13/06/2026
Taariikh cusub ayay qoreen gabdhaha Xulka Qaranka Soomaaliya U-17, kuwaas oo markii ugu horreysay abid iyo taariikhda Soomaaliya ka qayb galay tartan caalami ah — CECAFA U-17 Women’s Championship 2026.
Kulankoodii ugu horreeyay abid somalia waxay la ciyaareen xulka Tanzania Inkastoo natiijadu ahayd 4-0, haddana kubadda cagta mar walba natiijo kaliya laguma qiimeeyo Waxa ka muhiimsanaa geesinimada, dadaalka, iyo waxqabadkii ay gabdhaha Soomaaliyeed soo bandhigeen taas oo dad badan soo jiidatay kuna abuurtay rajo weyn mustaqbalka kubadda cagta haweenka Soomaaliyeed.
Xaqiiqdu waxay tahay in xulkan lagu diyaariyay muddo kooban iyadoo aan horay loo aaminsanayn in gabdho Soomaaliyeed ay maalin u istaagi karaan garoon caalami ah si xirfadeysan (professional) ugu ciyaari karaan isla markaana ay soo jiidan karaan indhaha taageerayaasha kubadda cagta.
Guushan taariikhiga ah waxaa laf-dhabar u ahaa go’aanka geesinimada leh ee ay qaateen Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) iyo Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Cabdulqaadir, kuwaas oo rumaystay in aysan macquul ahayn in Soomaaliya weligeed ka maqnaato kubadda cagta haweenka.
Mahadnaq iyo ammaan gaar ah waxay mudan yihiin madaxda horseeday aragtidan cusub kuwaas oo albaab cusub u furay gabdhaha Soomaaliyeed si ay u muujiyaan hibadooda uguna matalaan dalkooda sharaf iyo karti.
Sidoo kale, hambalyo iyo bogaadin weyn ayey mudan yihiin gabdhaha xulka qaranka U-17 Inkastoo ay ahayd markii ugu horreysay haddana waxay muujiyeen qalbi adag, dadaal, iyo ciyaar dhiirrigelin leh oo muujisay in mustaqbal ifaya uu sugayo kubadda cagta haweenka Soomaaliya
Tani waa bilow oo keliya — taariikh ayaana la qoray. 🇸🇴
✍️📸Naani Kaambo Production
13/06/2026
13/06/2026
13/06/2026
13/06/2026
12/06/2026
11/06/2026