05/12/2024
Guddoomiyihii h**e ee جيل الأمل - Hope Generation ahna xubin ka mid ah Golaha sare ee jiilka Ustaad Maxamed Barawaani , ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tegay iskuulka Al Kowther Model, halkaas oo uu kula kulmay ardayda, macallimiinta, iyo maamulka iskuulka.
Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaalada ururka ee kor u qaadista wacyiga dhallinyarada iyo dhiirrigelinta ahmiyadda ay leedahay waxbarashadda.
Ururka Hope Generation wuxuu sii wadi doonaa dadaalladiisa ku wajahan kobcinta dhallinyarada iyo dhismaha jiil awood leh oo maskax ahaan, jismi ahaan iyo ruux ahaanba diyaar u ah inay saameyn togan ku yeeshaan bulshada.
Waxaan u mahadcelineynaa maamulka iyo macallimiinta Iskuulka Al Kowther Model sida diirran ee ay noo soo dhaweeyeen.
19/11/2024
Ururka Jiilka Rajada Soomaaliyeed جيل الأمل - Hope Generation ayaa soo agaasimay aqoon iswaydaarsi cinwaankiisu ahaa “XEERARKA DOORASHOOYINKA DALKA IYO MATALAADDA SHACABKA” uuna soo jeediyay Xeel dheere sharci Adv. Cabdiqaadir Shaylilaahy.
Waxaa kulanka ka soo qayb galay arday iyo dhalinyaro aad u danaynaysay Mawduuca aqoon iswaydaarsigan.
Jiilka Rajada Soomaaliyeed waxay u taaganyihiin Sare u qaadidda wacyiga iyo aqoonta dhalinyarada Soomaaliyeed.
17/11/2024
Xafiiska Siyaasadda ee Jiilka Rajada Soomaaliyeed wuxuu agaasimayaa kulan wacyi dhis dhalinyaro ah oo la xiriira (XEERARKA DOORASHADA IYO MATALAADA SHACABKA).
Kulankan waxaa xog faahfaahsan oo Mawduuca xeerarka doorashooyinka la xiriira nagula wadaagi doona Xeeldheere sharci Ustaad Adv. Cabdiqaadir Shaylilaah.
Goobta kulanka: Hall - Taleex - Deg. Hodan.
Maalinta: Talaadada
Taariokhda: 19/11/2024
Saacadda: 04:00pm.
13/11/2024
Dhamaan madaxda iyo xubnaha Ururka جيل الأمل - Hope Generation waxay hambalyo qalinjabin farxad leh u dirayaan Gudoomiyaha Faraca Heliwaa ee Ururka Mudane Cabduqaadir Mukhtaar Nuur oo ka qalin jabiyay Master degree in Economics, Universiti Utara Malaysia (UUM) .
Cilmiga aad baratay mid anfac leh Allaha ka dhigo. Guulo kale oo badanna waan kuu rajaynaynaa inshaa Allaah.