26/04/2026
Gift Stars Sports Club waxa uu hambalyo iyo bogaadin u diraysa Naani Kaambo oo ku guuleystay abaalmarinta Sawir-qaadaha Isboortiga ee ugu wanaagsan Soomaaliya.
Guushan qiimaha badan waxay caddeyn u tahay xirfaddiisa sare, dadaalkiisa joogtada ah, iyo kaalinta muuqata ee uu ka qaatay horumarinta kubadda cagta Soomaaliya. Waa aqoonsi sharaf leh oo muujinaya heerka iyo tayada shaqada uu bulshada u hayo.
Gift Stars Sports Club waxa uu u rajaynayaa Naani guulo waaweyn iyo horumar joogto ah mustaqbalka, Anaga oo ku dhiirrigelinaya inuu sii wado dadaalka iyo waxqabadka qiimaha leh ee uu u hayo ciyaaraha iyo bulshada Soomaaliyeed.
24/04/2026
Garoonka Eng. Yariisow ayaa maanta martigeliyay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay, taas oo lagu daahfurayay tartanka KOBAC Grassroots Cup 2026—tartan loogu talagalay da’yarta da’doodu ka hooseyso 13 jir (U13), laguna horumarinayo hibada iyo mustaqbalka kubadda cagta Soomaaliya.
Xafladda furitaanka waxaa sharaf ku lahaa Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Bariga iyo Bartamaha Afrika (CECAFA), Cali Cabdi Maxamed, oo si rasmi ah u furay tartanka, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la maalgeliyo da’yarta si loo helo jiil xirfadlayaal ah oo mustaqbalka dalka matala.
KOBAC Grassroots Cup 2026 wuxuu xambaarsan yahay aragti fog oo ku aaddan kobcinta ciyaartoyda yaryar, isagoo siinaya madal ay ku soo bandhigaan xirfadooda, kuna kasbadaan kalsooni iyo waayo-aragnimo tartan. Tartankan wuxuu sidoo kale dhiirrigelin u yahay abuurista jawi caafimaad leh oo tartan iyo is-dhexgal isboorti ku dhisan.
Door muhiim ah waxaa ka qaadatay hirgelinta tartankan hay’adda Gift of the Givers Foundation, oo si muuqata u taageertay horumarinta isboortiga da’yarta. Taageerada hay’addu ma ahan oo kaliya mid dhaqaale, balse waa mid istaraatiiji ah oo lagu dhisayo jiil cusub oo jecel kuna barbaara anshaxa iyo qiimaha isboortiga.
Intaa waxaa dheer, tartankan wuxuu fursad dahabi ah u yahay macallimiinta haysta shahaadada CAF D License, kuwaas oo ka faa’iideysanaya khibrad toos ah oo ku saabsan tababarka iyo horumarinta ciyaartoyda da’da yar—arrin muhiim u ah kor u qaadista tayada tababarnimo ee dalka.
Gebogabadii, KOBAC Grassroots Cup 2026 ma aha oo kaliya tartan kubadeed, balse waa mashruuc horumarineed oo dhidibada u aasaya mustaqbal ifaya, halkaas oo da’yartu ka helayaan fursad ay ku kobciyaan hibadooda, laguna dhisayo jiilka berri ee kubadda cagta Soomaaliya.
09/04/2026
Congratulations to Referee Omar Abdulkadir Cartan on being selected as one of the match officials for the FIFA World Cup 2026.
This remarkable achievement is a testament to his dedication, professionalism, and excellence in officiating at the highest levels of the game. Being chosen to represent on the world’s biggest football stage reflects not only his individual merit but also the growing recognition of refereeing talent from the region.
We wish him continued success as he prepares to take part in this prestigious global tournament, and we are confident he will uphold the highest standards of fairness, integrity, and sporting excellence.
01/04/2026
The Journey Through the Game..🔥⛹️♀️
24/03/2026
Hambalyo Horumaris ah🎉
Galabta saddexdaan ciyaartoy waxay muujiyeen dadaal iyo karti, iyagoo guul weyn gaaray, kuna xaqiijiyey dhibco sare oo u sahlaya hanashada horyaalka Gabdhaha Kubadda Cagta Soomaaliyeed. Kooxdooda Ilyes 🏃🏼⚽️ runtii waxay soo bandhigtay ciyaar heer sare ah.
Gaar ahaan, hambalyo gabdhaha Ileys ee ka midka ahaa ciyaartoydii dhowaan tartanka xiddigaha gabdhaha u matalayay Gift Stars. Waa guul aad u qiimo badan oo muujinaysa horumar iyo mustaqbal ifaya Guuleysta.👏
19/03/2026
HAMBALYO CHAMPIONS | Gift Stars Women’s Futsal 2026 🏆
Guddoomiyaha Gift Stars Sports Club ayaa hambalyo diirran u diraya dhammaan ciyaartoyda, macallinka, iyo taageerayaasha qiimaha badan ee kooxda, kuwaas oo sameeyay taariikh lama ilaawaan ah. Guushan ma ahan mid si sahlan ku timid—waa mid ka dhalatay dadaal, karti, iyo isku-duubni heer sare ah.
Gabdhaha Gift Stars waxay muujiyeen ciyaar qurux badan, xamaasad iyo xirfad sare, taasoo u horseeday inay noqdaan horyaalka Futsal Stars 2026. Tani waa guul astaan u ah horumar, geesinimo iyo mustaqbal ifaya.
Mar kale, hambalyo geesiyaasha garoonka—waad ku mahadsan tihiin sharafka aad u soo hoyseen kooxda! ⚽🌟
MAHADSANIDIIN .. ⚽️🌟
Gift Stars Sports Club
Said Ibrahim Hussein 'BUUNA' 🖋