31/07/2025
Bismilaah
Waxa soo xidhnay tartanka kooxaha heerka koowaad ee Degmo taasoo ka socdayba maalmihii u danbeeyay halkaasi,
Waxa tartanka ilasoo xidhay Gudoomiya Xidhiidhka kubada Cagta Captan Dhalo iyo madax kala duwan
Waxa aanu u haynaa shaqada dhalinyarada inaanu mar walba u qabano tartamo horumarinaya hibadooda kubadeed min degmo ilaa caasimad.
22/07/2025
Xafiiska Isuduwaha Wasarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha G/Sool waxa uu ka shaqeenayaa mar walba inuu xafiisku qabto hawlaha shaqo ee loo igmaday taasoo ah in dhamaan degmooyinka gobolka Sool inuu ka hirgeliyo tartamo joogta ah si siman,
Galabta waxaa daahfurnay Tartanka kooxaha heerka koowaad Ee Degmada kaasoo ay ka qayb galayaan kooxood ee heerka koowad ee degmadaas.
Waxan dhamaan ku dhiirigelinaynaa dhalinyaradu inay u diyaar garoobaan tartamo joogta ah meel kastay joogaan waxaanuna xaalad walba u shaqeenaynaa waa dhalinyarada deegaanka oo dhan.
........
11/07/2025
Bismilaaah....
Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa soo qabanqaabisay kulan lagu wayneenayo madasha wada tashi ee Shirweynaha dhamaystirka Dowlad Goboleedka SSC Khaatumo.
Sidoo kale doorka bahda kubadda Cagta Caasimada ayaa si wayn ugu bogaadinaya xukuumada talada haysa arrimaha siyaasiyeed ee dhamaystirka dowlad gobaleedkooda.
Gelinka danbe ee beri oo Sabtiya ayaa lagu qaban doonaa kulankan garoonka caasimada Abdi Bille Abdi Stadium iyadoo ay kasoo qayb galayaan dhamaan madaxda kala duwan ee ku sugan caasimada.
Gobolada Sool iyo Sanaag ayaa kulankan ku Casuuntay Wasaaradu,
Horey Usocod Insha Allah ๐๐
05/07/2025
Bismilaaah......
Waxaa maanta degmada Daarasulaam Ex ( ) kasoo daahfurnay tartan aad u qiimo badan oo lagu xusayay mujaahidiin kamida mujaahidiintii dadkan iyo deegaankan naftooda u huray kaasoo xusid iyo ducaynba isugu jiray.
Tartankan ayaa waxa lagu xusayay Laba Mujaahid oo kala ah AHUN Boodhe iyo Boodhe.
Tartanka ayaa waxa ka qaybgalaya dhamaan kooxaha heerka koowaad ee Degmada Darusalam iyadoo ka wasaarad ahaan heer gobol aanu kujirno dardar gelinta kor u qaadida Tayada iyo Tartamada dhamaan Gobolka Sool .
Waxan halkan uga mahdcelinaynaa oo nagala qayb qaatay hirgelinta tartankan Dallada Maxaliga ah ee oo horkacayo gudoomiye Abdi Jama DaaD iyo Teamkiisa.
Sidoo kale waxa ila daahfuray tartanka gudomiyayal kala duwan heer degmo ee Xidhiidhka kubada cagta SSC-khaatumo ah Gudoomiye Abdillahi warsame (Fanax).
Waxaa dhamaan degmooyinka G/Sool u ballanqaadaya inta jooga xafiiska in degma kastaa Helsho Tartamo joogta ah iyo weliba Taageere dhan walba ah.
Xafiiska Isuduwaha Wasarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha G/Sool Sicid Axmed X Mohamoud.
03/07/2025
Bismilaaah Berri oo ay tahay Jumce Bisha July 4 Sanadka 2025 waxa soo xidhaynaa cupkii mudadanba ka socday Garoonka Caasimada Ee stadium.
Iyadoo ay wada dheelayaan kulanka k**a danbaystaa kooxaha kala ah
Vs
Sidaa daraadeed waxa sharaf wayn noo ah inaad nagala soo qaybgalshaan qaybihiina kala duwan ee bulshada caasimada xaflada soo xidhitaanka tartanka la magac baxay /TahriibinCup.
Waxaanu markale ku wargelinaynaa ka wasaarad ahaan inaanu ciyaartoyada caasimada u hayno tartamo xidhiidh ah oo aanu qorsheenay sidaanu horey u shaacinay Qorshe sanadeedka wasaarada ee 2025.
Wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaarahu wuxuu mar walba hormuud noogu yahay inaanu hagno dhalinyarta kana helaan wasaaradooda tartamo joogta ah iyo dhamaan xuquuqda ay ku leeyihin dowlada.
...........
Xafiiska Isuduwaha Wasarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha G/Sool Siciid Axmed H MohamouD
28/06/2025
Waxaa meel gabogaba ah maraya tartankii dhawaan aanu ka daahfurnay garoonka Caasimada Ee Abdi Bille Abdi Stadium iyadoo galabta la ciyaaray lug kamida kulamada afar dhamaadka koobka La Magac baxay Kahortaga Tahriibka ee Ciyaarayeen Ciyartoyda heerka koowad ee Caasimada,
Waxa Galabta fooda is daray Labada kooxod ee ku kala ciyaarayay Magacyada
Vs
Kulan katirsan kulamada Afar dhamaadka ee tartanka ayuu ahaa waxaana iska xaadiriyay Kulanka K**a danbaysta Koobka Kooxda .
Sidoo kale waxaa iyana maalinimada beri ah wada ciyaaraya Hadii Alle Idmo kulanka kale ee Afar dhamaadka Kooxaha kala ah
Vs
Waxaanu ka wasarad ahaan xooga saaraynaa inay helaan dhalinyaradu tartamo joogta ah si looga baaqsado aafooyinka kale ee dhalintu ku mashquuli lahaayeen.
Waxaa rajeenaynaa in tartankani sida habi sami usocodka leh ee u socdo kusoo dhamaan doono insha allah waxaanu u mahadcelinayna dhaman ciyaaryahanada iyo Taageerayasha oo si nabadgelyo ah u loolamayaan iyagoo wax dhibaato ah ku kacayn.
..............DHAMMAAD............
23/06/2025
Waxaa galabta soo afmeernay wareegi koowaad ee koobka kahortaga Tahriibka oo aan furnay horaantii isbucan waxa noo qabsoomay kulamo xasaasi ah oo xamaasadooda lahaa waxayna dhamaantood kusoo wada idlaadeen sidii ugu qurux badnayd,
Waxaanu ka wasaarad ahaan u mahadcelinaynaa dhamaan kooxihii iyo Taagerayaashooda sida wacan ay u ilaalinayaan anshaxa iyo habsami usocodka tartanka waxaana rajeenaynaa inay wax walba sidaas inoogu socdaan insha allah.
Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha waxay markale ka dhabeenaysaa halku dhigeedii ahaa
(Dhalinyaradu Waa Mulkiilayaasha Deegaankeena) waxaanu idiin qaban doonaa tartamo joogta ah waxaanuna tayayn doonaa dhamaan kooxaha heerarka kala duwan ee kadhisan Caasimada Laascanod,
Anigoo ah Madaxa Xafiiska Isuduwaha Wasarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha G/Sool El Capitano Siciid Gurey waxaan idinku wargelinaya inuu koobkan koobka xiga noqon doono Koobka Degmooyinka kala duwan Ee Caasimada Laascaanood.
Waxaa iga go'an inta joogo ee maamulayo xafiiska wasaarada dhalinyarada iyo ciyaraha G/Sool shaqo adag iyo Tartamo joogta ah.
..................................
Alla mahadleh๐
19/06/2025
Waxaa beri oo Jimce ah si rasmiya u daahfurmaya koobka kahortaga kaasoo lagu daahfurayo kooxaha ku xusan hoos.
Waxay wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaruhu ku wargelinaysaa guud ahaan shacabka caasimada inay kasoo qayb galaan xaflada furitaanka tartanka oo dhirgeliyan dhalinyarada.
Markale wuxuu wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ka codsanayaa Ganacsatada iyo Maalqabeenada Deegaanka inay Taageeran dhalinyarada Oo tusaan muhiimada ay u leeyiihin dowlada iyo deegaankaba.
03:45 Galabnimo
Stadium
Halkudhiga Wasaaradu Waa
( Dhalinyaradu waa Mulkiilayaasha Deegaankeena )
18/06/2025
Waxaa maalinta taariikhdu ku astaysantahay maalin jimce ah ku daahfuraynaa Garoonka caasimada cabdi Bille cabdi tartan kamida tartamada lagu dhiirigelinayo dhalinyarada caasimada kaasoo la Magac baxay (Ka Hortaga Tahriibka).
Hadaba wasaaradu iyadoo ku shaqeenaysa siyaasada xukuumada Hogaamiye Abdiqadir Axmed Aw Cali ee ku astaysan dhiirigelinta iyo jihaynta dhalinyarada guud ahaan deegaanka dowlad Gobaleedka SSC Khaatumo ayay ibo fur uga dhigtay tartankan iyo kuwo kaloo ku daba jiraba in lagaga baaqsado khataraha soo batay ee Tahriibka iyo Wixi Lamid ahba.
Dhalinyaradu waa hormuudka iyo Indhaha Umad Soo kobcaysa waana xaq inay helaan nidaam siyaasadeed oo lagu hago Doorkooda ay ku leeyihiin dowlada,
Sidaas darteed Wasiirka wasaarada dhalinayarada iyo Ciyaaraha Dowlad Goboleedka SSC Khaatumo Mudane Awjaamac Maxamed Mursal iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Axmed Maxamed Aaden iyo Agaasimaha waaxda ciyaaraha Cabdifatax Abdi ducaale iyo Isuduwaha G/Sool Siciid Axmed Xaaji iyo teamka wasarado dhan ayaa bilaabaya tartamo xidhiidh ah oo ay qorshe Sanadeedka 2025 qorshaysay wasaaradu.
Waxay Wasaaradu halkan fariin uga diraysaa dhamaan goobaha ganacsi iyo dhamaan bulsho waynta ku dhaqan caasimada inay taageeraan dhalinyarada Caasimada , Sidoo kale waxan umahadcelinaya goobaha Qaabilay dhalinyarada ee dhiirigelinaya.
Isuduwaha wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha G/Sool El Capitano Siciid Gurey
18/06/2025
Xafiiska wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha G/Sool wuxuu ku wargelinayaa in kooxaha Caasimada Laascanood aysan marti qaadi karin kooxaha ka imanaya dhamaan gobolada dowlada iyo dowladaha deriska ahba.
Waxaa rajeenaynaa inay gaadho waraaqdani cid walbay khusayso sidaana ku dhaqan galsho waxan dhalinyarada deegaanka la wadaagaynaa inay wasaaradu wado shaqooyin farabadan iyo tartamo Is daba joog ah sidaa daraadeed garoomada Caasimada laga wada u diyaar garowga koobabkaas inay Qaabilaan.
Isuduwaha wasaarada dhalinyarada iyo ciyaraha G/Sool El Capitano Siciid Gurey