17/10/2025
Joojinta cabista sigaarku waa mid ka mid ah go'aannada ugu wanaagsan uguna qadhaadh ee uu qofku ku badbaadin karo caafimaadkiisa. Marka uu ruuxu joojiyo qiijinta sigaarka, waxaa jira kabasho iyo faa'iidooyin badan oo isla markiiba u bilaabma. Waa kuwan isbeddellada kabasho ee uu jidhka bani'aadamku maro marka uu ka soo kabanayo nicotine-ta iyo sumaha kale ee khatarta ah ee ku jirta sigaarka:
a) 20 Daqiiqo ka dib, garaaca wadnuhu waxa uu ku soo noqdaa heerkiisii caadiga ahaa.
b) 12-24 Saac ka dib, Kaarboon monaksaydhka (Carbon monoxide), oo ah sun khatarra kuna jirta sigaarka, waxay ka baxdaa dhiigga, taasoo ka dhigan in ogsijiintu noqoto mid xasillan. Khatartii uu qofku wadna xannuunka ugu jirayna aad bay hoos ugu dhacdaa.
c) 2 Toddobaad ilaa 3 Bilood, Shaqada sambabbada ayaa noqota mid hagaagsan, taasoo fududaysa neefsashada. Wareegga dhiigguna wuxuu noqdaa mid aad u xasilloon.
d) 1 ilaa 12 Bilood, Qufaca iyo neefsashadii ku adkayd qofka ayaa si tartiib ah u yaraata, maadaama sambabbadu bilaabeen inay bogsadaan.
e) 5 ilaa 10 Sanno, Khatartii uu kansarrada ku dhaca afka, dhuunta, iyo doobta ugu jiray ayaa hoos ugu dhacda kala badh, marka loo eego markii horre ee uu qofku sigaarka cabi jiray.
f) 5 ilaa 15 Sano: halistii uu qofku ugu jiray xannuunada istaroogga (stroke) iyo kuwa wadnaha haleela (Coronary Heart Disease), ayaa gabi ahaanba meesha ka baxda, ila heer uu qofku ula mid noqdo qofaan waligii sigaar qiijin oo kale.
g) 15 Sanno ka dib, waxaa uu qofku gallaa soo kabasho buuxda oo dhinac walba leh, waxa uuna xannuun kasta oo markii h**e isaga halisku ku ahaa, imika uu ula mid noqdaa, sidii qof aan waligii balwaddan yeellan oo kale.
Jadwalkani wuxuu ku salaysan yahay xog laga soo ururiyey daraasado caafimaad oo ku saabsan bogsashada iyo soo kabashada jidhka ee dadka joojiyey cabista sigaarka. In kasta oo ay jiri karaan kala duwanaansho yar oo qof waliba si gaar ah u leeyahay, haddana xogtan waxay si guud u metelaysaa isbeddelka wanaagsan ee ay helaan inta badan dadka sigaarka iska daayay.
Tixraacyo:
1. American Cancer Society: www.cancer.org/cancer/risk-prevention/tobacco/guide-quitting-smoking/benefits-of-quitting-smoking-over-time.html?utm_source=chatgpt.com
2. Medical News Today: www.medicalnewstoday.com/articles/317956?utm_source=chatgpt.com
3. CDC: www.cdc.gov/tobacco/about/benefits-of-quitting.html?utm_source=chatgpt.com
4. Truth Initiative: truthinitiative.org/research-resources/quitting-smoking-vaping/breath-fresh-air-immediate-benefits-quitting-smoking-or?utm_source=chatgpt.com
03/09/2025
Nin Xikmad-yahana ayaa la weydiiyay :
“Saaxiibka ugu fiican ee noloshu yaa weeye?”
Xikmad-yahankii wuxuu ku jawaabay: “Naftaada. Haddii aad la saaxiibto, marna kalinimo ma dareemaysid, marna cid kale ma sugaysid inay ku qanciso. Naftaada hadday kuu noqoto saaxiib, waxaad baranaysaa inaad naftaada u naxariisato, cafiso, dhiirrigelisona .”✨💯
03/09/2025
Haddii aad leedahay dhaqamadan waxa aad ku suntan tahay ilbaxnimo! 🧏
1. Salaanta iyo Wanaagga Hadalka
Qofka ilbaxa ah wuxuu billaabaa salaanta, hadalkiisuna waa daggan yahay, akhlaaq badan oo aan aflagaado iyo cay toona ku jirin. Wuxuu adeegsadaa erayo sida "fadlan", "mahadsanid", "waad ku mahadsan tahay".
2. Ixtiraamka Dadka Kale
Wuxuu tixgeliyaa dadka da'da leh, waalidka, macallimiinta, iyo dadka baahida gaarka ah qaba. Wuxuu fahamsan yahay in qof kasta uu mudan yahay in si wanaagsan loola dhaqmo, xitaa hadduu ka duwan yahay.
3. Dhaqan Nadiif ah iyo Nadaafad Shakhsiyeed
Qofka ilbaxa ah wuu nadiif yahay; dharkiisa, jirkiisa, iyo deegaanka uu joogo wuu nadiifiyaa. Tani waa astaan weyn oo dadku ku qiimeeyaan qofka.
4. Waqtiga oo la ixtiraamo
Wuxuu tixgeliyaa waqtiga-wuu ilaaliyaa ballamaha, kuma daaho kulamada, wuxuuna ku dadaalaa in shaqadiisa waqtigeeda ku qabto. Tani waxay muujisaa kalsooni iyo mas'uuliyad.
5. Dulqaad iyo Is-maqal
Qofka ilbaxa ah ma aha mid xanaaq fudud leh; wuu dhageystaa dadka kale, wuxuuna ka fakaraa inta uusan hadlin. Ma jecla inuu muran degdeg ah galo.
6. Daryeelka Bulshada iyo Deegaanka
Wuxuu ka qaybqaataa arrimaha bulshada, sida nadiifinta deegaanka, caawinta dadka baahan, iyo ilaalinta hantida guud (sida biyaha, dhirta, iyo laamiyada). 👌
7. Xushmada Diinta iyo Dhaqanka
Wuxuu ilaaliyaa dhaqanka wanaagsan ee ummaddiisa iyo xeerarka diinta. Mana aflagaadeeyo qiyamka dadka kale, 💯
Fadlan haddii aad dhamaysatay qoraalka ilbaxnimada waxaa kamida in aad qof wax kuu faaideyay umahad celiso ha iloobin wll... ❤️👍
09/12/2024
DHIIRRIGELINTAAN KOOBAN KU DHEEFSO
1: "Waxkasta oo tayo buuxdo leh, xayeysiis uma baahna ee waxa ay u baahan yihiin xurmayn iyo xasilin joogto ah." 🙂
2: " Si aad u yeelato magac iyo maqaam/derejo ha u baabi'in hadaf iyo han walaalkaa ka guuxaya." 😏
3: " Nolosha uma baahna tartan oo kaliya, markasta waa muhiim ah in aad ogolaato awoodda iyo guulaha dadka kale." 🧏
4: "Jacaylku waa dareenka ugu saamaynta badan nolosha, ha iska dayicin qof ku doortay oo kuu il daran." 😍
5: " Muuqaalka iyo labiska ma qeexaan quruxda dhabta ah, kaliya waxa ay muujiyaan ilqabadka qofka iyo hab muuqashadiisa." 🙃
6: "Aqoonkasta oo aad baratay macno ma lahan, haddii aysan kuu horseedin edeb iyo asluub hagaagsan." 🤞
7: "Ha ula dhaqmin dadka sida ay kuula dhaqmaan ama ay kaaga falceliyaan, adiga oo awooda in aad raacdo taladii iyo sunnada suubban nabigeenna Muxamed NNKH." 🥰
8: " Jacaylkasta guushiisa waa labo; 1: xasuus joogto ah iyo xiiso aan gurin. 🥲
9: " U dul qaado daruufta, xaaladkasta iyo xilli kastaba kugu xeeran." ⚡️
10: " Sharafkaagu waa shayga ugu muhiimsan ee kaaga baahan ilaalinta, xitaa haddii aad naftaada ku waynayso." ✅
11: "Sida qalbi walba xaq ugu lee yahay in la ilaaliyo, ayuu kaaguna u mudan yahay in la daryeelo loona diirnaxo." 😊
12: "Haku danaysan qofna, si aadan ugu dulloobin berri." 👍
13: "Ogoloow in aad bixiso ka badan waxaad hesho." ❤️
14: "Haka raadin qofna dabeecadahaaga maxaa yeelay ma jiro dunida cid kaala siman wax walba." 💁♂
15: "In aad ruux ilowdaa waxaa kaa xiga, in aad ruux kale xasuustiisa gashp, waa haddii aad aaminto." 🤝
16: " Ha dhagaysan dhaliisha ku dhaawacaysa, hana ka tagin dhaliisha ku toosinaysa." 🔥
17: "Aamin shaqsiyaddaada oo baro naftaada tayadeeda." 😌
19: " U noolow si aan sharuud ku xirnayn, balse u shaqayso shuruudaha guushaada iyo wax soo saarka shaqsiyaddaada." 👌
20: "Agtaada halagu nasto, intii laga nasan lahaa." 💯
17/01/2024
Ibliis markii uu diidayay in uu Aadan u sujuudo, Shaydaan halkaas ma aanu joogin eh, yaa u sheekeeyay (waswaasiyay)?
Waa su’aal cid kasta ku wajahan, waana su’aal qararteeda leh.
Shaydaanku markii uu Alle ku caasinayay, yaa Shaydaan u ahaa?
Sadarrada soo socda aqri, si aad jawaabta su’aalahaas u heshid.
Waa kuma Shaydaankeenna dhabta ahi?
Erayga “Naf” waa eray aad u qatar badan, Aayado badan oo Qur’aanka kariimka ah ku jira ayaana lagu sheegay.
Alle waxa uu suuradda “Qaaf” ku leeyahay:
{ وَلَقَدْ خَلَقْنَا الْإِنسَانَ وَنَعْلَمُ مَا تُوَسْوِسُ بِهِ نَفْسُهُ وَنَحْنُ أَقْرَبُ إِلَيْهِ مِنْ حَبْلِ الْوَرِيدِ }
[Aadanahana waannu abuurnay, waanan ognahay waxa ay naftiisu ugu sheekaynayso, annaga oo halbolaha dhiigga uga dhow].
Annagu Alle waannu rumaysan nahay, waan xusnaa, waan tukannaa, Qur’aanka waan aqrinnaa, saddaqada waan la baxnaa, sidaas oo ay tahay dembiyo ayaannu galnaa. Sababtu waa maxay?
Sababtu waa in aannu cadawgii dhabta ahaa ka jeesannay oo aannu cadaw ka taag daran u jeesannay.
Alle waxa uu leeyahay:
{ إِنَّ كَيْدَ الشَّيْطَانِ كَانَ ضَعِيفًا }
[Shaydaanka dhagartiisu waa mid taag daran].
Cadawga dhabta ahi waa “Nafta”. Haah! Naftu waa sida bam saacadi ay ku xiran tahay. Bamkaas Aadanaha gudihiisa ku beeran Alle waxa uu suuradda Al-Israa’ ku yiri:
{ اقْرَأْ كِتَابَكَ كَفَىٰ بِنَفْسِكَ الْيَوْمَ عَلَيْكَ حَسِيبًا }
[Kitaabkaaga aqriso, maanta la xisaabtan naftaada ayaa kuugu filan eh].
Waxa kaloo uu suuradda Ghaafir ku yiri:
{ الْيَوْمَ تُجْزَىٰ كُلُّ نَفْسٍ بِمَا كَسَبَتْ لَا ظُلْمَ الْيَوْمَ إِنَّ اللَّهَ سَرِيعُ الْحِسَابِ }
[Maanta naf walbaa wixii ay shaqaysatay baa laga abaal marinayaa, maanta dulmi ma jiro, Allena waa kii ay xisaabtiisu soo degdegto].
Waxa kaloo uu suuradda Al-Muddathir ku yiri:
كُلُّ نَفْسٍ بِمَا كَسَبَتْ رَهِينَةٌ }
[Naf walbaa wixii ay shaqaysatay bay u rahman tahay (maxbuusad u tahay)].
Sidoo kale suuradda Al-Naazicaad waxa uu ku leeyahay:
{ وَأَمَّا مَنْ خَافَ مَقَامَ رَبِّهِ وَنَهَى النَّفْسَ عَنِ الْهَوَىٰ }
[Qofkiise la kulanka Rabbigiis ka baqa oo naftu waxa ay jeceshahay u diida].
Suuradda Al-Takwiir waxa uu Eebbaha hufani ku leeyahay:
{ عَلِمَتْ نَفْسٌ مَّا أَحْضَرَتْ }
[Naf waliba way ogtahay waxa ay lasoo shir tagtay].
U fiirso dhammaan Aayadihii aannu soo aragnay inay ku dul wareegayeen hal eray, kaas oo ah “Naf”.
Haddaba, waa maxay naftu?
Culumadu waxay leeyihiin ilaahyadii Alle ka soke la caabbudi jiray, sida; Laata, Cuza, Manaat, Suwaac, Wud, Yaghuuth, Yacuuq, Nasri, iwm., dhammaan ilaahyadaas waa la burburriyay, marka laga reebo hal Ilaah oo dad samee ah, kaas oo weli Alle ka soke la caabbudo.
Alle hufnaa oo sarree eh, waxa uu leeyahay:
{أَفَرَأَيْتَ مَنِ اتَّخَذَ إِلَٰهَهُ هَوَاهُ }
[Ka warran qofka rabitaankiisa Ilaahiisa ka dhigtay].
Aayadda micneheedu waxa weeye qofku rabitaanka naftiisa haddii uu u hoggaansamo, sharci iyo diin midna ilaalin maayo. Sidaas darteed, waxa aad arkaysaa in wixii uu doono uu samaynayo.
Jariimadii uu Qaabiil walaalkiis Haabiil ku dilay, Alle waxa uu ka yiri:
{ فَطَوَّعَتْ لَهُ نَفْسُهُ قَتْلَ أَخِيهِ }
[Naftiisa ayaa markaas ku riixday in uu walaalkiis dilo].
Qof dembi inta uu galay, ka shallaayay oo tawba keenay, marka aad weydiisid: “Maxaa waxaas in aad samaysid kuugu wacnaa?” Waxa uu kuugu jawaabayaa: “Shaydaan baa i siray”.
Hadalkiisaas micnihiisu waxa uu noqonayaa in fal kasta oo xaaraan ah uu Shaydaan ka dambeeyo, hase yeeshee warkaasi sax ma wada aha.
Dembiyada la galo iyo macsida waxa sabab u ah Shaydaan ama “Naf” oo iyadu ah mid xumaha u nugul. Shaydaanku waa qatar, waxase wax badan ka qatarsan nafta.
Sidaas darteed, Shaydaanku waxa uu Aadanaha kasoo galaa daaqadda illowshaha, isaga oo ku illowsiinaya abaalmarinta iyo ciqaabta. Taas oo jirta ayaad misana si kale xaaraanta ugu dhacaysaa. Rabitaanka naftaada ayaad u hoggaansamaysaa. Ilaah kugu dhex qarsoon baad caabbudaysaa.
Eebbe waxa uu Qur’aankiisa ku yiri:
{ وَمَا أُبَرِّئُ نَفْسِي إِنَّ النَّفْسَ لَأَمَّارَةٌ بِالسُّو }
[Naftayda beri yeeli maayo, maxaa yeelay naftu waa mid xumaha u nugul].
Haddii aad aqrinra dhammaysay, fadlan Nabiga “Nabadgelyo iyo naxariis Alle ha ku dhacdo” ku salli 💚💚💐
Sabriye Musse
20/09/2023
Nolashu waa fursad aynaan garaneyn illaa aynu weyno, Caafimaadkuna waa taaj madaxa u saaran dadka caafimaadka qaba oo ay arkayaan kuwa xanuunsanayaa oo kaliya. Nolashu way ku danqasaa qaadaysaa ka dibna cashar ayay ku siinaysaa. Dadku waxay badankooda u maleeyaan in ay nolashooda waayeen marka ay waayaan qofkii aadka ugu dheeraa, balse marka aad nolashaada waayaydo waa marka aad nafsaddaada dayacdo.
12/02/2023
Doqonka isaga oo is leh waxtar ayuu waxyeello kuu geysanayaa. Dhibaatada lama joojin karo ilaa aad dhaadhaanka dhabarka u jeediso.
28/01/2023
Aabahood wuu sadaqo badnaa, xilliga ay beerta u soo go’do seddex dhig midkood ayuu masaakiinta siin jiray, dardaarankaas ayuu wiilasha uga tegey, muddo markii ay dardaarankii aabahood fuliyeen, ayey ku tashadeen in ay meesha ka saaraan saamigii masaakiinta, waxa ay isku raaceen in ay xilligii beerta la goyn jiray ka soo hormaraan oo inta uusan waagu baryin lagu kala baxo, sidaasna masaakiintii uga gooyaan.
Toodii way noqon waysay, waxay soo kor istaageen beertii oo bas beeshay, way u qaadan waayeen, waxay damceen in ay waaqaca is diidsiiyaan, waxay isku sheegeen in ay wadadii ka soo lumeen.
قَالُوا إِنَّا لَضَالُّونَ
Lumitaankan ma aha kii hanuunka ee waxay ka wadaan in ay wadadii beertii ka soo habaabeen.
Markii meel ay ka aadan waayeen waaqicii, wado laga soo lumayna aysan jirin ayey damceen in ay cid kale dusha u saaraan oo waxay hadana dhaheen waxaan waa na loo diidan yahay.
بَلْ نَحْنُ مَحْرُومُونَ
Koodii ugu caaqilsanaa, horayna ay uga soo talo diideen ayaa yiri “sow horay idinkuma sheegin in aad Ilaaheey ka yaabtaan?” markaas ayey is garteen oo ay dhaheen?
قَالُوا سُبْحَانَ رَبِّنَا إِنَّا كُنَّا ظَالِمِينَ
“Ilaahayow adigaan kuu towba keenay oo aan kuu tasbiixsanaynaa, Waxaan ahayn kuwa naftooda dulmiyey”
Tusaalooyinka suurada ku jira waxaa ka mid ah
In ruuxii ama ummadii aan is dhaliilin (self criticism) oo aan khalad ka iska qabanin, waaqacana runta isaga sheegin, waxay yeeshaan dhaqan iyo caada lagu dulloobo oo dulmiga la isugu fiirsado. Waxay ku danbeeyaan in ay waaqaca is diidsiiyaan, eedana markasta duul kale dusha ka saaraan.
Waxaa la mid ah warka aan isku sheegno ee ah Inta sawirro qurqurxoon la soo dhigo meelaha la yiraa Soomaaliya way socotay, subaxa danbana 100 ruux hal goob lagu dilo, markaana aan dhahno dawladnimada duul kale ayaa naga hortaagan oo aan maciin badno aragtida dhagar- maleega.
Waanada kale ee suuradda ku jirta waxaa ka mid ah in haddii qolo isku dayaan in ay waaqaca ka fasax qaataan ayna dhalanteedka dhab moodaan in ay u baahan yihiin qolo waxgarata oo iyaga ka mid ah oo yiraahda war sidan sax maaha!
Waa laga yaabaa in dadkaas h**ey laga maqal oo huuhaada, dhalanteedka iyo dhab is diidsiinta ay muddo shaqayso, laakiin waxaa lagama maarmaan ah in dhabta loo soo noqonayo ee Soomaaliyey waaqac ka fasax qaadashadii way nagu dheeraatay ee aan waaqaca u soo laabanno oo aan dhabta iyo runta wajahno.
01/12/2022
Laba nin oo Badda lagu Harqiyaay ayuu Rabi inooga sheekeyay Nabi Yonis cs iyo Fircoon :-
1) Nabi Yonis CS Qoomkiisa ayuu la hadlaay oo uu ku dhahay Allah Rumeya hadii kale Cabad ayaa niilagu soo dajij ka dib waay diideen balse Caqli ayaay la yimadeen oo waxay dheheen hadii uu Ninkaan baxo " Nabi Yonis CS " Cadabta waa la soo dajina lakin hadii uu joogo cadab lama soo dajinaayo ee aan ilaalino Nabi Yonis CS .
Nabi Yonis cs waa uu baxaay isagoo aan amar allaah siina ' Nabi hadii uu hijroonayo allaah ayaa amar siiyo ' Cadabtii ayaa Lagu soo dajiyaay Qoomkiisa , Markaay arkeen Cadabtii waay rumeyen Allah waa tuu allah Quraankiisa ku leyahay :-
فَلَوْلَا كَانَتْ قَرْيَةٌ آمَنَتْ فَنَفَعَهَا إِيمَانُهَا إِلَّا قَوْمَ يُونُسَ لَمَّا آمَنُوا كَشَفْنَا عَنْهُمْ عَذَابَ الْخِزْيِ فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا وَمَتَّعْنَاهُمْ إِلَىٰ حِينٍ
Maxay u jiriwayday Magaalo rumeysa (Xaqa) oo uu anfaco Iimaankeedu, laakiin Qoomkii (Nabi) Yuunus markay Rumeyeen waxaan ka faydnay Cadaabkii dulliga ee Adduunka, waxaana u raaxaynay tan iyo Muddo. [ Quran 10:98 ] .
Balse Nabi Yonis waa uu baxay oo doon ayuu racay oo doontii badda ayaa ku kacday waxa la damcaay in dadkii laga tuuro , Qori tuur ka dib waxay ku soo aaday Nabi Yonis dadkii ayaa dhahay waa nin oliyo ah mar kale ha lagu celiyo waa lagu celiyey waxay mar kale u soo baxday Nabi Yonis cs doontii ayaa laga tuuraay oo badda lagu riday oo libiri ayaa laqay wana tii Quran allaah ku sheegay :-
وَإِنَّ يُونُسَ لَمِنَ الْمُرْسَلِينَ
Nabi Yuunusna wuxuu ka mid ahaa Rasuulladii (ladiray). [ Quran 37:139 ]
إِذْ أَبَقَ إِلَى الْفُلْكِ الْمَشْحُونِ
Xusuuso markuu ku dhuuntay (kucaray) Doontii buuxday.[ Quran 37:140 ].
فَسَاهَمَ فَكَانَ مِنَ الْمُدْحَضِينَ
Oo uu qoriritay noqdayna mid laga reeyey. (Baddana lagu tuuray).[ Quran 37:141 ]
فَالْتَقَمَهُ الْحُوتُ وَهُوَ مُلِيمٌ
Kalluunna liqay isagoo ladagaalay..[ Quran 37:142 ]
Markaas ayuu toxiidkii ku dhawaqay sidoo kale neh Gartay Danbigiisa waxa uu dhahay
ان لا اله الا انت سبحانك اني كنت من الظالمين
Nabi Yuunus (Xusuuso) markuu Tagay isagoo Cadhaysan una Maleeyey Inaanaan Cidhiidhyayn korkiisa oo uu ku Dhawaaqay Mugdiyada Dhexdooda Ilaah aan Adi Ahayn ma Jiro Nasahnaantaada Anigu waxaan ka Mid ahaa kuwa Daalimiinta ah [ Quran 21:87 ] .
فَٱسْتَجَبْنَا لَهُۥ وَنَجَّيْنَٰهُ مِنَ ٱلْغَمِّ ۚ وَكَذَٰلِكَ نُۨجِى ٱلْمُؤْمِنِينَ
Waana Ajiibnay kana Korinay Murugtii, Saasaana u Korinaa Mu'miniinta. [ Quran 21:88 ]
Markii la soo baxshay Allaah waxa uu dhahay
فَلَوْلا أَنَّهُ كَانَ مِنَ الْمُسَبِّحِينَ
Hadduusan noqonin kuwa Eebe u tasbiixsada (xusa)..[ Quran 37:143 ]
لَلَبِثَ فِي بَطْنِهِ إِلَى يَوْمِ يُبْعَثُونَ
Wuxuu kunagaan lahaa calooshiisa tan iyo maalinta lasoo bixin dadka..[ Quran 37:144 ].
2) Ninkii Furcoon ahay wuu isqaad qaaday oo waxa uu soo daba kacaay Nabi Muuse iyo Qoomkiisa reer bani israil isagoo dhahayo
إِنَّ هَٰؤُلَاءِ لَشِرْذِمَةٌ قَلِيلُونَ
Isagoo dhihi Kuwaasu «Banii Israa'iil» waa Koox Yar.[ Quran 26:54 ]
وَإِنَّهُمْ لَنَا لَغَائِظُونَ
Wayna Na cadho Galiyeen. [ Quran 26:55 ]
Markii Badda lees kugu imaaday oo baddi la kal jaceyl ee awood Allaah la tusaay Fircoon waa rumeyn wayaay oo badii ayuu soo dhax galay oo waa u muuqda Nabi Muse CS iyo Reer Bani israa'iil si uu u ciqaabi lahaa balse allaah ayaa baddii ku soo dayaay oo markii xaladu ku ximaaday oo naftii dhuunta u timid ayuu dhahay
قَالَ ءَامَنتُ أَنَّهُۥ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا ٱلَّذِىٓ ءَامَنَتْ بِهِۦ بَنُوٓاْ إِسْرَٰٓءِيلَ وَأَنَا۠ مِنَ ٱلْمُسْلِمِينَ
Wuxuu yidhi (Fircoon) waxaan rumeeyey inaan Eebahay rumeeyeen Bani Israa'iil mooyee Ilaah kale jirin waxaana ka mid ahay Muslimiinta. [ Quran 10:90 ]
ءَآلۡـَٰٔنَ وَقَدۡ عَصَيۡتَ قَبۡلُ وَكُنتَ مِنَ ٱلۡمُفۡسِدِينَ
(Eebe wuxuu yidhi) hadda (Miyaad rumeyn) adoo horay u caasiyey oodna ka mid ahayd kuwa wax fasaadiya [ Quran 10:91 ] .
U jeeda Qisadan waxaa waaye ' Rabigaag Garo xiligaad Barwaqada ku jirto wuxuu ku garan doona markaad jilicsan tahay ' .
Waxaan saxaay waxay ka ahadeen Allaah xakiisa waxaan Qaldaay Waxaay ka ahadeen nafteyda iyo sheydaan
19/11/2022
Sonkorta Jooji
Wacyigelinta Bulshada
Dhibaatooyinka Jireed iyo Maskaxeed ay leedahay Cunista Sonkorta waxa ka mid ah:
1. Daal fara badan. Marka ugu h**eysa uu qofka cunto, cabitaan ama macmacaan sonkorta ku badan tahay cuno energy-giisa ayaa kor u kacaya balse 30 daqiiqo ka dib marki jirka burburiyo sonkorti wuxuu dareemaa tacbaan, qofki oo jeclaada inuu iska fadhiyo oo waxba qaban
2. Maadada Xisaabta oo uu ku liito iyo guud ahaan Waxbarashada. Sonkorta & macaanka badan waxay qofka ka lumisaa feejignaanta iyo awooda uu diirada iyo xooga ku saaro waxbarashada
3. Miisaanka ayay kordhisaa oo cayil sababtaa maadaama kalooriyada (calories) ku jiraa uu jirku kaydsado. Wax nafaqo ahna ma leh
4. Cuduro iyo xanuuno halis ah oo ay ka mid yihiin cudurka macaanka iyo wadno xanuunka
5. Ilkaha oo suus ku dhasho, dalooshama kadibna dhamaada bakteeriyada sonkorta ee afka ku harta darteed
6. Shaki iyo buufis badan. Qofki oo u qaata in hadal kasta si shaqsi ah in loola jeedo. Warwar, murugo iyo qofki oo nervous iska ah inta badan
7. Caajis iyo wahsi badan ayay keenaan sonkorta iyo macaanka badan – Saynisyahano qaar waxay ku doodaan in xoogaa doqononimo ahna uu qofka ka qaado
8. Xanaaqa ayaa qofka ku bata – si deg-deg ah ayuu uga caroodaa wax kasta, sonkorta iyo macaanka oo jidhka ku badan dartood
9. Maqaarka qofka oo ay saamayn weyn ku yeelato, qofka oo wajiga iyo jidhkiisu yeesho laalaab iyo coodh-coodh, uuna ka muuqdo da’ ka wayn tan uu markaa yahay.
Soomaalidu waa dad aad u isticmaala Sonkorta. Waana sababta fadhiga noogu badan yahay, wax soo saarkana noogu yar yahay.
Jooji Sonkorta ama iska yaree si tartiib ah. Tijaabi hal Bil waxaad helaysaa energy badan, deganaansho, firfircooni iyo maadada Xisaabta oo aad ku fiicnaato
Adigu sidee isku tihiin cunista sonkorta?
Xigasho # Farah cawaash beeldaaje