Somaliland Post

Somaliland Post

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Somaliland Post, Somaliland, Togdheer.

27/01/2024

Waa maxay siyaasad?

Siyaasaddu waa eray asal ahaantiisa kasoo jeeda afka carabida, macnayaal kala duwan oo meeqaamo kala duwana waa lasiiya waxa uu la dhig yahey erayga afka ingiriisida lagu yidhaa “Politics” kaasi oo bilawgii ka yimi wadanka giriiga oo ahaa meelihii u h**eeyay ee aqoonta latiinka ah iyo eray bixinteeduba kasoo farcameen, micna ahaana lagu fasirey habka aragti iyo waxqabadba bulsho loogu saameeyo amaba wax looga badeli karo, saameyntaas waxa kamid ah in go,aan isku mida koox ama dad meel kuwa dhaqani ka gaadhaan arin hortaala, Waxa kale oo la yidhaahdaa waa awooda uu qof ku gaadhsiin karo bulsho mawaaqiftiisa. Amaba waa habka ay dawladdu u maamusho dadkeeda, iskusoo wada duuboo waxeynu ka dhadhansan karnaa iney tahey hab qorsheysan oo maamul iyo haggis leh.

Maxeynu U Naqaanaa inagu?

Erayga siyaasad marka lasoo hadel qaado bulshadeena dhexdeeda waxaa kugu soo dhacaya macnayaal farabadan oo is burinaya amaba iska hor imanaya, mararka qaar waxa loo adeegsadaa erayga siyaasad “Khaa,inimo” oo waxaad maqleysaa qof ku odhanaya hebal wuu I siyaasadeeyay isagoo ula jeedadiisu tahey inuu si farsameysan loo khaa,imay.

Layaab maleh oo siyaasadda dadku waxey uga barteen wax is daba maris , daneysi iyo hadba waji cusub oo aan heshiisna aheyn colaadna aheyn, wax kasta oo gurracan markii la arkana waxa layska yidhaahdaa “Waa siyaasad iyo caalkeed”. Waa erayga loogu hadel hayta badan yahey, haddana dad badani macnihiisa dhabta ah ma yaqaanaan.

Waa kuma Siyaasi?

Siyaasi marka la qeexayo waxa lagu sheegaa qofka ka tirsan xisbi siyaasadeed ha noqdo muxaafid iyo mucaarid kuu doono, haddaba qofku intaanu ka mid noqon xisbiyada siyaasiga ah ee wadanka ka jira, waxa loo baahan yahey in uu yeesho aqoon, xirfad iyo waayo aragnimo lagu xidhayo oo halkaas oo uu soo gaadho mooyee aan la siin rukhsada siyaasiga, waa inuu cilmi dheeraad ah u leeyahey dastuurka waddanku leeyahay, awoodiisu halka ay gaadhsiisantahey, waajibaadkiisa iyo Xuquudiisa si uu u ogaado waxa looga baahanyehay inta uu magacaa xanbaarsan yahey.

Siyaasigeena:

Siyaasigeenu siduu u baden yahey waxba ma qoro ama dirqi buu ku qoraa, jornaalada iyo idaacadaha ayuu u dhag raariciyaa intuu dhawrka koob ee shaaha ah fuudayo, muranka xaaladaha siyaasadeed ee wadanka ayuu aad uga qeyb qaataa, deedna af-miishaar la yaqaan buu noqdaa deedna reerkooda ayaa yidhaahda ninkaasi waa soo ma jeestaan hadelkiisa laga yaabey deedna xisbigoodey safka h**e kaga daraan.

Marka uu xil qabtona uur miishaar buu noqdaa aanu shilling ka baxsaneyn, cid kasta oo uu arkana wuxu u sheegta awood, oo sharcigu dawladda iyo siyaasiyiinta ma qabto ayuu aaminsanyahey ileen shuruucdii, dastuurkii iyo cilmigii looga baahnaaba ma laha e.

Waxa marag cad kaaga ah, wakhtiyada xil wareejinta la sameynayo oo aaney masuuliyiinta qaar danba ka galin waxa lagu wareejiyey, hantida meesha taala, deynta lagu leeyahay, iyo wax ay soo saarto toona ee uu kursiga uun kusoo lalo sidii wax waalan.

Waxaan taa iyana ka dheerayn qof aan cilmi siyaasadeed waligii baranin waayo aragnimana u laheyn habka wadanka wax loo kala wado oo intuu dhawr dharaarood baraha bulshada ka yara had hadlo amaba shir jaraa,id qabto uu dawladda ku dhaliilayo isagoo ka dayaya inuu ku soo caan baxo, hadhawna lagu yidhaa siyaasi hebel baa la soo dhaweynayaa ayaamo kadibna siyaasigeenii ruug cadaaga ahaabaa xisbi hebel ku biirey.

Ileen “Duqsi Dakhar k**a kacee” bulshadii oo markii h**eba taag darneydna markaasey ku jaha wareertaa oo sicir Barar iyo roob la,aan la eedaadaysaa, oo ay garan waayaan meel alla meel looga yimi, hadda waa kuwii mar dhexdiiya qof aaney u meel dayin ina hebal waa siyaasida hayee .

WQ: Hibo Ciise

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Togdheer?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Somaliland
Togdheer