Xoghayaha Guud Ee K/Cagta Gobolka Banadir

Xoghayaha Guud Ee K/Cagta Gobolka Banadir

Share

Kusoo Dhawaaw Page-xoghaayaha kubada cagta gobalka banadir

08/05/2025

War u farxad ah dhammaan Akadeemiyooyinka ka dhisan Degmooyinka Gobolka Banaadir, Ururka Kubadda Cagtada Gobolka Banaadir dhawaan waxa uu qabanayaa Tartanka Kubada Cagta Akadeemiyooyinka ka dhisan Degmooyinka Gobolka Banaadir,
Haddaba Isdiiwaan gelinta Waxa ay ka socotaa Xafiiska Ururka Kubada Cagta Gobolka Banaadir oo ku yaala Degmada Xamarweyne gaar ahaa Xarunta Agaasinka.
la Xirirri waxaa faafahin intaas dheer.
0616-14-24-04/0615-14-24-13.

29/04/2025

Xoghayaha Ururka Kubadda Cagta Gobolka Banadir Mudane Abduwali Mohamud Mohamed (Shibaneh Yare) ayaa Shaley galab ka qeybgalay Xafladda sanad guuradii 3aad Ee Banaadir Academy oo lagu qabtay howlka Himilo.

Photos from Xoghayaha Guud Ee K/Cagta Gobolka Banadir's post 29/04/2025

Sawiro: Xoghayaha Ururka Kubadda Cagta Gobolka Banadir Mudane Abduwali Mohamud Mohamed (Shibaneh Yare) ayaa Shaley galab ka qeybgalay Xafladda sanad guuradii 3aad Ee Banaadir Academy oo lagu qabtay howlka Himilo.

Banadir Academy Ee ka mid ah Akadeemiyaha kuwooda ugu fir fircoon Ee Ka dhisan Degmada wadajir Waxaana Hogaamiya Oo Gudoomiye u ah Caamir oo ah Gudoomiye Howlkar ah oo karti badan Waxaan ku dhiiragelinayaa Gudoomiyaha, Macalinka iyo Ciyaartooyda mustaqbal leh Ee Academiyada Banadir Academy in ay Dadaalka ay Wadaan ay laba jibaaraan.

Wax kasta oo aad Ku riyooto ma helaysid kaliya Waxaad helaysaa waxii aad shaqaysato๐Ÿƒ๐Ÿ’ฏ

Da'yartaan Mustaqbalka leh waqti in la siiyo la garab istaago lana dhiirigeliyo Waa nagu waajib Waxaan ku amaanaynaa Macalimiinta BANADIR ACADEMY ugu horeeyo Maclimuu Caamir iyo Macalimiinta Kale inay soo saarayaan Jiil Da'yar Mustaqbal leh.

Ciyaaruhu waa is dhexgalka Sido Kale Waa Dhiirigelinta Dhalinyaradda.

Guul, Gobonimo, iyo Gacmo wadajir ah.

Mahadsanidiin.

22/03/2025

Isdiiwangelinta Akadeemiyaasha Ka dhisan Gobolka Banadir oo si habsani leh uga socoto Xarunta Ururka Kubadda Cagta Gobolka Banaadir

Nagala soo xiriira WhatsApp:
+252 618319770
+252 616142404

23/02/2025

ุงู„ุณู„ุงู… ุนู„ูŠูƒู… ูˆุฑุญู…ุฉ ุงู„ู„ู‡ ูˆุจุฑูƒุงุชู‡

Salaan kadib.

Waxaa dhammaan bahda ciyaaraha gobolka Banaadir lagu war-gelinayaa gaar ahaan maamulka, macalimiinta iyo ciyaartooyda Akadeemiyooyinka kubada cagta in dhawaan la diiwaan gelin doono dhammaan akadeemiyayaasha Gobolka Banaadir.

Waxay ahayd shaqo ay muddo ka soo shaqaynaayeen ururka kubada cagta gobolka Banaadir diiwaan gelinta akadeemiyooyinka kubada cagta ee gobolka Banaadir waana xaq iyo xuquuq ay lee yihiin inay helaan akadeemiyooyinka kubada cagta gobolka Banaadir.

Mahadsanidiin.

DHAMAAD.

C/wali Maxamuud Maxamed
Xog-hayaha Guud ee Ururka Kubada Cagta Gobolka Banaadir

27/01/2025

Dhawaan Waxaa qabsoomi doono tartanka kubada cagta waaxaha gobalka banaadir I.a

18/10/2024

๐†๐ฎ๐›๐š๐๐ฅ๐ž๐ฒ ๐Ÿ†š ๐Š๐š๐š๐ซ๐š๐š๐ง

Saadaashaada degmadee ayaa ku guuleysan karta tartanka degmooyinka?

17/10/2024

Allah u naxariisto Hooyo Khadra Axmed Geele oo ku geeriyooday dalka Hindiya.

Waxa aan si gaar ah ugu tacsiyaynayaa guud ahaan ubadkeeda oo wiilal iyo hablo leh, si gaar ah Ciyaaryahanka Kooxda Horseed iyo Xulka Qaranka Soomaaliya Farxaan Xiddig.

Rabbi naxariistiisa jannaad haku waraabiyio marxuumada qoyska iyo eheladii ay ka baxdayna sabar iyo iimaan Alle ha ka siiyoyo. AAMIIM.

Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun.

13/10/2024

TARTANKA DAGMOOYINKA ๐Ÿ‘‹๐Ÿฝ FINAL

โœ… Gubadley vs Kaaraan
โœ… North Mogadishu Derby
โœ… Stadium Eng. Yariisow ๐ŸŸ๏ธ
โœ… Jimco, 18th October, 2024

Tartankii Dagmooyinka Gobolka Banaadir iyo dag. Balcad ayaa soo gaaray k**a dambeys (Final) waxaana isugu soo haray dagmooyinka dariska ah ee Gubadley & Kaaraan.

Gubadley waa difaacdayaal, tartankaan waxey ku guuleysteen iyadoo aan Dagmo loo aqoonsaneen, markaan waxey rabaan iney hantaan iyagoo Dagmo ah.

Kaaraan & macalinkooda xamaasiga ah Xamaam waxey rabaan iney dib ugu soo laabtaan saqafka kubadda cagta, koobkana hantaan.

Jimcaha ayaa la ciyaari doonaa kulankaan xiisaha leh, waxaana la filayaa inuu noqdo kulan weyn oo muujin doona awoodda ay bahda ciyaaruhu ku leeyahiin Gobolka.

Labadaan kooxood - waxey isku arkaan Group A, balse wey kala adkaan waayeen, kulanka jimcahase ma jiri doonto barbardhac - koobka waa lakala qaadi doonaa.

Degmadee ayaa koobka hanan karto?

Gubadley mise Kaaraan? ๐Ÿ‘‡๐Ÿฝ

11/10/2024

FT: ๐Š๐š๐š๐ซ๐š๐š๐ง 3-1 ๐ƒ๐ก๐š๐ซ๐ค๐ž๐ฒ๐ง๐ฅ๐ž๐ฒ.

11/10/2024

๐Š๐š๐š๐ซ๐š๐š๐ง ๐Ÿ†š ๐ƒ๐ก๐š๐ซ๐ค๐ž๐ฒ๐ง๐ฅ๐ž๐ฒ

Saadaashaada degmadee ayaa u gudbi karta k**a dambeysta tartanka degmooyinka GobolkaBanaadir iyo Degmada Balcad?

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Dagmada Wada Jir
Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 08:00 - 17:00
Thursday 08:00 - 17:00
Saturday 08:00 - 17:00
Sunday 08:00 - 17:00