22/11/2025
Maanta tababarka Naadiga Kubadda Kolayga Heegan waxaa soo booqday Maamulka Naadiga Heegan, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Naadiga, Mudane Cabduqaadir Muxudiin Dacar.
Guddoomiyuhu wuxuu ciyaartoyda ku dhiirrigeliyay shaqada adag ee ay wadaan, isaga oo ku boorriyay inay dadaalkooda sii wadaan oo ka dhigaan mid miro-dhal ah.
Dhanka kale, ciyaartoyda kubadda kolayga ee Naadiga Heegan ayaa si xoog leh ugu diyaar garoobaya Horyaalka Kubadda Kolayga ee dhawaan furmi doona.
15/02/2025
Wiilasha Kubada Kolayga Naadiga Heegan oo ku guulestey Horyaalka Kubada Kolayga Somalia 2024/2025
10/01/2025
Wiilasha Kubada Kolayga Naadiga Heegan ayaa 60- 39 uga badiyay Dhigooda Wiilasha Kubada Kolayga Naadiga Horseed kulan ka dhacay garoonka Wiish galabta.
Ciyartaan ayaa ehed kulanka ugu dambeeyo wareega kowaad ee Horyaalka kubada Kolayga Wiilasha waxaa Hogaaanka Horyaalka haayo Wiilasha Kubada Kolayga Heegan.
27/12/2024
Cabdulaahi Axmed Xasan oo ah halyeyga Kubada Kolayga Naadiga Heegan ka soo dalka dib ugu soo laabtey ayaa maanta soo dhaweyn loogu sameyey Xarunta Dhaxe ee Naadiga Heegan.
Laacibka ayaa Qalab Sports gudoon siiyey Naadiga Cabdulaabi Axmed Xasan aya ka mida xidigihi h**e Naadiga Heegan wuxuna dhoorki sano ee ugu dambeyey maqnaay Qurbaha
25/12/2024
Wiilasha Kubada Kolayga Naadiga Heeganoo galabta guul muhiim ah ka gaarey Horyaalka Kubada Kolayga Somalia Kooxda Gift Stars Heegan aya ku adkaatey 70-59 Dhibic.
25/12/2024
Kualnkeena Maanta Horyaalka Kubada Kolayga Somalia waxaan la ciyareyna dhigeena Kooxda Gift Stars insh allah guul
25/12/2024
𝐓𝐀𝐂𝐒𝐈
( إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ)
Maamulka, Macalimiinta, Ciyaaryahanadda & Tageerayaasha Naadigga Heegan waxay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Ehelki & Qaraabadii uu ka baxay halyeey Sports
Marxuum Cabduqadir Ibrahim Gacal ( Abkow ) oo ahaay aahaba kubada Kolayga Somalia Xilal badanne ka soo qabtey Sportska Dalka asigo soo noqdey Gudoomiyihii H**e Ee Gudiga OLYMPIC-kada Somaliyed ee GOS, kasoo shaley ku geeriyoode Magaalada Muqdisho.
Waxaan leenahay Janatul Fardowsa Alle ha ka waraabiyo marxuumka, qoyska iyo eheladii uu ka baxayna samir iyo iimaan Alle haka siiyo.
22/12/2024
Gabdhaha Heegan ayaa 59-13 uga adkaaday Dhigooda Somali Fruit oo ay garoonka Wiish ku qaateen kulanki koowaad ee Horyaalka Gabdhaha Kubadda Kolayga 2024-2025.
22/12/2024
Waxaan maanta garoonka Wiish ka furmaya Horyaalka Kubadda Kolayga Gabdhaha 2024-2025, waxaana kulanka furitaanka ku loolami doona Gabdhaha Heegan oo horyaalka daafacanaya iyo Gabdhaha Somali Fruit.
17/12/2024
Wiilasha Kubada Kolayga Naadiga Heegan oo guul ku furtey kulankoda ugu h**eyey Horyaalka Kubada Kolayga Somalia wiilasha Heegan aya kaga adkaadey dhigooda Plasma 77-50 Dhibcood
16/12/2024
Rasmi Naadiga Ciidanka Booliska Somaliyeed ee Heegan waxa ku soo biirey laacibka lagu magacaabo Abukar Ismaciil Cabdulaahi (Og)
Waxaan leenahay Abukar ku soo dhawaaw Heegan Family💙👏
15/11/2024
Sawiro kulankii maanta Finalaha Koobka Janaral Daa,uud.