Maadaama aan heli kari weyney baahida naga heesata inaan helno wararka Arsenal ee ugu dambeeyey waxaan samaysaney bogg (page) aan soo galino wararka kooxda si baahideena aan u daboolanno.
Sidaas awgeed waxaan isku dayney in aan asxbta la wadaagno inta Arsenal taageerto oo u baahan faahfaahinno dheeraad eh oo ku saabsan kooxda, waxaan isku dayney in aan groupska Arsenal FC Somali Fans aan ku share gareenno boggan si aan asxaab fara badan aan u helno laakiin waa nagala diidey.
Marka mushkiladba uma aragno midaas laakiin waxaa nagu qasab ah in aan eber kasoo bilowno sababto ah ma helno warar nagu filan oo tafatiran sida taageerayaaasha Soomaaliteed ee kooxaha kale taageera ay helaan.
Fadlan hadii aad naga caawin karto in uu kor u kaco boggaan waxa aad inoo saartaa like, follow waxaad share gareysaa waxyaabaha aan soo dhigno hadii ay ku qanciyaan.
Waxaa meesha tan isugu yimid 4 shaqsi oo wariyayaal ah oo aad u garanaya meelaha wararka kooxda laga helo, kooxdane in badan soo taageerayey hadii aan ku qancino nala joog, hadii aan ku qancin waynane anaga ayaa ka masuul eh oo tabarteena ayaa meeshaas na dhigtey.
Pageka likes badan malahan laakiin macluumaad badan oo aad ka faaiidaan baan soo galinn doonaa nala joog ilaa aad naga barato.
Arsenal FC Somali fans
Waa bogga rasmiga ah ee taageerayaasha kooxda Arsenal ee soomaaliyeed, Waxaan rajeyneynaa in aanu si
Waan fahamsanahay oo ixtiraamaynaa baahida dadku u qabaan inay u baroortaan dhimashada boqoradda, laakiin Arsenal fans ahaan ma garanayno sababta ciyaaraha Premier League loogu baahan yahay in la joojiyo si sidaas loo sameeyo…
Go'aan ayaa la gaaray, markaa waa sida ay hadda tahay. Waxaan kuu rajeynaynaa inaad ku raaxaysato usbuucaaga, Gooners. ✌🏻
09/09/2022
Gooldhalinta Arsenal xilli ciyaareedkan (tartamada oo dhan):
Jesus 3
Martinelli 3
Ødegaard 3
*Own goal 1
Xhaka 1
Saliba 1
Gabriel 1
Saka 1
Marquinhos 1
Nketiah 1
09/09/2022
Laba isbuuc Arsenal ma daawan doono ma moodaa kooxdu in ey u fiicantahey in la baaqdo laba isbuuc.
Waxaa hubaal eh in la baajiyey kulamada hal isbuuc waxaana la filayaa in uu noqdo laba isbuuc wixi dhaca waan arki doonnaa.
🚨 Ciyaarta Europa League ee ay Arsenal gurigeeda kula ciyaari doonto PSV ayay u badan tahay in la ciyaaro ka dib markii ay ku wargeliyeen Booliska Metropolitan inay ku qanacsan yihiin inuu dhaco kulankaas.
Waxaa la filayaa in si rasmi ah loo xaqiijiyo arinkaan dhammaadka usbuuca.
🚨 Waxaa jira walaac, ku aadan, in la joojiyo kulamada isbuuc kale oo Premier League - iyadoo Arsenal ay la ciyaari doonto Brentford axada isbuuca dambe - ay halis ugu jiraan in sidoo kale la joojiyo.
Labo isbuuc laba kulan Everton kulankii aanu la laheen wuu baaqdey midka Brentford inuu baaqdo ayaa suurta gal ah.
Cedric & Emile Smith Rowe ayaa ku sugan London Colney maanta iyagoo sameynaya shaqo jirdhis kuwaas oo ka soo kabanaya dhaawacyadii soo gaaray.
🚨BREAKING: Kulamadii Premier League ee isbuucaan ayaa lagu wadaa in la joojiyo.
Gabriel Jesus, Gabriel Martinelli iyo Gabriel Magalhães ayaan dhamaantood lagu darin xulka Brazil ee ciyaari doona kulamada saaxiibtinimo ee soo socda.
08/09/2022
Magacaabista Arsenal ee abaalmarinta Premier League bisha August 2022:
Ciyaaryahanka bisha:
Gabriel Jesus 🇧🇷
Martin Ødegaard 🇳🇴
Macalinka bisha:
Mikel Arteta 🇪🇸
Goalka bisha:
Gabriel Jesus’ goal vs. Leicester 🇧🇷
William Saliba' goal vs. Bournemouth 🇫🇷
08/09/2022
Labada ciyaaryahan ee Arsenal Gabriel Jesus (goolkii ugu horreeyay vs Leicester City) & William Saliba (vs. Bournemouth) ayaa ku jira liiska loo magacaabay dhaliyaha goolkii ugu fiicnaa ee Premier League bishii August 2022.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
KM4
Mogadishu