05/04/2026
Gacmo dahab
🚨Ninkii Mauritius jeebka gishtay ayaa loo doortay xidigii ugu Fiicnaa garoonka!
Hampalyo Hampalyo Siciid Aleeley! 💪
Mauritius vs Somalia ✅ Man Of The Match
MCC vs Elman ✅ Man Of The Match
31/03/2026
Waxaan hambalyo diirran u dirayaa Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed oo guul weyn oo taariikhi ah ka soo hooyay tartanka isreeb-reebka AFCON 2027 kaddib markii ay si xirfad sare leh uga guuleysteen dhiggooda Xulka Mauritius, iyada oo markii ugu horreysay gaareen heerkan oo kale.
Tani waa guul taariikhi ah oo ay si wadajir ah u gaareen Ciyaartoyda qaranka, macallimiinta iyo dhammaan bahda kubadda cagta Qaranka, waxa ay muujiyeen dadaal joogto ah, adkaysi iyo waddaniyad sare oo horseeday guushan qiimaha leh.
Dadaalka iyo halganka qiimaha badan waxay muujinaysaa awoodda, hal-abuurka iyo rajada soo kabashada ee dhalinyarada Soomaaliyeed, iyada oo sidoo kale kor u qaadaysa horumarka ciyaaraha dalka isla markaana xoojinaysa isku duubnida iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed.
31/03/2026
Macalin Yusuf Ali Nuur taarikhda aya xusi doonto, guusha uu maanta nagu hogaamiyay iyo dareenka farxada leh ee caawa bahda kubada cagta dareemeyso wuxu geliyay juhdi iyo waqti badan.
Mahadsanid Macalimo, abaalkaga lama gudi karo.
Guuleyso
31/03/2026
Madaxweynaha jamhuriyadda 🇸🇴🇸🇴🙏🏽
HAMBALYO XULKA KUBADDA CAGTA QARANKA SOOMAALIYEED
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed oo guul taariikhi ah ka gaaray isreeb-reebka tartanka AFCON 2027, kaddib markii ay adkaadeen dhiggooda Xulka dalka Mauritius, isla markaana ay taariikhda markii ugu horreysay u soo gudbeen isreeb-reebka heerka guruubyada ee tartanka.
Ciyaartoydeenna halyeeyada ah, macallimiinta qaaliga ah iyo dhammaan bahda kubadda cagta Soomaaliyeed, waxa ay muujiyeen dadaal, geesinimo iyo waddaniyad sare oo farxad gelisay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Guushani, waxa ay caddeyn u tahay kartida iyo hibada dhalinyarada Soomaaliyeed, waana tallaabo dhiirrigelin u ah horumarka ciyaaraha dalka iyo mideynta bulshada Soomaaliyeed.
Hambalyo halyeeyada aan ku faanoow.
31/03/2026
Hambalyo bahda kubada cagta xulkeena wu badiyay
31/03/2026
Rigoore-yaal aya la aaday.
Ilahoow markan 🇸🇴