20/04/2025
Magaciisa oo dhameystiran waa Anas Xasaan Khaddaab (Abuu Axmed Xaduud). Dhawaan ayaa loo magacaabay xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka suuriya. Sannadkii 1987-dii ayuu ku dhashtay degmada Jiiruud ee gobolka Riifu Dimishiq. Waxbarashada dugsiga dhexe iyo sarre ayuu ku qaatay degmada uu kasoo jeedo ee Jiiruud.
Kulliyadda Injineerinka ee jaamacadda Dimishiq ayuu muddo yar dhigtay. Isagoo dhameysan jaamacadda ayuu u safray ciraaq, si uu xilligaas qeyb uga noqdo la dagaallanka ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka ciraaq. Sida loo badinayo Abuu Axmed Xaduud ayaa dalka ciraaq u safray sannadkii 2008-dii.
Mucaskar ciidan oo Al-Anbaar ku yaallay ayaa xilligaas lagu tababaray. Markuu tababarka dhameystay ayaa laga diiwaan galshay qeybta is qarxinta. Inuu is qarxiyo ayaa lagu qoray oo uu fuliyo howlgal is qarxin ahaa. Awooda ugu weyn ee kooxda DI ku tiirsaneyd waqtigaas ayaa aheyd inay fuliyaan howlgalada is qarxinta ah.
Dood ayaa ka taagan inuu diiday is qarxinta iyo in kooxdu ka saartay waqtigaas liiska kuwa ku qoran is qarxinta. Keddib markuu fulin waayay is qarxintii uu ku qornaa ayee kooxdu go'aansatay in isaga lagu celsho suuriya. Waqtii ay qabaa'ilka sunniga (Saxawaadka la baxay) ah ee dagan ciraaq ay dagaal adag kula jireen kooxda DI ayuu Abuu Axmed Xaduud kusoo biiray safka kooxda dad qalatada ah ee Daacish.
Billaawgii sannadkii 2010, kooxda DI ayaa go'aansatay in Abuu Axmed Xaduud lagu celiyo dalka suuriya oo uu ku laabto meeshuu ka yimid. Qofkii ka laabta fulinta is qarxinta uu ku qoran yahay, waxaa caan aheyd inay kooxdu dib ugu celin jirtay dalka suuriya oo marin muhiim ah u aheyd dadka kusoo biiraya kooxda. Abuu Axmed Xaduud ayaa isagoo ku laaban raba wadankiisa ayuu ku yara hagaday Madaafa ay kooxdu ku laheyd meel u dhow mandiqadda Yacrabiya ee u dhow xuduuda ay wadaagaan suuriya iyo ciraaq.
Maalmo kaddib markuu Anas Xaduud yimid madaafada ayaa waxaa kamiin ay ciidanka ciraaq dhigeen lagu dilay amiirkii madaafada uu Xaduud ku sugnaa. Kamiinka ay ciid
04/02/2025
Sawirkaan idiin muuqda waa Lix Qofood oo soo maray kooxaha loogu yeero Jihaadiyiinta ee argagixisada ah. Waxayna dadka u sheegi jireen inay qoriga u sitaan hirgalinta shareecada islaamka iyo in lagu dhaqmo kitaabka Qur'aanka Kariimka ah. Raggaan idiin muuqda waxay astaan u noqdeen munaafaqnimada iyo been lagu marin habaabiyay kumanaan dhalinyaro ah, oo holaca dagaalka lagu shubay.
1- Shaykh Shariif Shaykh Axmed. Waa Amiirkii horre ee Midowgii Maxaakiimta islaamiga ee soomaaliya ama gudoomiyihii golaha fulinta ee Maxaakiimta. Shaykh Shariif wuxuu gaaleysiiyay oo uu baneystay dhiiga hogaamiye kooxeedyadii ka jiray Koonfurta iyo Bartamaha soomaaliya. Shariif ayaa siddoo kale gaaleysiiyay cid walba oo dowlad dimuquraadi ah ka mid noqota ama dhahda dastuur hala isku xukumo.
Shaykh Shariif ayaa sabab u ahaa in ciidamada Itoobiya ay kusoo duulaan Koonfurta iyo Bartamaha soomaaliya. Shariif ayaa waqtigaas isku heestay inuu yahay Khaalid Ibnu Waliid-ka soomaaliya, oo dagaal kula jira cadow ka diin iyo dhaqan duwan shacabka soomaaliyeed. Gaaleysiinta uu Shariif daldali jiray uma baahna tafaasiil dheer.
Shariif wuxuu ku danbeeyay, inuu sannadkii 2009-kii noqdo madaxweynaha dowladda soomaaliya. Wuxuu Madaxweyne ka noqday dowladdii uu gaaleysiinayay ee uu dagaalka kula jiray. Wuxuu Khawaarij iyo Argagixiso ku tilmaamay saaxiibadiis uu Amiirka u ahaa.
Shariif ayaa hadda ah Musharax u taagan xilka madaxtinnimada soomaaliya. Xisbi siyaasadeed oo lagu magacaabo HIMILO QARAN ayuu horjooge u yahay. La kulanka Safiirka Mareykanka ee ku sugan xerada Xalane ayaa Shariif u ah farxad iyo inuu dhex joogo Jannada Fardowsa. Shaykh Shariif wuxuu ka macaashay dhiiga Kumanaan dhalinyaro ah oo uu ku shubay dabka isagoo dhahaya " Waxaad tihiin ciidanka alle ee ku sugan furrinta soomaaliya.
2- Axmed Xuseyn Al-Sharac ( Abuu Muxamed Al-Jowlaani). Waa madaxweynaha xilligaan ee dalka Suuriya ama shaqsiga sababta ugu weyn ku lahaa in Bishaar Al-Asad laga tuuro talada, taariikhdu markii ay aheyd 8
02/01/2025
Mashruuca Daacishta soomaaliya waxaa hormuud u ah oo dhidibada u taagay rag Majeerteen ah oo ku marmarsiyooday inay beyco siiyeen kooxda la baxday Khilaafada Islaamka. Kooxda Ina Muumin waa koox ay u taliyaan rag hal qabiil wada ah. xilalka muhiimka ahna waxay gacanta ugu jiraan seddex nin oo lagu kala magacaabo Cabdiqaadir Muumin, Cabdiraxmaan Faahiye, Maxamed Qixiye.
Ina Muumin iyo Qixiye waa rag Cali Saleebaan kasoo jeeda. Halka Faahiye yahay nin kasoo jeeda beesha Dashiishe. Ragga kale ee talada kooxda ay ka go'do waa Ajaanibta ku sugan buuraleyda ay kooxda ku dhuumato. Ina Faahiye aad ayuu iskaga ilaaliyaa inuu xil muhiim ah u dhiibo qof kasoo jeeda beelaha Hawiye, Dir, Jareer Weyne, Digil iyo Mirifle.
Cabdiraxmaan Faahiye ayaa diidan oo hortaagan in howlgalo waa weyn lagu beegsado maamulka Puntland. Rag badan ayaa kooxda isaga tagay keddib markii Ina Faahiye uu diiday in wax howlgalo ciidan ah la fuliyo. Fikradda Cabdiraxmaan Faahiye uu qabo ayaa ah " Aan Gaarno Tiro Ahaan 5000 illaa 10,000 oo dagaalyahan.
Rag waqtigii ay AS ka tirsanaayeen heli jiray 60 doolar ayaa xilligaan ku tashanaya dhaqaale fiican oo ay ka sameeyeen mashruuca Daacishta soomaaliya. Heer ay dhulal badan ka iibsadaan Boosaaso, Muqdisho, Ceelasha Biyaha ayuu xaalku marayaa. Lacag aad u fara badan ayee kooxdu ka sameysay deegaanada Puntland iyo Koonfurta soomaaliya.
Mushaar ahaan kooxda Ina Muumin ayaa ka sarreysa kooxda AS. Dagaalyahannada kooxda AS ayaa mushaar ahaan waxay u qaataan 60 doolar illaa 90 doolar. Ina Muumin ayaa dagaalyahannada kooxdiisa siiya mushaar u dhaxeeya 250 illaa 300 oo doolar. Nin walba oo kooxda Muumin ka tirsan ayaa xaq u leh inuu guursado oo ay kooxdu u Kafaalo qaado Xaaskiisa iyo caruurtiisa.
Ina Faahiye ayaa caan ku ah inuu dhaho " Deegaanada Puntland ayaa nagu filan, haddii aan ka talinno. Magaca Wilaayada soomaaliya iyo sida ay kooxdu tahay isma lahan. Si guud mashruuca Daacishta soomaaliya waa mashruuc ay hormuud u tahay beesha daarood, gaar ahaan Majee
27/12/2024
Cabsida ugu weyn ee bariga Suuriya ka jirta xilligaan waa inuu isbadal ka dhaco mid ka mid ah xabsiyada ay ku xiran yihiin dagaalyahannada kooxda argagixisada ah ee ISIS. Xoogaga SDF ayaa ilaalo adag ka haaya waqtigaan tobanaan xabsiyo kala duwan oo ay ku xiran yihiin maxaabiis ka tirsan kooxda DI. Dowladda Mareykanka ayaa cabsi ka qabta in maxaabiista ay SDF heyso kala cararaan haddii Turkiga iyo xoogaga uu taageero ay ku duulaan deegaanada ay SDF maamusho.
10 illaa 15 kun oo dagaalyahan ayaa lagu qiyaasaa maxaabiista DI ee ku jira gacanta xoogaga Kurdida ah ee SDF. In ka badan 60 wadan ayee kasoo kala jeedaan maxaabiista ka tirsan argagixisada ISIS. Halis amni oo weyn ayaa ka dhalan doonta maxaabiistaan haddii ay ka baxsadaan xabsiyada ay ku xiran yihiin.
Magaalada Xasakah waxaa ku yaalla labo xabsi oo lagu kala magacaabo Guweyraan iyo Sinaaca. Xabsiga Guweyraan waxaa ku xiran ku dhawaad 5000 oo dagaalyahan oo DI ka tirsan. Halka xabsiga Al-Sinaaca ay ku xiran yihiin ku dhawaad 1000 dagaalyahan.
Magaalada Al-Shaddaadi waxaa ku yaalla labo xabsi oo lagu kala magacaabo Kaam Balkhaar (Camp Bulgarians) iyo Xabsiga dhexe ee Shaddaadi. Xabsiga Kaam Balkhaar waxaa ku xiran ku dhawaad 5000 oo dagaalyahan oo DI ka tirsan. Halka xabsiga dhexe ee Shaddaadi ay ku xiran yihiin boqolaal dagaalyahan oo ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Dawaacish.
Xabsiga Al-Kasra ee gobolka Dayru Zuur, una dhow ceelka shidaal ee Koniko ayaa waxaa ku xiran ku dhawaad 500 oo maxaabiista DI ka mid ah. Inta badan maxaabiista xabsiga Al-Kasra waa horjoogayaal lafdhabar u ah kooxda Daacish. Xabsiga dhexe ee Raqqa ayaa ka mid ah xabsiyada ay ku xiran yihiin dagaalyahannada kooxda dad qalatada ah ee ISIS.
Xabsiyada ay maamusho SDF ee ay ku xiran yihiin maxaabiista ISIS waxaan ka xusi karaa Xabsiga Deerik (Maalikiya), Xabsiga Calaaya (Qaamishli), Xabsiga Rumeylaan, Xabsiga Naafkar, Xabsiga Tal Macruuf. Kaamka Al-Howl ee SDF ay maamusho ayaa waxaa ku nool xilligaan 40 kun oo qof oo ay ku jiraan qoy
08/12/2024
Suuriya oo dhan kuma aysan dhicin weli gacanta xoogaga mucaaradka Suuriya. Saaxilka Suuriya ayaanan ku jirin gacanta Mucaaradka Suuriya. Gobolada Laadiqiya iyo Darduus ayaa dhiman in laga saaro haraadiga Bishaar Al-Asad. Saldhigyada waa weyn ee ruushka ayaana ku yaalla gobolada ay marto Badda ee Suuriya.
Calawiyiinta uu bishaar kasoo jeedo ayaana aad ugu badan gobolada saaxilka Suuriya. Weli gacanta laguma dhigin magaalada uu bishaar kasoo jeedo iyo halka uu ku duugan yahay Xaafid Al-Asad iyo Baasil Al-Asad. Dhanka kale Xoogaga SDF ayaa gacanta ku haaya halbowlaha dhaqaale ee Suuriya.
Waa in Maleeshiyaadka kurdida laga saaro gobolada kala ah Raqqa, Dayru Zuur. Xasaka. Xoogaga kurdida ayaa maamula halka ugu badan ee laga soo saaro NAFTADA, GAASKA, QAMADIGA, ay Suuriya lee dahay. Waa in Xoogaga SDF la marsiiyo wadadii la marsiiyay ciidanka Bishaar.
Jowlaani wuxuu xilligaan ku xoogan yahay magaalooyinka waa weyn ee kala ah Idlib, Xalab, Xamaa, Ximis. Jowlaani waa looga hormaray qabsashada magaalada Caasimadda ah ee Dimishiq. Mucaaradka reer Koonfurta Suuriya iyo Mucaaradka dagan duleedyada Dimishiq ayaa la wareegeen gacan ku heynta magaalada caasimadda ah. Loolan u dhaxeeya Reer Koonfurta iyo Reer Waqooyiga ayaa ka dhex qarxi kara daqiiqad walba Mucaaradka Suuriya.
Saacadaha soo socda in Ciidanka Jowlaani ay gudaha u galaan magaalada Dimishiq ayaa la fillaa. Israaiil ayaa duqeyn ku beegsatay goobo kala duwan oo ay ku keedsanaayeen hubka Kiimikada ah ee Bishaar uu heestay. Siddoo kale Israaiil ayaa howlgal lugta ah ku qaaday gobolka Quneydara ee Koonfurta Suuriya.
Xilligaan kooxaha hubeysan ee ugu awooda badan Suuriya waa
• Taxriiru Shaam iyo Xulafadeeda.
• Xoogaga SDF ee Mareykanka uu maamulo.
• Xoogaga ama qolka howlgalada ee reer Koonfurta.
• Qolka howlgalada ee Furashada Dimishiq.
• Jeyshul Wadaniga Suuriya ee hoostaga Turkiga.
• Jeysh Suuriya Al-Jadiid.
06/12/2024
Jowlaani xilligaan hadda la joogo waa shaqsi calmaani ah oo aanan aheyn wadaad fulinaya wuxuu aaminsanaa sannado ka hor. Deegaanada uu ka talsho laguma xukumo Shareecada Islaamka. Sigaarkaada waad Cabi kartaa haddii aad ku sugan tahay deegaanada uu xukumo Faatix Jowlaani.
Dumarka iyagoo xijaab lagu khasbeen ayee ku sugan yihiin deegaanada uu maamulo Abuu Muxamed. Xittaa haween u ololeeya arrimaha Feminism-ka ayaa ku sugan deegaanada uu ka talsho. Deegaanada uu ka talsho Jowlaani laguma mashquulo habka timaha loo jarto iyo hadaad dhageysaneysid Muusig ama aad daawaneysid Aflaamta kala duwan ee dadku xiiseeyaan.
Lagama qaado wax Jisyo ah Kirishtanka ku sugan deegaanada uu ka talsho Jowlaani. Bal sannado ka hor wuxuu dib u dayactiray Kaniisadihii ay Kirishtanku ku lahaayeen gobolka Idlib. Siddoo kale daa'ifada Duruusta ayaa iyagoo dhib la gaarsiin ku hoos nool xukunka Jowlaani. Hadafka ugu weyn ee Jowlaani u socdo waa inuu xukumo dalka Suuriya oo dhan.
Xukuumad la mid ah tan Xamse Cabdi Barre ayuu Jowlaani ka dhisay deegaanada uu ka talsho. Magaca Xukuumadda Badbaadada Suuriya ayuuna u baxshay. Xukuumadda Jowlaani dhisay waxay ku dhaqantaa Dastuur iyo Xeerarka ay basharku dagsadeen. Siddoo kale Canshuur iyo Zakawaad ayuu Jowlaani ka qaadaa ganacsatada ku nool deegaanada u maamulo.
Jowlaani wuxuu diyaar u yahay inaan laga aargudan Calawiyiinta uu ka dhashtay Bishaar Al-Asad. Faatix Jowlaani ayaa diyaar u ah inuu difaaco dadka laga tirada badan yahay ee kala ah Calawiyiinta, Ismaaciliyiinta, Duruusta, Kirishtanka. Si isaga uu kursi u helo ayuu Sunniga Suuriya ka dhaadhicinooyaa " iska dhaafa oo cafiya Calawiyiintii idin xasuuqayay tan iyo sannadkii 1970-kii. Deegaanada uu ka talsho lagama fuliyo xudduuda islaamka ee kala ah Gacan Goynta, Karbaashka qofka gogol dhaafka sameeya ama in dhagax lagu daldalo qofkii gogol dhaaf sameeyay isagoo guur soo maray.
Deegaanada uu xukumo isaga waxaa ka jirta xoriyad dhanka hadalka ah oo uu kaga fiican yahay dhinacyada kala ah Bish
05/12/2024
Sawirkaan 15 June 1974. Waa booqashadii Madaxweyne Richard Nixon ku tagay dalka Suuriya. Sawirkaan waxaa ku wada jira dhammaan qoyska Xaafid Al-Asad. Sawirkaan waxaa ku jira Bishaar Al-Asad oo aad u yaraa waqtigaas
Bishaar iyo Aabihiis waxay dadka u sheegayeen inay Mareykanka diidan yihiin oo muqaawamo yihiin. Xaafad wuxuu gurigiisa ku marti qaaday madaxweynaha Mareykanka ee uu leeyahay waxaan kula jiraa muqaawamo iyo iska caabin.
In Xukunka qoyskaan lasoo gabagabeeyo sannadkaan ayaan rajjeynaa.
04/12/2024
Al-Faatix Al-Jowlaani oo booqday magaalada Xalab iyo Qalcadda caanka ah ee Xalab. Odayga wuxuu ku jiiraa Bisha Malabka.
01/12/2024
Magaciisa oo dhameestiran waa Axmed Xuseyn Al-Sharac. Magaca uu la baxay ee caanka uu ku yahay waa Abuu Muxamed Al-Jowlaani. Naaneesta uu caanka ku yahay ee loogu yeero mar weliba waa Al-Faatix ama walaal Faatix.
Asal ahaan wuxuu kasoo jeedaa mandiqadda Jowlaan (Golan Heights) ee Israaiil ay maamusho xilligaan. Isaga Jowlaani ah ayaa sheegay in awowgiis ka mid noqday dadkii ka barakacay dagaalkii 1967-dii ay Israaiil kula wareegtay qeybo badan oo ka mid ah buuraleyda Al-Jowlaan. Duulaankii Israaiil ay ku qabsatay qeybo ka mid ah dhulka buuraleyda Al-Jowlaan ayaa saameeyay qoyska Abuu Muxamed Al-Jowlaani.
Jowlaani aabihiis wuxuu ka mid ahaa taageerayaashii Jamaal Cabdi Naasir ee sida weyn ula dhacay afkaarta ka hadleysay qowmiyadnimada Carbeed. Khabiir dhanka shidaalka oo buug ka qoray howlaha shidaalka carabta ayuu aabaha dhalay Jowlaani ahaa. Duqa dhalay Jowlaani ayaa fikirka qowmiyadnimada Carbeed ee uu aaminsanaa dartiis wuxuu isaga kala gooshay wadamada Urdun iyo Ciraaq.
Jowlaani wuxuu ku dhashtay magaalada Riyaad ee caasimadda Sacuudiga. Taariikhdu markii ay aheyd 1982-dii ayuu Jowlaani dhashtay. Aabaha dhalay Jowlaani ayaa muddo toban sanno ah wuxuu la shaqeynayay wasaaradda Batroolka ee boqortooyada sacuudiga
Jowlaani iyo qoyskiisa ayaa Suuriya kusoo laabteen sannadkii 1989-kii. Argagixiye Jowlaani ayaa kusoo barbaaray xaafadda ay dagaan dadka hodonka ah ee lagu magacaabo Al-Mazzeh. Xaafad ka mid ah xaafadaha ugu nolasha qurxoon ee magaalada Dimishiq ayuu kusoo koray.
Xaafadda Al-Mazzeh waxaa ku nool inta badan dadka calmaaniyiinta ah ee loogu yeero Libraaliyiinta. Xaafad aanan looga dhaqmin Diin oo dadku ku nool ay u nool yihiin sida reer galbeedka ayuu kusoo koray hoggaamiye Jowlaani. Macquul ma aheyn in qof kusoo barbaaray xaafadda Al-Mazzeh uu isku badalo xagjir Jihaadi ah.
Nolasha Jowlaani ayaa is badashay billaawgii qarnigaan hadda aan ku jirno. Dhacdadii Intifaadadii labbaad ee Falastiiniyiinta ay sameeyeen sannadkii 2000 ayaa sababtay in Jowlaa
01/12/2024
Baadiyaha Suuriya waa fadhiisinka ugu weyn ee kooxda daacish kaga sugan tahay xilligaan dalka Suuriya. Baadiyaha Suuriya ayaa ah xarunta ugu weyn ee dagaalyahannada Daacish ay ku dhuumaaleysanayaan. Weeraro ay ku dhinteen boqolaal askarta Bishaar iyo maleeshiyaadka Iiraan ka tirsan ayaa ka dhacay sannadihii ugu danbeeyay Baadiyaha dalka Suuriya.
Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa dhowr jeer waxay duqeymo ka fuliyeen baadiyaha Suuriya. Badka Guud ee Baadiyaha Suuriya uu ku fadhiyo waa siddeetan kun oo Kiilo Mitir. Baadiyaha Suuriya ayaa dhaca ama ku yaalla Gobolada kala ah Dayru Zuur, Raqqa, Xalab, Xamaa, Ximis, Riif Dimishiq, Suweydaa. Baadiyaha Suuriya ayaa ku fadhiya 55% badka guud ee wadanka Suuriya.
Baadiyaha Suuriya ayaa ka tirsan ama ka qeyb ah Baadiyaha Shaam ee mara wadamada kala ah Urdun, Sacuudiga, Ciraaq, Suuriya. Magaalooyinka ugu caansan Baadiyaha Suuriya ee kooxda daacish ay u dhow dahay waxaa ka mid ah Tadmur, Shukhna, Qaryateen. Diyaaradaha dagaalka ee ruushka ayaa sannadihii ugu danbeeyay saa'id u beegsanayay dhaq dhaqaaqyada ciidan ee daacishta baadiyaha.
Kala carar ku yimaada ciidanka Bishaar iyo maleeshiyaadka taageera waxay jaanis weyn u tahay kooxda xagjirka ah ee daacish. Ruushka iyo nidaamka Bishaar ayaa tobanaan howlgalo ah waxay ku qaadeen Baadiyaha, iyagoo rabay inay kooxda DI ka sifeeyaan dhulka Baadiyaha ah. Sida muuqata Bishaar iyo Ruushka ma sii joogi doonaan Baadiyaha oo waxay diiradda saari doonaan la dagaallanka Xoogaga Mucaaradka Suuriya ama in Bishaar laga adkaado ayaa dhici karta.
Xoogaga SDF ayaa laga yaabaa inay galaan booska la dagaallanka daacishta baadiyaha ku sugan. Xoogaga SDF ee Kurdida ay ku badan tahay ayaa taageero ka helaya Isbaheysiga Caalamiga ah ee Mareykanka uu hor Kaco. Xoogaga SDF waxay ku fashilmeen inay Amniyaadka daacish ka sifeeyaan deegaanada dhaca Bariga Wabiga Furaat.
Haddii Xoogaga SDF aysan helin taageero joogta ah oo dhanka cirka ah, waa ay ku adkaan doontaa inay xadidaan ama ay hor istaagaan
23/10/2024
Sannadkii 1979-kii wuxuu ahaa sannad saameen weyn ku reebay dunida, gaar ahaan dunida islaamka. Wuxuu ahaa sannad ay dunidu marti galisay dhacdooyin waa weyn oo illaa iyo hadda taagan. Tirada maalmood ee sannadkii 1979-kii ayaa aheyd Seddex Boqol iyo Lixdan iyo Shan (365) maalmood.
Illa aqriso dhacdooyinka saameeyay dunida islaamka iyo caalamka ee dhacay sannadkii 1979-kii.
• 29 January 1979-kii, Madaxweyne Deng Xiaoping ayaa booqasho ku tagay dalka Mareykanka, gaar ahaan Aqalka Cad. Waa booqashadii ugu horreysay ee masuul sarre oo taliska Shiinaha ka tirsan uu ku tago dalka Mareykanka. Si rasmi ah ayaana loogu dhawaaqay xilligaas in Mareykanka iyo Shiinaha yeesheen xariir diblumaasiyadeed iyo inay iska kaashaadaan dhanka Tiknaloojiyadda, dhaqanka, aqoonta.
• 16 January 1979-kii, Boqor Shaah ayaa iskaga cararay dalka Iiraan, keddib kacdoon darran oo uu kala kulmay qeybaha kala duwan ee shacabka Iiraan. Inuu daawo u helo xanuunka Kansarka ee uu la ildarnaa ayaa qeyb ka aheyd safarkaas. Wuxuuna safarkaas ahaa kii ugu danbeeyay ee soo afjaray xukunkii boqor Shaah.
• 1 February 1979-kii, Aayatullaah Khumeyni ayaa dib ugu soo laabtay dalka Iiraan keddib kacdoonkii talada looga tuuray boqor Maxamed Ridaa Shaah. Diyaarad AIR FRANCE ah ayaa Khumeyni kasoo qaaday magaalada Paris oo keentay magaalada Dahraan. Imaatinka Khumeyni waxaa ka dhalan doona inuu dhiso talis diimeed oo ay dugaalsadaan Shiicada ku nool Bariga Dhexe.
• 26 March 1979-kii, Masar iyo Israaiil ayaa heshiis rasmi ah ku kala saxiixday Aqalka Cad ee dalka Mareykanka. Heshiis-kaan ayaa soo afjaray colaad muddo dheer ka dhex taagneed Israaiil iyo Masar. Waana heshiis dhameestir u ahaa is afgaradkii ka dhacay Camp David sannadkii 1978-dii.
• 4 May 1979-kii, Margaret Thatcher ayaa noqotay Raysal Wasaaraha Ingariiska. Haweyneedii ugu horreysay ee noqoto Raysal Wasaaraha dalka Ingariiska. Is badal weyn oo dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha ah ayee Thatcher ku reebtay wadanka Ingariiska.
• 3 July 1979-kii, Madax
17/10/2024
Ma jiro illaa hadda dhinaca Xamaas hadal ka soo baxay , saacado badan oo warka la xiriira dilka Yaxye Sinwar uu dunidda qabsaday, illaa hadda ciidanka Israa’iil gaar ahaanna militariga oo weerarka ay sheegtay Israa’iil inay ku dishay Yaxye Sinwar fuliyay ayaa goor dhow si rasmi ah u sheegay in la dilay Sinwar, balse ma jiro hoggaanka sare oo Netanyahu uu ka mid yahay falcelin ka timid.
Waxa cusub ayaa ah in wargeysyada iyo warbaahinta Israa’iil ay hadda billaabeen inay sheegaan dilka inuu shalay dhacay , waxayna ku adkaysanayaan inuu ahaa iska horimaad si kadis ah u dhacay oo aysan jirin qorshe sirdoon iyo oggaal weerar oo lagu dilay Sinwar.
Laakin miyay nagu filantahay inan dhaho shil ayaa dhacay?
Aragtidayda haddii dilka uu shalay dhacay oo la xaqiijiyo dhimashada Sinwar , markaa fikradayda waxaa dhacay howlgal sirdoon , ma aha sirdoon ay awooday Israa’iil , balse waxaa jira sirdoon kale — mise anniga ayay tan ila noqotay!
Dhabtii waxaa dhacdadaan ku jira wax jahwareerin ah , markii aan dib u raacay wixii dhacay toddobaadkan waxaan arkay wargeyska Israa’iil ee Walla oo sheegaya in madaxa sirdoonka Shin Bet , sida aad ka maqasheen barnaamijyadeeyda ka baxa YouTube inuu si qarsoodi ah u tagay Qaahira saddex maalin ka hor, isagoo ka dalbanaya dhiggiisa sirdoonka Masar, Cabbaas Kamil inuu la xiriira Sinwar oo wada xaajoodka dib loo billaabo, balse si lama filan ah shalay ayaa xilka laga qaaday Kamil oo gacanta ku hayay galal muhiim ah! Waa inan sugnaa waqtiga iyo halka u dambeysa ee dhacdadaan..!