04/12/2022
Wasiirka Wasaaradda kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah (Blue Economy) ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Hassan Aaden ayaa ka qeybgal furitaanka madasha sanadlaha ah ee aragti wadaagga oo uu soo qaban qaabiyey mahadka daraasaadka Siyaasadda ee Heritage.
Madashan oo lagu qabtay magaalada Djibouti ayaa sannadkan diiradda lagu saarayaa saameynta isbadalka cimilada iyo Colaadaha Geeska Afrika.
Wasiir Ahmed Hassan Aaden oo bogaadiyey madashan ayaa ku tilmaamay in ay tahay madal kulmisay labeenta Soomaalida islamarkaana uu rajeynayo in ay kasoo baxaan wax wanaagsan oo xalal waara u noqda saameynta ka dhalatay isbadalka iyo colaadaha geeska Afrika.