15/09/2026
๐๐๐ฑ๐๐๐ ๐ฎ ๐ญ๐๐ช๐๐๐ง๐๐ ๐ฐ๐๐ฑ-๐ช๐๐๐๐?!
๐ฆ๐ผ๐บ๐ฎ๐น๐ถ ๐๐ผ๐ผ๐๐ฏ๐ฎ๐น๐น ๐ฃ๐ฟ๐ฒ๐๐ถ๐ฑ๐ฒ๐ป๐ ๐ฟ๐ฒ๐ฐ๐ผ๐ฟ๐ฑ๐ฒ๐ฑ ๐ฎ๐ ๐ต๐ฎ๐๐ถ๐ป๐ด ๐ฐ๐ผ๐ป๐๐ฟ๐ถ๐ฏ๐๐๐ฒ๐ฑ ๐๐ผ ๐ฎ ๐ต๐ถ๐๐๐ผ๐ฟ๐ถ๐ฐ ๐ฒ๐๐ฒ๐ป๐ ๐ถ๐ป ๐ฆ๐ผ๐บ๐ฎ๐น๐ถ๐ฎ
Madaxweynaha Kubbadda Cagta Soomaaliya oo loo diiwaangeliyey inuu soo kordhiyey dhacdo ugub ku ahayd Soomaaliya.
22 l-kii May 2026 ayey ahayd markii lagu daabacay cinwaanka kor ku xusan Jariidada ๐ผ๐ฃ๐๐ก๐ฎ๐จ๐๐จ ๐๐ค๐ค๐ฉ๐๐๐ก๐ก ๐ผ๐๐ข๐๐ฃ๐๐จ๐ฉ๐ง๐๐ฉ๐๐ค๐ฃ ๐
๐ค๐ช๐ง๐ฃ๐๐ก (๐๐๐๐), cadadka tirsigiisu ahaa 16.997, jariidan oo laga leeyahay Dalka Faransiiska, unkiddeedana uu lahaa ๐๐ฒ๐ฟ๐ผ๐บ๐ฒ ๐ฉ๐ฎ๐น๐ฐ๐ธ๐ฒ
Madaxweyne ๐๐ฅ๐ข ๐๐๐๐ข ayaa noqday Shakhsigii ugu horreeyey taariikhda Kubbadda Cagta Soonaaliya ee ku dhiirraday iney HAWEENKA ciyaaraan, taas oo noqotay riyo Hal qof ah oo wax kasto bedeshay, iyadoo dhinaca kalena la gaaray guulihii ugu banaa abid intii ay jirtay Kubbadda Cagta Soomaaliya.
Ciyaartooy Haween ah ayaa markii ugu horreysay taariikhda ka soo muuqday Tartamo International Friendly Match U-17 iyo U-20 ay la dheeleen dhiggooda Jabuuti 24 iyo 25 Oct ee Sannadkii h**e.
Tartanka CECAFA U-17 WOMENโS CHAMPIONSHIP 2026 ee lagu qabtay Darussalam Tanzania 13-23 June 2026 ayaa laga qeybgalay, waxeyna ahayd bilow wanaagsan markaan soo helnay guul aan caadi ahayn oo 8 iyo 2 uga badinay Dalka Sudan.
Xulka U-17 ayaa noqday Champion Cecafa Zone 2022, labo sano oo xiriir ahna waxaan ka mid noqonay Dalalka qeybta ka ah AFCON markii ugu horreysay taariikhda Kubbadda Cagta Soomaaliya
Xulka Senior ayaa markii ugu h**eysay abid u soo gudbay African Cup of Nations kaddib markey ka badiyeen Dalka Mauritius.
Markii ugu horreysay taariikhda ayaa la ciyaaray ku dhowaad 10 ciyaarood oo International friendly Match ah oo ayna weligood ciyaarin Soonaaliya Madaxweyne Ali ka hor, iyadoo Xulka Senior-ka uu dheelay 5-Ciyaar oo uu 2 ka mid ah guuleystay iyo mid bareejo ah, 3- Ciyaar waxey ku dheeleen Morocco iyo 2- Ciyaar oo ku dheeleen Baxreyn gurigoodana aan uga badinay. sidoo kale U-17 ayaa Morocco kula dheelay Xulka Ivory Coast iyo gabdhaha U-17 iyo U-20 oo ku dheeleen Jabuuti.
African Schools Football Championships (ASFC) oo gabdho iyo Wiilal ah ayaan uga qeybgalnay Ruwanda, Wiilasheena ayaana Goolka tirsi ku haray, halka Gabdhaheena u ku daah-fureen tartanka guul 5 iyo 0 ay gaareen Dalka Sudan.
Ugu dambeyntii Jariidada ๐๐ป๐ฎ๐น๐๐๐ถ๐ ๐ณ๐ผ๐ผ๐๐ฏ๐ฎ๐น๐น ๐๐ฑ๐บ๐ถ๐ป๐ถ๐๐๐ฟ๐ฎ๐๐ถ๐ผ๐ป ๐๐ผ๐๐ฟ๐ป๐ฎ๐น (๐๐๐๐) ayaa caddeysay in Oct.13 ee 2026 oo ku beegan Sannadguuradoodii 23-aad ee aasaaskooda, ay wicitaan rasmi ah u soo diri doonaan Madaxweynaha Kubbadda Cagta Soomaaliya Mr. Ali Abdi Mohamed si ay u abaalmariso maadaama ay Jariidada u diiwaangelisay waxqabad wanaagsan, isaga iyo Shakhsiyaad kale uu ka mid yahay Fouzi Lekjaa Madaxweynaha Xiriirka Kubbadda Cagta Morocco.
๐๐๐ฑ๐๐๐ ๐๐จ๐จ๐ง๐ญ๐จ ๐ฐ๐๐๐ ๐ช๐จ๐ซ๐ข ๐ค๐๐ซ๐ญ๐๐ ๐จ๐จ ๐๐ก๐๐ฅ๐ฅ๐ข๐ข๐ฅ ๐๐ก, ๐ฅ๐๐๐ค๐ข๐ข๐ง ๐ฆ๐ ๐ช๐๐ซ๐ข๐ง ๐ค๐๐ซ๐ญ๐ข๐ ๐๐ก๐๐๐๐จ ๐๐ฒ ๐๐ฎ๐ง๐ข๐๐ ๐ช๐ข๐ซ๐ฌ๐๐ง ๐ญ๐๐ก๐๐ฒ ๐จ๐จ ๐ก๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐๐ซ๐ค๐๐๐๐๐ง๐ ๐ ๐จ๐จ๐ซ ๐ก๐จ๐ซ๐ ๐ฅ๐ ๐๐ข๐ข๐ฐ๐๐๐ง-๐ ๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐ฒ.