Manchester United Somali Fans

Manchester United Somali Fans

Share

Kani waa bogga rasmiga ah ee taageerayaasha Manchester United ee ku hadla Af-Soomaali.

Halkan waxaad ka heli doontaa warar, macluumaad, iyo dhacdooyinka ugu dambeeya ee kooxda.

Photos from Manchester United Somali Fans's post 12/05/2026

13 sano ayaa ka soo wareegatay maanta oo kale maalintii uu Sir Alex Ferguson kulankiisii ugu dambeeyay Old Trafford ku maamulay Manchester United sidoo kale waxay aheyd maalinkii ay kooxdu ku dabaal degtay horyaalkeedii 13-aad.

Kulankaas haddii aad xasuusato nala wadaag natiijadii uu ku dhamaaday.

-Khadar Ahmed Rabiile

12/05/2026

🚨🚨| DEG-DEG: Andoni Iraola ayaa laga saaray liiska macalimiinta u sharaxan tababarnimada Manchester United, Carrick ayaana hadda ah shaqsiga ugu cadcad ee shaqada la wareegi kara.]

-Khadar Ahmed Rabiile

12/05/2026

Manchester United waxay dooneysaa ugu yaraan shan saxiix si ay ugu xoojiso kooxda xilli ciyaareedka soo socda, saddex khad dhexe, dambeed bidix, weeraryahan iyo goolhaye.

Si gaar ah kooxda waxay si weyn u bartilmaameedsan doontaa ciyaartoyda da'doodu u dhaxayso 22-26. []

-Khadar Ahmed Rabiile

11/05/2026

Luke Shaw ayaa qarka u saaran in lagu daro liiska hordhaca ah ee uu Thomas Tuchel u soo xulan doono koobka adduunka walow bishan 22-keeda la shaacin doono liiska k**a dambaysta ah oo ka kooban 26 ciyaartoy. []

-Khadar Ahmed Rabiile

11/05/2026

🚨 𝗢𝗙𝗙𝗜𝗖𝗜𝗔𝗟: Manchester United ayaa ku dhawaaqday in maaliyadda cusub ee home-ka si rasmi ah loo soo bandhigi doonta subaxnimada Khamiista, iyadoo kooxda ay sidoo kale maaliyaddan cusub ku ciyaari doonto labada kulan ee ugu dambeeya xilli ciyaareedkan.

Sidee kula tahay nashqadda maaliyada?

-Xiinkey Hajji

10/05/2026

🚨🚨| Ma jirto koox Premier League ah oo ka dhibco badan Manchester United tan iyo markii Michael Carrick la magacaabay.

-Khadar Ahmed Rabiile

09/05/2026

Kulankii maanta aniga waxa iigaga soo dhex baxay ciyaaryahan 2 sanno ilaa 1 sanno noo ciyaari karaya, qassab weeye 6 buuxa oo da'ayar ah inaan soo qaadano waxaani sii fiicnaan lahayd waliba in aan Xhaka kusoo darsano madaama koobab badan ciyaarayno.

-Abdikani Nouh

09/05/2026

📈 Manchester United wax guul ah ma aysan gaadhin dhammaan kulamada Premier League xilli ciyaareedkan ee uusan Casemiro ku bilaaban:

Guuldarro-Guuldarro-Guuldarro-Barbardhac.

- Zakariye Fooxaali

09/05/2026

FT: Sunderland 0-0 Manchester United

Aragtidaada?🤔

-Maankiz

09/05/2026

Lammens yaa usheega in uu is dajin karaayo kubaddan uu laagayo un mise macalinka ayaa sidan kusoo dhahay in uu kubada tuuro un?

Amad Diallo caadi ayay uga dhamaatay wllahi.

-Abdikani Nouh

09/05/2026

HT: Sunderland 0-0 Manchester United

Sidii la filaayayba Manchester United ayaa qeybtii horre soo bandhigtay ciyaar aad u liidato kooxda Sunderland ayaana guud ahaan gacan ku heynta khadka dhexe la wareegtay.

-Maankiz

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Mogadishu