xiddiga Jarmalka bartilmaameedkooda koowaad, waxayna diyaar u yihiin inay bixiyaan lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa oo gaareysa ku dhawaad 50 milyan ginni.

Sida ay sheegtay jariirada weyn ee Jarmalka ka soo baxda ee Bild, Liverpool ayaa bilaabeysa inay sarre u qaado doonisteeda weeraryahanka kaasoo 21 gool ka dhaliyay horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkan.

Klopp ayaa doonaya inuu si fool ka fool ah u la kulmo Werner si uu uga dhaadhciiyo in Anfield ay tahay meesha ku haboon ee uu ku hourmarin karo waayihiisa ciyaareed.

Kulanka ayaase hakad la geliyay sababo la xiriira caabuqa coronavirus, waxaana macquul ah inay qaadato dhowr bilood ka hor inta aysan si waji ka waji ah isaga horimaanin.

18/03/2020

Hambalyo Hambalyo Hambalyo

18/03/2020

waxay aheyd guul daro xanun badan kulanka adka ee
liverpool vs chelsea
goosha ugu qurux badneyd M.salah
fadlan hada kucusub tahay page
like saar
share garee
comentigana fikirkada ino gu reed
iyo wixii dhiragalin ah Mahad sanid

18/03/2020

Miyaad Waligaa Aragtay Champions League Oo Sabti Iyo Axad La Ciyaarayo? – Hadda Isku Diyaari

Xanuunka Coronavirus ee dunida dhibaatada ku haya, waxa uu isbeddel ku keenay jadwaladdii caadiga ahaa ee ciyaaraha, waxaanu sababay in dib loo dhigo tartamada qaramada qaaradaha Yurub iyo Latin America ee Euro 2020 iyo Copa America 2020, sidoo kalena waxa halis ku jira ciyaaraha olambikada oo badhtamaha sannadkan qorshaysan in lagu qabto Japan.

Ciyaaraha horyaallada ayaa muddo bil ah taagan, waxaana jira kooxo badan oo soo sheegaya ciyaartooygeeda oo uu ku dhacay Coronavirus, gaar ahaan waddamada Spain iyo Talyaaniga.
Shir ay shalay isugu yimaaddeen xubnaha UEFA ayaa waxa lagu go’aamiyey in dhamaan horyaalladu ay dhamaadaan inta ka horreysa June 30 ee sannadkan, sidoo kalena ciyaaraha finalka Champions League iyo Europa League ayaa loo qoondeeyey inay noqdaan isla June.

Maadaama badhtamaha sannadka dambe ee 2021 la qaban doono Euro 2021 iyo Copa America 2021, waxa horyaallada xili ciyaareedka dambe ay tahay inay si degdeg ah u bilaabmaan si ay waqti h**e u dhamaadaan, sidaas oo kalena waxay tahay in fasal ciyaareedkan socda laagu dhamaystiro xilliga loo qorsheeyey, hase yeeshee, haddii xanuunka Coronavirus uu sii jiro, maxaa la yeeli doonaa?

Kulamada Champions League ayaa la sheegay in la ciyaari doono laba maalmood oo Sabti iyo Axad, sidoo kalena laga yaabo in Salaasada iyo Arbacada lagu daro, si waqti h**e ay u War-saxaafadeed ay shalay soo saartay UEFA, ayaa waxa lagu sheegay in ay suurtogal tahay in ciyaaraha Champions League iyo Europa League la ciyaaro maalmaha Sabtida iyo Axadda ee ay gaaladu u taqaano ‘dhamaadka usbuuca’, halka tartamada maxalliga ahna loo rari doono badhtamaha usbuuca.

“Xaidaadaha suurrtogalka ah, ama in wax alga dhimo jadwalka hadda, waxay sababi karayaan in tartamada xilliyda la ciyaarayo kulamada maxalliga ah loo raro badhtamaha usbuuca iyo tartamada UEFA oo ciyaarahooda la geeyo dhamaadka usbuuca (Sabti iyo Axad” ayay tidhi UEFA.

18/03/2020

Xidhiidhka FA Oo Soo Saaray War Cusub Oo Mugdi Gelinaya Horyaalka Premier League

Hadal kasoo yeedhay Agaasimaha fulinta Xidhiidhka kubadda Cagta Ingiriiska, Mark Bullingham ayaa warar cusub ku abuuray kubadda cagta dalkaas, gaar ahaan horyaalka Premier League oo dhamaadkiisa ay inta badan kooxaha uga hadhsan yihiin 9 kulan iyo shan kooxood oo min 10 ciyaarood u dhiman yihiin.

Horyaalka Premier League iyo Championship-ka ayaa dib u bilaabmi doona April 4, laakiin xanuunka Coronavirus oo wali sii faafaya ayaa mugdi gelinaya haddii ay suurtogal noqonayso in ciyaaruhu qabsoomaan.
Agaasimaha fulinta Xidhiidhka kubadda Cagta Ingiriiska, Mark Bullingham oo ka hadlay haddii horyaalka Premier League iyo EFL dib loo bilaabi doono ayaa waxa uu sheegay in isaguba aanu garanayn haddii ay taasi dhici karto amaba horyaalka xili ciyaareedkan la dhamaystiri karayo, laakiin ay tahay inta ka horreysa bisha June in go’aan laga gaadho qaabka lagu dhamaynayo.

“Waxa jira xaalado badan oo kala duwan oo aanaan midkoodna meesha ka saaraynin.” Ayuu yidhi Agaasimaha fulinta Xidhiidhka kubadda Cagta Ingiriiska, Mark Bullingham, waxaanu tilmaamay in aanay cidina ogeyn waxa dhici doona, waxaanu yidhi: “Qofna ma oga waxa dhici doona, fakaagna waxaanu u haysanaa in xagaaga la dhamaystiro, taas oo ah ahmiyadda qof walba.”

17/03/2020

Tababarihii Ugu Horreeyey Brazil Oo Laga Helay Coronavirus Iyo Koox Weyn Oo Dhamaanteed Go’doon La Geliyey

Xanuunka halista ah ee CVID-19 ayaa gaadhay waddanka Brazil, waxaana u jiifa oo laga helay tababaraha kooxda kubadda cagta Flamengto, Jorge Jesus, kaas oo uu xanuunkiisu soo baxay maalmo kaddib markii la ogaaday in Madaxweyne ku-xigeenka kooxdaas ee Mauricio Gomes de Mattos uu hayo Coronavirus.

Jorge Jesus oo Flamengto u qaaday Campeonato Brasileiro Serie A iyo Copa Libertadores xili ciyaareedkiisii u horreeyey, kaddib markii uu kaga soo biiray naadiga Al-Hilal, ayaa baadhitaano lagu sameeyey lagu ogaaday in COVID-19 laga helay, laakiin kooxdiisa ayaa waxay tilmaantay inay mar kale ku celin doonto baadhitaan.

Dhamaan ciyaartoyga kooxda Flamengo ayaa karantiil la geliyey, sidoo kalena shaqaalaha tababarka iyo maamulka sare ayaa ku jira dadka sida gaarka ah daryeelka caafimaad loogu fidinayo maadaama ay si dhow ugu xidhnaayeen Gomes de Mattos.

Weeraryahanka kooxaha reer Yurub eryanayaan ee Gabigol oo dhaliyey goolkii guusha u horseeday Flamengo ciyaartii finalka Copa Libertadores ay kaga qaadday River Plate ayaa ku jira ciyaaryahannada karantiilka ku jira, laakiin qoraal uu soo saaray ayuu tababaraha reer Portugal ugu rajeeyey caafimaad degdeg ah.

17/03/2020

Miyuu Zlatan Ibrahimovic Xaqiiq Ahaan Neceb Yahay Cristiano Ronaldo? – Warbixin Xiiso Leh Oo Laga Qoray

Zlatan Ibrahimovic si ixtiraam leh ayuu uga hadli jiray kabtanka reer Portugal Cristiano Ronaldo laakiin isbedel ayaa ku dhacay qaabkii uu uga hadli jiray xiddiga ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or muddo shan jeer ah.

Miyuu Zlatan Ibrahimovic xaqiiq ahaan neceb yahay Cristiano Ronaldo?

Waxaa jira hal Ronaldo waana midka reer Brazil. Cristiano tayadiisa ma ahan mid dabiici ah, waxay ku timid shaqo badan.” ayuu Ibrahimovic u sheegay majalada GQ sannadkii 2019.

Ibrahimovic ayaa si weyn u jeclaa halyeeyga reer Brazil Ronaldo markii uu da’ yaraa, laakiin taasi marmarsiiyo uma noqoneyso in ixtiraamdarro loo muujiyo halyeeyga waqtigaan casriga ah Cristiano Ronaldo.

Tiro dhowr jeer ah ayuu Ibrahimovic liiday xiddiga reer Portugal Ronaldo.

Markii Cristiano Ronaldo uu ka tagay Real Madrid oo uu ku biiray kooxda Talyaaniga ee Juventus, wuxuu iclaamiyay inay u tahay tartan cusub oo waayihiisa ciyaareed ah.

Laakiin Zlatan Ibrahimovic ayaa hadalkaas ku weeraray Ronaldo isagoo sheegay in hadalkii uu yahay mid qashin ah.

“In lagu biiro Juventus lama micno ahan tartan cusub, in lagu biiro mid ka mid ah kooxaha ugu fiican dunida ma ahan tartan cusub. Aniga waxaan tartan cusub u garanayaa inaad ku biirto koox liidata oo aad meel sarre geyso.” ayuu Ibrahimovic ka yiri Ronaldo isagoo la hadlayay Dazn.

Zlatan Ibrahimovic ayaa sheegay in tartan cusub uu u yaqaano in lagu biiro koox hoos u dhaceysa sida uu isagu sameeyay markii uu ku biiray AC Milan bishii Janaayo isagoo saameyn weyn ku yeeshay kooxda.

Zlatan iyo Ronaldo waligood islama ciyaarin, sidoo kalena hadal kulul ama dagaal kuma dhexmarin garoonka dhexdiisa.

Ma laga yabaa in Ibrahimovic uu ka maseyrsan yahay Ronaldo madaama xulkiisa Sweden ay ku hareen gacmaha Porgtugal isreebreebkii Koobka Adduunka ee 2014.

Ciyaartaas ka dib ayuu Zlatan Ibrahimovic ku hadlay oraah caan noqotay isagoo yiri: “Koob Adduun oo aan aniga ka maqanahay ma istaahilo in la daawado”

Ibrahimovic waxaa lagu yaaqanaa inuu si xun uga hadlo ciyaartoyda kale mana ahan xiddig la ganbada fekerkiisa, isagoo sheegay in sababta uu xiddigaha kale u weeraro inay tahay inuu isku dhiirogeliyo.

Markii uu joogay horyaalka Mareykanka waxa uu si joogta ah u dhaleeceynayay xiddiga ku guuleystay abaalmarinta laacibka ugu fiican horyaalka Mareykanka ee Carlos Vela.

Waa ay u shaqeysay madaama uu Ibrahimovic qaab ciyaareedkiisa fiican dib u helay islamarkaana uu guulo ku hogaamiyay LA Galaxy.

17/03/2020

Tababare U Geeriyooday Caabuqa Dilaaga Ah Ee Coronavirus & Spain Oo Looga Murugoonayo

Tababare kubada cagta ah oo u dhashay dalka Spain oo lagu magacaabo Francis Garcia ayaa u geeriyooday caabuqa Coronavirus isagoo da’diisa ay aheyd kaliya 21 sanno jir.

Ninkaan da’da yar ayaa la shaqeynayay kooxda Malaga ka dhisan ee Atletico Portada Alta tan iyo 2016kii isagoo ahaa tababaraha kooxdooda da’da yar.

Ku dhawaad 300 qof ayaa u dhimatay caabuqa Coronavirus dalka Spain.

Garcia ayaa ahaa dhibanihii shanaad ee xanuunkaan ee gobolka Malaha laakiin waa qofkii ugu da’da yaraa ee u dhinta cudurka halka dadka kale ee geeriyooday ay da’ooda u dhaxeysay 70 ilaa 80 sanno jir.

Si kastaba, tababaraha Isbaanishka oo cusbitaalka la geeyay markii uu haleelay Coronavirus ayaa sidoo kale waxaa laga helay kansar.

Madaama uu qabay cudurka kansar waxay saameyn ku yeelatay awoodii uu kula dagaalami lahaa caabuqa. Dadka qaba xanuunada waa weyn ayuu halis weyn ku yahay Coronavirus.

Advertisements


Waxaa loo maleynayaa in Garcia uu yahay shaqsigii ugu da’da yaraa ee u dhinta Coronavirus, inkasyoo canug yar oo dhawaan la dhalay uu haleelay Coronavirus isbuucii la soo dhaafay dalka UK.

Kubada cagta Spain oo ay ku jirto La Liga ayaa hakad la geliyay si loo ilaaliyo fayowqabka ciyaartoyda, shaqaalaha kooxaha iyo taageerayaasha islamarkaana loo yareeyo faafida caabuqa dilaaga ah.

17/03/2020

UEFA Oo Magdhow Weydiisan Doonta Kooxaha Iyo Xidhiidhada Dalalka Yurub Haddii Uu Dib U Dhaco Tartanka Euro 2020

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa magdhow ka dalbadan doona kooxaha Yurub ee ka qayb-gala tartamada Champions League iyo Europa League League, haddii uu dib u dhac ku yimaaddo xilligii loo qorsheeyey oo ahaa bisha June.

Horyaallada dunida intooda badan oo ay ku jiraan Champions League iyo Europa League ayaa hakad la geliyey markii uu soo baxay xanuunka Coronavirus oo si ba’an u faafaya, waxaanay hadda xaniban yihiin muddo bil ah iyadoo la filayo in bisha April horraanteeda lagu soo laabto garoomada.
Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa maanta shir ku yeelanaya magaalada Nyon ee waddanka Switzerland, waxaanay ku gorfaynayaan go’aamo xaasaasi ah oo ay kasoo saari doonaan sida laga yeelayo tartanka Euro 2020 ee bisha June ku muddaysan iyo tartamada kale ee Champions League iyo Europa Legue oo hakad galay.

Go’aamada laga soo saaro, waxa la filayaa inay noqdaan kuwo dib u riixa waqtiga EURO 2020 maadaama ay suurtogal tahay in xili ciyaareedkani ka dheeraado waqtigiisii caadiga ahaa ee uu ku dhamaan jiray

Advertisements


Sida uu ku warramay David Ornstein oo ka tirsan warbaahinta The Athletic, xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA waxay ka dalban doontaa kooxaha iyo xidhiidhada £275 milyan oo magdhow ah, laakiin waa haddii la isku raaco in muddo 12 bilood ah Euro 2020 dib loo dhigo.

Wariyuhu ma sheegin masuul uu kasoo xigtay arrintan iyo sida ay ku hirgeli karayso, laakiin waxa la sugi doonaa waxa kasoo baxa shirka UEFA ee maanta.

17/03/2020

Goolasha Cristiano Ronaldo, Rikoodhka Guul-darro La’aanta Lazio, Saamaynta Ibrahimovic Iyo Xogta Cajiibka Ah Ee Laga Diiwaangeliyey Serie A Xili Ciyaareedkan

Horyaalka kubadda cagta waddanka Talyaaniga ee Serie A ayaa dib u furmi doona sida uu qorshuhu yahay April 3, kaddib muddo bil ah oo loo joojiyey xanuunka Coronavirus ee dalkaas iyo waddamo kale oo badan ba aafeeyey.

Waddanka China oo uu Coronavirus kasoo bilaabmay, waxay hadda u muuqdaan inay xakamaeeyeen, laakiin Isniintii, waxa waddanka Talyaaniga dadka uu ku dhacay ay marayeen 24,747 qof oo 1,809 qof oo ka mid ah ay u geeiyoodeen.
Ka hor intii aanu xanuunkani carqaladaynin horyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie A, waxa xorriyad dhinaca gool-dhalinta ah haysatay Atalanta oo wacdaro layaab leh dhigaysay, laakiin Lazio oo rikoodh guul-darro la’aan ah oo layaab leh samaynaysa ayaa horyaalka kula hirdamaysa Juventus iyo Inter Milan oo dagaalka ugu adag dhex-marayo, laakiin naadiga uu hoggaaminayo Simone Inzaghi waxay culays badan ku hayaan labada naadiba oo ay xattaa usbuucyadii ugu dambeeyey mar kala wareegeen hoggaanka.

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Degmada Hodan
Mogadishu