Manchester Uited somalian fans

Manchester Uited somalian fans

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Manchester Uited somalian fans, Sports Team, Mogadishu.

22/08/2022

Ciyaartaan baan daawanayaa

Photos 06/05/2016

SOOMAALIYA:

QALINKII ::

Waa hoog, silic,saxariir iyo baaba’ bulshadeed, waa qarow iyo sas joogta ah oo qofkii akhriyay ama eegtay aflaantii laga sameeyay Shiinaha uu Gumeysiga Ingiriiska ku dhacay markii uu xusuusto waxaas.

Ingiriiska hubka uu shiinaha kula dagaalamayay wuxuu ahaa hub ka halis badanaa hubkii Maraakiibta Dagaalka, Diyaaradaha Madaafiicda IWM, waxaad is weydiin kartaa qofka aan la hadlayo, waa qofka taariikhdaas iyo aflaanta laga sameeyay shiinaha, ee muxuu ahaa habkaa ma Nukleyr buu ahaa, ma sun kiimiko oo la buufiyuu ahaa iyo Su’aalo kaloo fara badan.

Hubkaa wuxuu ahaa mukhaadaraad ama maandooriye waxaana loo baxshay “Dagaalkii Afiyoonka’ “ LA GUENA DELL OPPIO” malaayiin iyo malaayiin dadka shiinaha ah ayaa noqday qalfoof, lafahooda harag unbaa saarnaa, qofka aadanaha ah ee caadiga ah ee markaa booqanayay shiihana marka h**e wuu ka naxayay, marka xigtana wuu u naxayaa waa hadduu qof damiir leh yahay ee aadanuhu walaala yahay.

Dadka Shiinaha waxaa ka badbaadiyay saxariirtaas hogaamiyihii weynaa ee shiinaha iyo madax ka h**eysay oo halgankooda aanu muuqan.

Waxaa Mao Tsi shu Enlay iyo madaxda kaloo xisbiga arkeen in dadka shiinuhu ay u duleysnaayeen xashiishada, Marjuwaanaha iyo Obbiyaha ama afiyuunka wuxuuna ka horjoogsaday in ay arkaan nolasha xun ee ay ku nool yihiin, Inay illaawaan taariikhda ilbaxnimo ee shiinaha iyo Aqoonta ay u fidiyeen Aadanaha, halgankii lagala horjeeday Gumeysiga waxayna noqdeen badankood dad daroogada ay dilootay.

Socdaalkii dheeraa ee loo baxshay “LA LUNGA MARCIA” ee Mao Tsi Tung hogaaminayay ayaa madaxdii xisbiga shuuciga ee shiinaha waxay ku dhisayeen garaadka Siyaasadeed ee dadka Shiinaha, dhulalka baaxada leh ee shiinaha oo ay dhex marayeen, isla markaana ay ku faafinayeen mabaa’didii shuuciyada, loogama hadli karo taariikhdaasi Sadaro haatan aan qorno iyo jiridda ama Abuurkii uu ka baxay horumarka aan shiinaha laga xasdi Karin ee ay gaartay.

Ronald Reagan Madaxweynihii Maraykanka isagoo arkay halista daroogada u leedahay Dalka Maraykanka ayuu xooga saaray la dagaalanka daroogada ka soo gasha qaarada laatiin Ameerika .

La dagaalanka Ronald Reagan ee maandooriyaashu wuxuu heerkiisu gaaray ilaa diyaarado dagaal uu kacsho, meel kastoo qaarada ay kaaga taal beer daruugana uu gubo, illaa haatan Dalka Maraykanka aad ayuu ula dagaalamaa kooxaha ka ganacsada daroogada, la dagaalanka Maraykanka uu la dagaalamayo kooxaha argagixisada Daalibaan kuma eko oo keliya dagaal mabaadii qaacida balse waxaa la socdoo kale dagaal kale oo ah gubidda beeraha xashiishka ee Afgaanistaan

Daroogada oo lacag fara badani ka soo gasho Daalibaan oo ay ka iibsadaan kooxo Maafiyo Maraykan, Yurub iyo Aasiya u dhashay, isla markaana daroogada waxa ay duleysay dhalinyaro badan oo reer Afgaanistaan ah.

Istaraatiijiyada Xoogaga Mucaaradka ee Beer daroogo

Waa talo ugu timid Alqaacida, waxaana sida khubaro beerista daroogada oo Afgaanistaan iyo Bakistaan u dhashay, kuna dar dhiira galin ay ka helayaan kooxaha ganacsatada ee Maraykanka iyo Yurub.

Wax ka ogaanshaha sheekada daroogada ee Beesha Caalamka waxa dhaxalkeeda uu noqday in shaaca laga qaado xanibaad lagu soo rogay lacagihii dunida u yaalay horjoogayaasha kala ah: Axmed Godane, Xasan Daahir, Mukhtaar Mansuur iyo Xasan Turki.


Beeraha halkee laga Abuuri donaa?

Inta aannaan guda galin ka hadalka beerahaasi daroogada aan is weydiino xashiishka IWM ee ba beeraa waa side? Waa balaayo waxaan xasuustaa waagii kacaankii Markisiimada tinniinisnimada aaminay, in ilaahay suubbane sareeye jirana inkiray.

Waagii kacaanka waxaa jiray waax Booliska Soomaaliyeed ka tirsan oo la oran jiray “Waaxda la dagaalanka maandooriyaasha” waaxdaasoo jirtay ka hor kacaanka .

Marar duullaan lagu qaadi jiray meelaha ama dadka lagu tuhmo in ay xashiishka laga isticmaalo, marbaa war soo gaaray waaxda la dagaalanka daroogada ee taliska Booliska warkaasoo sheegayay in Mudul ku yaalla degmada Afgooye laba sariiroodna yaalaan uu ka baxo xashiis!!.

Hadalkaasi waa mid qofka maqlaa aanu rumeysaneyn, waayo waxa dhulka ka baxaa qorraxda ayeey u baahanyihiin sidoo kalana hawada k**a maarmaan, saasoo ay tahay xashiishkaasi isagoo bislaashihiisu soo dhaw yahay ayuu baxay, dhacdo kale oo layaab laheyd ayaa iyana dhacday taasoo ku tuseysa in xashiishku aanu u baahneyn Biyo badan.

Baliiskii, weliba waaxda “narkootikada” ama maandooriyaasha ayaa mudo dheer waxay daba socdeen cilin ahaa, misna madax weynaa , oo side cilinkaasi xashiishku u cabi jiray, dadkuna aad bay ugu soo shamuumi jireen yacnii ugu soo shiri jireen.

Baliiska waxay is weydiiyeen farxadda badan ee maalin kasta ah ee cilinkaas waxay daba socdaanba mudo kadib, ayeey ogaadeen ninka kadib markii jirdil badan ay ku sameeyeen, cillinku wuxuu u sheegay in aanay is daalin, kaalaya oo isoo raaca ayuu ku yiri biliiskii, meel qarsoodi ah iyo rag ka ganacsada maandooriyaha ayeey maleynayeen in ay daboolka ka qaadi doonaan isla markaana sidaa qaarkood lagu dalacsiin doono.

Cilinkii xashiish cabaha ahaa haatan sidaan maqlayna geeriyooday wuxuu biliiska ku yiri “taliska booliska meelaan ka fogeyn ayuu geeyay, beer uu leeyahay ayuu tusay, waxay aheyd meel dhir qalalan ku taallo, dhirta gudaheeda ayuu geeyay, wuxuuna tusay xashiish baxaya uuna mar dhaw guran lahaa, intaa kuma ekaane jirdiimooyinkii Dowlada hoose agahooda kuwa kalaan ku lahaa , waxayna ugu yaaleen wadooyinka labada laami dhexdooda ah dhirta dolwada hoose ayuu ka qeyb ahaa maandooriyaha.

Waaxdii Markootida waxbaa u baxay taasoo macnaheedu yahay waxbaa u kordhay, waxaa u kordhay biliiska in qofka keli ahi uu xashiish ku filan ka heli karo agtiisa .

Hadaba maxaad is weydiineysaa ? waxa ugu h**eeya waa sida ay Soomaaliya ajaaniibta khibrada ku leh beerashada ganacsi ahaan ee xashiishka , waxaase la yaab sii leh in ay u dagantahay istaraatiijiyad dheer oo ah in Soomaaliya loo bedalo beero xashiish, waxaa degsan in Saakow, agagaarka Bu’aale, Jubadda hoose oo dhan, jubadda dhexe, shabeelaha hoose iyo shabeelaha dhexe iyo meel kastoo webiyada Shabeelle iyo Jubba ka agdhaw suurta galna ay tahay in ay ka dhismaan Biyo xireeno..

Ujeedada Biya xireenada ma ahan in Dalka lagu barwaaqeeyo, baahida dadka laga baxsho isla markaana Soomaaliya oo dhan laga dhigo Dal ku horumaray dhanka warshadaha Sida dunida maanta ku faanta horumarka dhaqaale.


Maya, ujeedadu sidaa ka fog , ujeedadu waa sida ay mar walba sheegaan in waligii Dagaalka loogu yeeray jihaadka uu socdo, jihaadka ugu weyn Islaamka waa kan lala gala Nafta sida ku cad qur’aanka alle aayada macnaheedu uu yahay “Naftu waxay dadka amartaa Xumaha” hadaba jihaadka joogtada ah ee Islaamka waa la dagaalanka xumaanta, dadka macna darada leysaga leynayo, nin jecleysiga iyo anaaniyada oo la joojiyo ayuu islaamka farayaa ummada sida wanaagsan u raacday, dariska oo ku nabad galiya adna aad nabad galiso ayaa horumar lagu gaaraa , dariska kaliya ma ahan gurigaaga kan ku dhagan iyo xaafadaada, balse waa xitaa deriska bulsho ama dowlad deris kula ah, isku diin ahaada ama ha ahaaninee.


Al-qaacida waxaas liiska uguma jiraan, waxaase balo iyo baas ka badiyay kooxaha afka iyo adinka Soomaalida ka ah ee Dowlada ka soo horjeeda oo b**b iyo dhac ku haya xawaaladihii, shirkadihii isgaarsiinta,xittaa macdaaradii oo aan ula jeedo dukaanleydi yaryareed dad daroogeysan iyo macalimiin sixiroola yaal ah oo reer Afgaanistaan ah ayaa Soomaaliya qasaya.


Afrika, Beesha caalamka oo idil xaqaa’iq kuwaa ka waa weyn ayaa maalin walba soo baxa, waa la fududeynayaa arrintuse ma fududa halisbaa jirta, da’o “Generation” Soomaali ah oo halis ah ayaa la barbaarinayaa ee ha laga soo gaaro.

Photos 06/05/2016

Qalinkii:

Nin Somali ah baa magangalyo ka codsaday wadanka Norway ama iska dhibay wadanka Norway, marka ninki waxa la geyay kaam ku yaalo waqooyi oo aad u dad yar. Ninki waxa loo diray caafimad, kadib niinkii waxoo aaday isbitaalka, waxo la kulmay dhakhtarko. dhakhtarkii baa u diray in u kaadida iska qado waxaa la soo siiyey caag yar oo la yiri ku so kaadi caagii ku shubay xoogaa wuxuu dhigay meel suuliga dhex diisa ah si uu arootii u xasuuto marku suuliga galo oo u qado islaantiisii oo uur hal bil ah qabta oo aanu ogan baa suuligii u dhaaftay caajii oo meesha yaal bay aragtay markaas bay mooday in caruutu ku kaadiday suuligay ku shubtay markay cabaar joogtay bay xasuustay in uu odaygeedu laha iyan waa ka biqi jirtay markaas bay tiri oo hadan tayda ugu shubay muxu ka garnayaa teedii bay gadhka u gelisay caagiina meeshiisii bayku celi say isagoonwaxba oganay baa arootii kacay caagii oo aanu eegin buu dhegta qabtay dhakhtarkii bu la hor fadhiisatay waa laga qaday jawabta sug balayiri cabar ka bacdi baa wax ku soolaabtay naagtii u ahayd dhakhtarada markaas bay tir war balkalay naag tur juban o o meesh joogtayan wa au yeertay markaas bay tiri ninkan waxaa lagu arkay wax aan raga kale lagu arag e usheeg markas buu yiri waa maxay markaas bay tiri wax kaa soo baxay uu laba bilood ah nin kii hadal iska daaye waa neefsan waaye

Photos 06/05/2016

&

Qalinkii:

Bilowgii sideetaneeyadii ayaa aqoonyahanno Soomaali iyo shisheeye ah waxay dejinayeen khariidad (Topography ) waa khariidooyin dhulka oogadiisa bartilmaameedyada ku yaal lagu qoro, ama baxaali ha ahaadeen ama kuwo dadku samayey ha ahaadeen.

Iyagoo Laaso-Dawaco jooga ayaa aqoonyahan Soomaalida ka mid ahaa wuxu ku yiri mid kale: waxad jiiddaa xarriiqin isku xirta tuulooyinka Laaso-Dawaco iyo Ceel-Doofaar, kadib laba xaglood oo cabbirkoodu yahay 90* digiree ka jiid, laba xarriiq oo is barbar socda ilaa futa-biciid, maalmaha soo socda aaggaas ayaan ka hawlgeleynaa.
Waa soo noqoonayaa oo shaah baan inoo raadinaya.
Sarkaalkii kale waa yahay ayuu yiri
Sarkaalka dambe Xamar buu ku dhashay , aqoon waxbarasho oo uu dibadda u aaday mooyee gobollada haddaa ugu hora, arag in tuulooyinlka magacyo dugaag loola baxo.
Labadii toolo ayuu xarriiqin isku xirta jiiday, labadii xaglood ayuu sameeyey, wuxu raadiyey Futo-Biciid oo ay ahayd in labada xarriiqood ku dhammaadaan, weliba wuxu u gartay in laba meelood oo Futo-Biciid la yiraahdo ay jiraan, kol haddii labada xarriiq is barbar socdaan oo aaney marna is taabaneyn, asagoo ku wareersan ayaa saaxiibkiis u soo noqday, wuxu u sheegay inuu la raadiyo halka ay ku taal Futo-Biciid.
Saaxiibkiis qosol buu la dhacay.
"Fogaa ma futo biciid baa"

Photos 06/05/2016

Sida aan ognay dhaqankeenu waxa uu ku salaysanyey ,miyi.Waxaa soo raaca beeralayda reer miyigu waxa uu ahaa xoolo dhaqato magaaladana waxay ka bilaabay beeralayda.qoyskasta oo xoolo dhaqato ah carruurtoodu marka ay waynaadaan waxay ku eegi jireen qofkastaa in uu barto raacida xoolaha iyo waraabinta xoolaha iyo sahaminta qoysnimo iyo soo ilaalinta meel tayo leh oon dulin lahayn,dulinkaas oo ah cayanaan cuna dad iyo duunyaba.Markaas wiilkii ku filnaada arimahaas aa soo sheegnay waxaa la odhanjiray hanad waliba waxaa u dheeraa ninkaa hana inuu barto dhaqamada beelaha pp dhan xeer hoosaadyada qabiilooyinka iyo inuu tago geedka taladu taallo ee looga arriminayo qabiilkooda.Markaas kolkuu ka adkaado intaas oo arrimood wuxuu la magacbaxaa hanad,ninkaas baana hanta talo io duunyadii miyiga.waxaa intaa soo raaca wiil ay hadan walaalo yihiin oo ka soo bixi waaya intaa aynu soo dheegnay.wuxuuna la magac baxaa Dayro oo waa la dayriyaa ama la eryaa.markaa la eryo,marka la eryo ama la dayriyo waxa uu tagaa beeshii wuxuuna u socdaalaa meeshii uu safarkoodu tagi jiray oo ahayd beeralaydii ay xoolaha kaga soo badalan jireen raashinka oo loogu yeedhay magaalo,Waxaa markaas la bilaabay in beeralaydii xoolohii dibada u dhoosifo si ay u helaan ascaar ka badan intay ka helayeen beerahooda.Marmaa waxaa u furmay suuq ininkii dayro la o dhanjiray ee la soo dayriyry miyigii.Dayro wuxuu uu noqday nin deegaan ku ah magaalo oo lagu barto.Dababdeed waa uu ka guursaday oo waxa uu dhalay carruur badan dayro iyo caruurtiisuba xay geestaanw axa aloo doontaa Hanad oo walaalkii ah kuna nool miyigii Dayro waxa looga taliyaa miyiga Dayro caruurtiisii wax bay wada barteen,halka Hanad iyo caruurtiisi ay barteen dhaqanka iyo sida xoolada loo raaco Dayro caruurtiisii waxa y heleen fursado ay ku tagaan jaamacado dibada ah oo laga yaabo in gumaysiguba uu wax ka dhigayey iskuuulada ay ku jireen,una qaaday dibad.markay ka soo qalin jabiyeen jaamada waxay ku soo laabteen waddanka oo uu dadku u kala soocmeen miyi iyo magaalo.Waxay Dayro carruurtiisii markay ka soo noqdeen dibada waxna soo barteen,aabbo annag wax baannu soo barannay,lakiin ma naqaano dhaqankeena oo adaayaqaan,annaguna aannu samayno wax la yidhaahdo dawlad.Balse hadaba Dayro mayaqaano dhaqan ,mana soo fadhiisan geed lamana yaqaanno oo waatii miyigana waa laga soo eryey ee laga dayriyey,si kastaba aha ahaatee taladii Hanad ee miyiga taalay waxay u soo wareegtay magaalo.Waxa uu la talo noqday Dayro iyo carruurtiisii dabadeed waxaa cayn bareegay hanashadii iyo xejintii xoolaha iyo talada iyo dhaqankii miyiga,sidaa darteed soomaalidu waxaa ka lumay dhaqankii iyo taladii soo jireenka ahayd ee miyiga,waxaana u raacay aduunyada oo gabaabsi ah mana laha beero kufilan iyo badrool iyo wax ay dhulka kala soo baxaan sida macdan iyo wixii la mid ah Xigasho

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Address


Mogadishu