Fotballer

Fotballer

Share

���

26/02/2026

Manchester United ayaa go’aansatay inaysan la soo wareegin Victor Osimhen sababo la xiriira jadwalka Koobka Qaramada Afrika (AFCON), sida uu sheegay tababarihii h**e ee kooxda koowaad Benni McCarthy.
Osimhen ayaa si weyn u soo jiitay indhaha waaxda soo iibsiga ciyaartoyda ee United kaddib xilli ciyaareed cajiib ah oo uu la qaatay Napoli, halkaas oo uu kooxda Talyaaniga u horseeday hanashada horyaal taariikhi ah.
Si kastaba ha ahaatee, United ayaa ka caga jiiday inay ku bixiso qiyaastii £100 milyan weeraryahan maqnaan doona bartamaha xilli ciyaareedka sababo la xiriira ka qeybgalka AFCON.
Ugu dambeyn, kooxda ayaa dooratay inay la soo saxiixato Rasmus Hojlund oo ka yimid Atalanta, halka Osimhen uu mustaqbalkiisa ciyaareed ka sii watay Galatasaray.

25/02/2026

Real Madird Ma Oggolaan Doonto Soo Laabashada Jose Mourinho Ee Bernabeu, Sabab.

Sida ay qortay Diario AS, Real Madrid ma tixgelin doonto suurtagalnimada in Jose Mourinho uu mar kale noqdo tababaraha kooxda.

Mourinho ayaa la filayaa inuu ka daawado kuraasta daawadayaasha marka kooxdiisa Benfica ay la ciyaareyso Los Blancos lugta labaad ee play-off-ka Champions League habeenka Arbacada.

Si kastaba, waxay u muuqataa inaanay jirin wax fursad ah oo uu ugu fariisan karo kursiga tababarenimo ee Santiago Bernabeu.

Kooxda ka ciyaarta LaLiga ayaan ku qanacsanayn hadalladii Mourinho ee la xiriiray dhacdadii cunsuriyadda ee lagu sameeyay Vinicius Jr kulankii lugta h**e.

Mourinho ayaa ku dooday in dabaaldegii Vinicius kaddib markii uu dhaliyay goolka kaliya uu kiciyay taageerayaasha garoonka martida loo ahaa.

Sidoo kale, Real Madrid waxay mudnaan siinaysaa shaqada uu hayo Alvaro Arbeloa oo hadda masuul ka ah kooxda, inkastoo kalsoonida wax yar hoos u dhacday kaddib guuldarradii ka soo gaartay Pamplona.

Inkasta oo naadigu sii wado la socodka suuqa tababarayaasha, haddana Mourinho kuma jiro qorshahooda mustaqbalka.

09/08/2025

Welcome guys football Page⚽️💝

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Bosaso?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


10
Bosaso
10