Soomaali Yare Official

Soomaali Yare Official

Share

Fadlan Like saaro Page-kaan waxaad ka heli doontaa Warar ku xiisa geliya oo ku saabsan Sports-ka & Caalamka

05/01/2021

Waxaa la xaqiijiyey: William Saliba' riyadiisii ​​Arsenal waa dhamaatay, iyadoo daafaca uu amaah ugu biiray Nice inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Soomaali Yare Official ✅

30/12/2020

Saadaali Kulanka adag ee Final-ka Tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020 ee u dhaxeeya Gobolada kala ah Galmudug 🆚 Banaadir.

👉 ugu kala Codeey ( Love ❤ iyo Wow 😮 )
● BANAADIR ( ❤)
● GALMUDUG ( 😮 )

🗣 Saadaalintiina waa inoo muhiim Saaxiibayaal Mahadsanidiin 💯🙏

1. Like saar page-ka 👍
2. Share-garee post-gaan

~ Soomaali Yare ✍

05/12/2020

Noloshani buuq iyo is qabqabsi toona ma'ahan, Ee waa is iyo is . 🥰🥰🥰🥰😁

Noloshani waa mid ka fog midey Admigu badankooda aminsan yihiin.🙄☝️☝️☝️

Ogowse Ruux walbo ma'ahan sida oo kale oo hadad sida doonto wax u sameysid ay tahay mid kugu rabta.🤷‍♂️
🙏

29/11/2020

Duhur wanaagsan Asxaabta

Like saar 👍

~ Somali Yare ✍

17/11/2020

Luka Modrić: "Cristiano? Waan arkay waana yara sheekaysanay, waan ku faraxsanahay inaan is aragnay waqti dheer kadib, waxaan wada leenahay xusuus aad u wanaagsan mar walbana way wanaagsan tahay inaan arko isaga."

“Cristiano iyo aniga waxaan dib u xasuusannay waxyaabo ka yimid Real Madrid waxaana ka wada hadalnay wax xoogaa xaalada haatan jirta ah, iyo wax walba guud ahaan,

👉 hal sheeko oo dhex martay labo Ciyaariyahan oo ay isku koox ahaayeen, hadane ahaayeen labo saaxiibo aad isugu dhow.

15/11/2020

Ciyaaryahanka reer Norway Omar Elabdellaoui ayaa laga helay COVID-19 haatana maamulka caafimaadka ee Norway ayaa ka codsanaya inta kale ee kooxda inay 10 maalmood ku qaataan karantiil oo uu ku jiro Martin Ødegaard. [ESPN]

Soomaali Yare Official ✍

15/11/2020

🎯 Real Madrid Oo Barcelona Ku Xidhiidhinaysa Xiddig Ay Ronald Koeman Kaga dhagantahay...

⏩ Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixa daafaca dhexe ee Manchester City Eric Garcia.

⏩ 19 jirkaan ayaa si xoogan loola xiriirinayay inuu ku laabanayo Barcelona xagaagii, laakiin kooxda reer Catalan ayaan wax heshiis ah la gaarin Citizens.

⏩ Garcia ayaa ka dhawaajiyay inuusan dooneynin inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda Man City taas oo la macno ah in uu si xor ah uga tagi karo kooxda Man City xagaaga dambe.

⏩ Kooxda Barcelona ayaa la filayaa in ay mar kale ku laabato xiddiga marka la gaadho suuqa Jnauary sida uu sheegay wargayska Sport.

⏩ Laakiin Real Madrid ayaa haatan kula biirtay tartanka loogu jiro xiddiga reer Spain.

⏩ Wararka ayaa sheegaya in uu Zidane xiddiga Garcia u arko badalka mustaqbalka fog ee Sergio Ramos kaas oo ku jira sanadihiisii ugu dambeeyay ee xirfadiisa ciyaareed.

14/11/2020

Real Madrid ayaa diyaar u ah inay u soo bandhigto Luka Modrić hal sano oo qandaraas ah, xiddiga reer Croatia ayaana diyaar u ah inuu aqbalo. [COPE]

14/11/2020

🤩 Hakim Ziyech ayaa 3️⃣0️⃣ Daqiiqo kusameeyay 🔵🔵

➡️ 2 GOAL
➡️ 1 Caawin

14/11/2020

Real Madrid ayaan cusbooneysiin doonin qandaraaska uu haatan kula joogo Lucas Vazquez, kaasoo dhacaya 2021, waxayna awoodi doontaa inay kooxaha kale kala hadasho kala iibsiga laga bilaabo sanadka soo socda. (Xigasho: Cope)

09/11/2020

Federico Valverde ayaa garoomada ka maqnaan doona muddo bil ah sababo la xiriira dhaawac soo gaaray intii uu socday kulankii Valencia 🤔

~ Soomaali Yare ✍

04/11/2020

💫 Muxuu ka yiri Sergio Ramos goolkiisii 100-aad ee kooxda Real Madrid ??

⏩ (Madrid) 04 Nof 2020. Kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa gaaray goolkiisii 100-aad ee Los Blancos, intii uu ku jiray xirfadiisa cajiibka ah ee kooxda.

⏩ Goolka 100-aad ee Ramos ayaa yimid kaddib markii uu ku guuleystay inuu gool dhaliyo kulankii ay kooxdiisa 3-2 kaga badisay Inter Milan, kaasoo ka tirsanaa kulamada saddexaad ee wareega group-yada Champions League.

⏩Sergio Ramos ayaa kaddib ciyaarta wuxuu la hadlay warbaahinta waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

⏩ "Boqolka gool ma xuma, Waxaan rajeynayaa inaan sii wadan karo gooldhalinta”.

⏩ intaas kaddib Sergio Ramos ayaa wuxuu ka hadlay guushii ay ka gaareen kooxda Inter Milan, wuxuuna yiri:

⏩ "Wuxuu ahaa kulan aad u adag, waxay heystaan koox aad u adag oo leh falsafad gaar ah”.

⏩ "Ugu dambeyntii waxaan helnay natiijo fiican iyo seddex dhibcood oo muhiim ah si aan u aadno kulanka soo socda si aan sidoo kale u guuleysano”.

⏩ "Maalin kasta hawshu way sii adkaanaysaa in laga difaaco kooxaha leh hibada farsamo ee weyn, waxaan ka shaqeyneynaa sidii aan markale u heli lahayn awoodeena dhanka daafaca”.

~ Soomaali Yare ✍

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Address


Mogadishu