13/05/2026
:- Horseed Sc 1 Mogadishu City Club 0.
Kooxda Ciidanka Xooga Dalka ee Horseed aya guul muhiim ah kagartay dhigoda Mcc ciyar xiisa badan oo galabta ka dhacday Muqdisho Stadium.
Kooxda Mcc oo in Muddo ah Unbeaten aheyd aya ugu dambeyn galabta guul daro la dhadhansiiyay.
12/05/2026
Warar hoose aan helnay aya xaqiijinaya in Kooxda Horseed oo kamid ah Kooxaha Waaweyn ee dalka ay si weyn u dooneyso ine laso saxiixato Macalin Saciid Geesey.
Macalimu Saciid Geesey Gacal aya lagu xasuusta in sanadkiisi ugu h**eyay Kooxda Dekedda Sports Club uu maamulo uu la qaaday koob kasta oo dalja laga ciyaaro balse ugu dambeyn mamulka Dekedaha ay ula dhaqmen si foolxun!!.
Hadaba Kooxda Horseed Hadi ay Macalin Saciid Hesho inte laga gali doona?
12/05/2026
Ciyaryahan Usame Dhacsade aya bartiisa Facebook ku xaqiijiyay inu katagay kooxda Mcc.
Xidigan Daafaca kaga ciyarayay kooxda Dowlada Hoose aya Mudo Sanado ah Koobab waaweyn kula guulestay.
07/05/2026
Macalinkii h**e Kooxda Horseed Abdihamid Moallim aya lo magacabay Macalinka koowad kooxda Faca weyn Young Africans Sports Club.
Kooxda Young africans oo ka dhisan wadanka tanzania aya kamid ah Kooxaha ugu Awooda iyo Guulaha Badan Qaarada Africa wana talabo weyn in macalinka Somaliyeed uu Shaqada Kooxdas qabto taso mujinaysa Kartidiisa iyo aqoontiisa macalinimo.
Hamhalyo aya lenahay walaalken Abdihamid waxa u rajeynayna inu kuguleysto Shaqadiisa oo waqti dahabi ah ku qato Kooxda Young Africans.
07/05/2026
:- Elman SC 5 Gantalaha Afgooye 0.
Kooxda Jaalayasha Elman aya galabta guul weyn ka gartay dhigoda Gantalaha Afgooye ciyar xiisa badan oo ka dhacday Muqdisho Stadium.
Jaalayasha aya xiliciyaredkan kamid ah kooxaha awooda badan ee loo sadalinayo Horyalka Somali National league.
06/05/2026
Kooxda LLPP Jeenyo aya macalinkoda cusub u magacabay Deeq Afrika oo ah Madaxa farsamada Kooxda Kadib markii uu is casilay Macalin Aamana.
Macalimu Aamana aya Is casiladiisa ay timid kadib markii Faragalin toos ah uu shaqadiisa kuwadan wayay kala kulmay maamulka Kooxda Jeenyo.
Kooxda Jeenyo tan iyo sidu ula waregay wiil uu dhalay Ahmed Nur Ali Jimcale waxe kooxda noqotay mid god dheer k**i dhacaysa Waxena Magacabistan tusinaysa in Kooxda aan dan laga lahen guulaheda iyo ine latartanto kooxaha Waaweyn ee dalka.
Tagerayasha Jeenyo aya si weyn uga xumaden Xaalada kooxda waxana Page ka Kooxda Jeenyo Comment dhaliil ah ka dhiibten tagerayasha Kooxda balse Commentiyadii walaga wada tiray taaso mujinayso Dulqad xumada Mamulka!!.
05/05/2026
Maamulka Kooxda Horseed aya ugu dambeyn aqbalay Ganaaxii kaso baxay Guddiga Anshaxa Xiriirka Kubadda Cagta Somalia isla markana diyaar u ah ine dheelan Kulanka Jimcaha.
Guddiga Anshaxa Xiriirka kubadda Cagta Somalia aya Gudomiyaha Horseed ku ganaxay in Mudo Sanad ah uusan kaqeyb qadan karin howlaha Kubadda Cagta Halka Kooxda Horseed lagu ganaxay ine bixiso 600$ kahor kulanka Jimcaha.
Gudomiyaha Kooxda Horseed oo Markii uu ganaxa so baxay melaha ka dhahayay Ma aqbalayo Horyalkana waka baxayna aya waxa amar degdeg ah uga yimid Taliska CIIDANKA XOOGA DALKA SOOMAALIYEED waxana lagu amray inu si degdeg ah u aqbalo Ganaaxa isla markana uu bixiyo Lacagta lagu ganaxay kooxdana u diyariyo Kulanka xiga ay leedahay.
Bahda Kubadda Cagta Somaliyed aya aad uso dhaweyen Ganaxa anshax marinta ah ee ku dhacay kooxda Horseed iyo Mamulkoda waxana la isku raacay in aysan jirin cid sharciga kaweyn.
05/05/2026
:- Jeenyo Fc 2 Gaadiidka Fc 3.
Kooxda Gaadiidka aya guul muhiim ah kagartay dhigoda Jeenyo ciyar xiisa badan galabta ka dhacday Muqdisho Stadium.
Gaadiidka aya sanadkan dardar xoogan kusocota waxena kamid tahay kooxaha ugu cadcad kuguleysiga Horyalka Somali National league 2025/2026.
04/05/2026
Kooxda Dekedda Sports Club aya galabta Guul weyn kagartay dhigoda Jubba Fc ciyaar ka dhacday Muqdisho Stadium.
Ciyartan waxa 4ta gool kooxda Dekedaha u dhaliyay Laacibkoda Shaka sidasna ku noqday Xidiga ciyaarta.
03/05/2026
Garsore Omar Abdulkadir Artan aya sanadkii Labaad oo xiriir ah dhex dhexadin doona Ciyaarta Lugta Labaad Finalka Koobka TotalEnergies CAF Champions League.
Finalka Tartanka oo Laba Kulan La ciyarayo aya dhex mari doona kooxaha Mamelodi Sundowns oo ka dhisan South Africa iyo Kooxda Far Rabat oo ka dhisan Marroco.
Lugta Koowad waxa lagu ciyari doona Wadanka South Africa 15ka Bishan aan ku jirno ee May Halka Lugta Labaad lagu ciyari doono Wadanka Marroco 24ka Bishan May.
Wa sanadkii Labaad oo xiriir ah oo wiilkena uu qabanayo Ciyarta lagu bixinayo Koobka ugu weyn kooxaha Horyalada Africa waxena midas ku tuseysa kalsonida lagu qabo Tayadiisa garsoranimo.