GoolkaTv

GoolkaTv

Share

Welcome to the Official page of the GoolkaTv

30/06/2026

Maxaa ka jira cabashooyinka Kooxaha kubadda cagta? iyo shirweynihii dhawaan dhacay ๐Ÿ‘€๐Ÿ‘€

20/02/2024

Somalia Vs Eswatini isreeb-reebka hordhaca ah ee koobka qaramada Afrika 2025 lagu qaban doono dalka Morocco.

17/01/2024

"Ciyaaraha 29-ka bilaabanaayo, waxaan heynaa oo tikidho jartay in ka badan 40,000 (Afartan kun oo qof) oo ka jartay Application-ka NASDA.

8-kulan oo tartanka ah & lacagaha laga qaaday shirkadaha xayeysiimaha waxaa la yiri waa 65,000 (Lixdan & Shan Kun) Adigu is waafaji marka.

Adiguba garsoore noqo.

Photos from GoolkaTv's post 16/01/2024

GO'AANKA KGS EE TARTANKA?

Wax badan ayaan ku celceliyay in K/ Galbeed iyo bulshadeeda aysan diyaar u aheyn tartanka, kuna soo laaban doonin Muqdisho.

Go'aanka waa sidii, waana xaqiiq masoo laaban doonaan, mana sii ciyaari doonaan tartanka sida uu xaqiijiyay Axmed Doolar oo ah gudoomiyaha ururka kubadda cagta KGS.

Sidoo kale Axmed wuxuu eedaha dhibaatooyinkii soo gaaray dusha uga tuuray dayaca Wasaaradda Dhalinyarada & Ciyaaraha.

Wuxuu ka dhawaajiyay Wasiirka Dhalinyarada & Ciyaaraha JFS Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud inuu ku fashilmay agaasimka & qurxinta tartanka, sidaas darteedna ay kubadda cagta u qurux badan tahay inuu ka hor wareego.

KGS waxey leedahay ciyaaraha waa la siyaasadeeyay, waana in laga dhex saaro ๐Ÿค

Sidee u aragtaa? ๐Ÿ‘‡๐Ÿฝ

16/01/2024

XOG:koonfur galbeed oo ay maanta gaareen wafdi ka socda xiriirka ayaan wax iska badeli doonin goโ€™aankii ay horay u gaareen. Dhawaan lasoco ๐Ÿ‘€

Photos from GoolkaTv's post 16/01/2024

Sawirro: Wafdi ka socoda Xiriirka Kubbadda cagta & ururada kubbadda Cagta Maamul Goboleedyada iyo Maamulka Isboortiga Gobolka Banaadir ayaa gaaray Magaalada Baydhabo.

Wafdiga ayaa la kulmi doono madaxda ururka kubbadda cagta Koonfur Galbeed , ciyaartooyda iyo qeybaha kala duwan ee kubadda cagta Koonfur Galbeed.

Photos from GoolkaTv's post 15/01/2024

KOONFUR GALBEED LA,aanteed waa la socon waayay gabi ahaanbta tartankana waa la joojiyay:

Guddi heer sare ah ayaa biri aadi doona magaalada Baydhaba kuwaasi oo kooban Xiriirka kubadda cagta,Wasaarada Dhalinyarada iyo cayaaraha iyo guddi kale oo heer federdaal ah oo wasiiro iyo xildhibaano kuwaasi kusoo qancin doona koonfur Galbeed sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen Muqdisho oo tartanka dib usii amba qaadaan balse taasi suura galmadeeda aad ayay u adagtahay.

Lama oga waxa ay ka yeeli doonaan Koonfur galbeed inkasta si wanaagsan loo qaabili doono guddigaasi waxayna la fadhiisan doonaan madaxda Sportska iyo kuwa dowladaba Koonfur Galbeed si ay u aqbalaan in ay tartanka dib ugu soo laabtaan.

Ogow koonfur galbeed waa xubin kamid ah dowlada goboleedyada,xiriirka kubadda cagta oo saameen balaaran ku leh siyaasada iyo sportska dalka.

HIRSHABELLE DHIBCIHII AY XISAABSADEEN EBER MIYAA?

Photos from GoolkaTv's post 15/01/2024

Warsaxaafadeed ka soo baxay xiriirka ee ku sabsan arinta koonfur galbeed.

Photos from GoolkaTv's post 15/01/2024

Sawiro :- Guddiga fulinta xiriirka Kubadda Cagta iyo Ururada kubadda cagta dowlad goboleedyada & gobolka Banaadir Ayaa manta Iskugu Yimid Shir aan caadi aheyn waxaana looga arinsanayay Xaalada Tartanka Dowlad Goboleedyada & Gobalka Banaadir Waxuuna Goordhow Xariirka Soo Saari Doonaa Warsaxaafadeed Ku Aadan Shirkaas .๐Ÿ‘๏ธ

14/01/2024

FIFA marka ay go'aan ka qaadatay in Siyaasadda iyo Kubadda Cagta la kala fogeeyo micno weyn ayaa ku jiray.

Laakiin Soomaalida hadda ayay dib u fahmi doonaan..โ—๏ธ

Dhagax iyo Dab la iskuma dhuftee kala dhowraay..
Ciyaartooyda soomaaliyedAbdi Osman DaameyAbdi Osman DaameySaid Ibrahim Hussein

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address


Maka Al Mukarama
Mogadishu
252