25/02/2026
Waxaa galabta si rasmi ah uga bilaabanaya garoonka Xaaboole arena koobka ramadaanka ee xaafadda Xaaboole fc.
Koobka oo ay isugu jiraan heerarka kala duwan ee B,C iyo D da ayaa waxaa lagu daahfurayaa kooxaha kala ah Hormuud VS Himilo.
Nagala soo qeyb gal ciyaarta.
11/01/2026
Kooxda Xaaboole fc heerkeeda serie D da ayaa wada diyaargarowgii ugu dambeeyay ee koobka dhowaan laga furay garoonka Boobe stadium ee magaalada Qardho.
Kooxda ayaa sameyn doonta tababaro kale inta ka hartay kulamada kusoo wajahan,gaar ahaan kulanka ay ciyaari doonto maalinta khamiista.
02/04/2025
Waxaa galabta si rasmi ah usoo gaba-gaboobay tartanka bisha ramadaan ee Xaafadda Xaaboole gaar ahaan heerkeeda serie (C iyo D) da kaas oo sannadkan loogu magac-daray alle hau naxariistee ciyaaryahankii h**e ee kooxda C/jibaar C/risaaq.
Tartanka ayaa waxaa kasoo qeyb galay marti sharaf kala duwan oo uu ka mid yahay taliyaha saldhigga xaafadda Xingood taliye Sakariiye Dalmar Cali.
Ciyaarta final ka ayaa waxaa kasoo qeyb galay taageerayaal aad u faro badan, iyada oo ay ciyaartu ay kusoo dhammaatay si qurux badan.
Waxaa abaal-marino kala duwan la guddoonsiiyay ciyaartoydii bandhigga cajiibka ah soo bandhigtay muddadii uu socday tartanku.
27/02/2025
Kooxda Xaaboole fc heerkeeda serie D da ayaa waxa ay koobka ramadaan ee sannadkan 2025 ugu magac dartay alle ha u naxariistee ciyaaryahankii h**e ee kooxda Xaaboole fc C/jibaar.
Lixda kabtan ee kala hoggaaminaya 6 da kooxood ee ciyaari doona tartanka ayaa waxaa laga qaaday sawirada diiwaanka ah.
Koobka ayaa waxa uu furmi doonaa horraanta bisha barakeysan ee ramadaan ee innagu soo aadan maalmaha soo socda, isaga oo uu koobku ka furmi doono garoonka ay ku ciyaarto kooxda heerkeeda (D) da.
16/01/2025
Inaa lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun 😭
Dhammaan bahda howlwadeennada, shaqaalaha iyo ciyaartoyda kooxda Xaaboole FC waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii uu ka baxay C/jibaar C/risaaq Maxamuud.
C/jibaar ayaa kamid ahaa ciyaartoyda kooxda, sidoo kalena waxa uu ahaa kabtankii ugu dambeeyay ee kooxda heerkeeda serie (C) da.
C/jibaar alle ha u naxariistee waxa uu ahaa mid kamid ah ciyaartoydii ugu akhlaaqda iyo xirfadda badnaa ee soo mara kooxda dhammaan heerarkeeda kala duwan.
05/07/2024
Kooxda Xaaboole fc, heerkeeda serie (D) da ayaa taaiikhdu markii ay ahayd 4/7/2024 kulan Kubbadda cagta ah kula ciyaartay garoonka Mire Awaare, kooxda dhiggeeda ah ee Warshadaha fc(Qaxootiland).
Kulanka ayaa ku bilowday si qurux badan, isaga oo na kusoo dhammaaday si wanaagsan oo ay xushmadi ku jirto, iyada oo ay garoonka kasoo qeyb galeen taageerayaal faro badan.
Ma’aha markii koowaad iyo markii labaad iyo markii saddexaad ba,ee ay kulan sidaan oo kale ah ay wada ciyaaraan kooxaha Xaaboole FC iyo Warshadaha FC, aynna isku muujiyaan xushmad, mana noqon doonto markii ugu dambeysay.
Labada kooxood ayaa ah laba kooxood oo aad iskugu dhow, sidoo kalena waxay leeyihiin xiriir qoto-dheer oo soo jireen ah.
Xaaboole Academy C
03/07/2024
Kooxda Xaaboole fc heerkeeda serie (D) da ayaa maalmihii lasoo dhaafay safar ugu baxday gobolada Nugaal Iyo Sool.
Kooxda ayaa maalmihii ugu dambeeyay booqatay,kulamana kusoo dheeshay magaalada Laascaanood Ee xarunta gobolka Sool.
Kooxda ayaa si fiican loogu soo dhoweeyay magaalooyinka Laascaanood iyo Buurtinle, iyada oo ay kooxdu kala kulantay kooxaha kubbadda cagta ee dhiggeeda ah soo dhoweyn heer sare ah.
Ciyaartoyda kooxda ayaa sidoo kale booqday goobaha taariikhiga ah ee loo dalxiis tago ee ku yaalla magaalada Laascaanood.
Kooxda ayaa rajaynaysa in ay maalmaha soo socda ku sugnaato aynna kulamo ku ciyaarto(haddii ilaahay oggolaado) gobolada sool iyo nugaal.
Xaaboole Academy C
16/12/2023
Kooxda xaaboole fc heerkeeda (D) da ayaa markii ugu horreysay ku ciyaartay funaanaddeeda cusub ee away ka.
Shalay oo jimce ahayd taariikhduna ku beegneyd 15/12/2023 ayay kooxdu ku daah-furtay garoonkeedda iyada oo la ciyaartay dhigeedda waqooyi fc.
30/07/2023
Mahadsanidiin xaaboole serie B 👏👏
23/07/2023
Safarkii kooxda xaaboole fc ay ku aaday gobolada nugaal iyo mudug ayaa soo gabogaboobay, waana tan xogta kulamadii ay kooxdu dheeshay :-
◉ 6 Kulan 🏟️
◉5 badin ✅
◉ 1 bareejo 🤝
◉ 16+ Dhibcood
◉ 0 guuldaro ❌
◉ 15 Goals scored ⚽️
◉ 3 Goals conceded ⛳️
◉ Win percentage 88.89%
Waxa uu safarkan noqday kii ay kooxdu ugu bandhiga wanaagsaneyd intii ay jirtay abid,ayna hesho boqolaydii guul ee ugu badneyd waxana ay kooxdu soo bandhigtay qaab ciyaareed ka wanaagsan kii markii h**e laga filayay.
Safarkan waxa uu noqday safar iyo xasuus aysan marnaba kooxdu ilaawi doonin abid.