10/01/2026
Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa booqasho ku tagay Jaamacadda Çankırı Karatekin ee Magaalada Çankırı halkaas oo ay ku wehliyeen qaar ka mid ah howlwadeenada Safaarada JFS ee magaalada Ankara Mudane Ibrahim Abshir iyo Marwo Caasha Maxamed Maxamuud.
Wafdiga ayaa waxaa si heersare ah halkaas ugu soo dhaweeyay Madaxa Jaamacada Professor Mevlut Karataş isagoo ka warbixayay qaybaha kala duwan ee Jaamacada isla markaana uga waramay xaalada ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadaaa wax ka barata.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo sii hormarin lahaa iskaashiga dhinaca waxbarashada heerka Jaamacadeed iyo waliba tababarada dhaadheer ee la xiriira beeraha, kaluumaysiga, engineerinka, accountingka, caafimaadka iwm.
Somali Federal Cumhuriyeti Büyükelçisi Fathudin Ali Ospite’den Çankırı Karatekin Üniversitesi’ne Resmî Ziyaret Somali Federal Cumhuriyeti Büyükelçisi Sayın Fathudin Ali Ospite, Türkiye Cumhuriyeti’nin Çankırı ilinde bulunan Çankırı Karatekin Üniversitesi’ne resmî bir ziyaret gerçekleştirdi. Ziyarette. Büyükelçiye, Somali Federal Cumhuriyeti Ankara Büyükelçiliği personelinden Sayın İbrahim Abshir ve Sayın Asha Muhammed Mahmud eşlik etti.
Heyet, Çankırı Karatekin Üniversitesi Rektörü Prof. Dr. Mevlüt Karataş tarafından son derece sıcak ve üst düzey bir şekilde karşılandı. Rektör Karataş, üniversitenin akademik ve idari yapısı, fakülteleri ve gelişim süreci hakkında ayrıntılı bilgiler sunarken, üniversitede öğrenim gören Somalili öğrencilerin mevcut durumu hakkında da değerlendirmelerde bulundu.
Gerçekleştirilen görüşmelerde, iki taraf üniversite düzeyinde eğitim alanındaki iş birliğinin daha da geliştirilmesi ve genişletilmesi konularını ele aldı. Özellikle tarım, balıkçılık, mühendislik, muhasebe, sağlık bilimleri ve diğer stratejik alanlarda uzun süreli eğitim ve mesleki eğitim programlarının hayata geçirilmesi üzerinde duruldu.
Söz konusu ziyaretin, Çankırı Karatekin Üniversitesi ile Somali’deki eğitim kurumları arasında sürdürülebilir ve verimli bir akademik iş birliğinin geliştirilmesine katkı sağlaması beklenmektedir.
10/01/2026
OPPORTUNITY 2026 – STUDY IN TURKEY 🇹🇷
Türkiye Government Scholarships 2026 are now OPEN!
📅 Application Period: 10 January – 20 February 2026
🎓 Fully Funded Scholarship Includes:
✔ Monthly stipend
✔ Free accommodation
✔ Health insurance
✔ Flight ticket
✔ University & Turkish language education
📌 Open for Bachelor’s, Master’s & PhD students from all countries.
🔗 Apply only through the official website:
👉 https://www.turkiyeburslari.gov.tr
🚫 No application fee | ✅ Online application
Don’t miss this life-changing opportunity.
Your future starts in Türkiye – 2026!
27/08/2025
Hambalyo ayaa leenahay Ardayda Soomaaliyeey, waxa sharaf inoo ah in aan maalinta qalinjibintooda farxada la qeybsano. Guuleestay Ardayda İstanbul.
01/07/2025
*Ogeysiis*
Caawa, Calanka Soomaaliya ayaa loogu xardhi doonaa buundada Fatih Sultan Mehmet Bridge ee magaalada İstanbul, saacadda marka ay tahay 20:40.
Goobta: Fatih Sultan Mehmet Bridge, İstanbul
Waqtiga: 20:40 fiidnimo 🇸🇴🇸🇴🇸🇴
27/06/2025
Danjire Fatxudin Cali Ospite ayaa maanta xafiiskiisa ku booqday Waaliga Istanbul Mudane Davut Gül..
Labada masuul ayaa ka wada hadlay arrinka Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Istanbul iyo sidii si wadajir ah loo wajihi lahaa caqabadaha jaaliyada ka haysta arrimaha la xiriira degenaanshahooda wadanka Turkiga.
Büyükelçi Fatxudin Ali Mohamed bugün İstanbul Valisi Sayın Davut Gül'ü ofisinde ziyaret etti.
İki yetkili, İstanbul'daki Somali topluluğunun ikamet izniyle ilgili konularda karşılaştıkları zorlukların çözüme kavuşturulması konusunda görüştü.
19/06/2025
Howlwadeenada Safaaradda JFS ee wadanka Turkiga ayaa goor dhawayd ku guulaystay inay xuduuda Iran soo dhaafsiiyaan una soo gudbiyaan dhanka Turkiga muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Dr. Mustafa Cali Macalin oo uu dhaawac fudud kusoo gaaray magaalada Tehran kadib weerar ay Israel halkaas kusoo qaaday.
Dr. Mustafa Cali Macalin oo wadanka Iran dhaqtarnimada ku bartay ayaa ka mid ah dhalinyaro Soomaaliyeed oo ilaa toboneeyo lagu qiyaasay oo wadanka Iran wax ku barta.
Safaarada JFS ee Ankara ayaa maalmaahaan ku mashquulsan inay muwaadineenta Soomaaliyeed ee Iran ku sugan laga soo kaxeeyo halkaas hadii ay magaalada ay ku sugan yihiin ku dareemaan amni xumo.
Safaarada JFS ee Ankara waxay mahad gaar ah u celinaysaa dowlada Turkiga oo fududeeysay sidii Dr. Mustafa loo soo gaarsiin lahaa wadanka Turkiga si uu halkaas ugaga sii gudbo wadankiisa Soomaaliya.
11/06/2025
Danjire Fatxudin Fathi Ospite Cali Ospite ayaa maanta booqasho sharafeed ugu tagay Waaliga Ankara, Mudane Vasip Şahin.
Danjiraha ayaa uga mahadceliyay Waaliga taageerada iyo soo dhaweynta uu u fidiyay jaaliyadda iyo ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan Ankara.
Sidoo kale, wuxuu Danjire Ospite la wadaagay Waaliga caqabadaha ay jaaliyaddu kala kulmaan arrimaha la xiriira deggenaanshaha dalkan.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta u dhaxeysa Safaaradda Soomaaliya iyo maamulka caasimada Ankara, si loo xoojiyo adeegyada ku wajahan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimadda.
Somali’nin Türkiye Büyükelçisi Sayın Fathudin Cali Ospite, bugün Ankara Valisi Sayın Vasip Şahin’i nezaket ziyaretinde bulundu.
Büyükelçi Ospite, Vali Şahin’e, Ankara’da yaşayan Somali toplumu ve Somali öğrencilerine yönelik gösterilen ilgi ve destekten dolayı teşekkürlerini iletti. Ayrıca Büyükelçi, Somali topluluğunun Türkiye’de ikamet işlemleriyle ilgili karşılaştığı bazı zorlukları Vali ile paylaştı.
Görüşmede, Somali Büyükelçiliği ile Ankara Valiliği arasında süregelen iş birliğinin önemi vurgulandı. Taraflar, Ankara’da yaşayan Somali toplumuna yönelik hizmetlerin güçlendirilmesi ve mevcut imkânların artırılması yönünde iş birliğini geliştirme konusundaki kararlılıklarını dile getirdiler.
21/01/2025
Waxaan ka tiiraanyeysanahay masiibada dabka ka kacay hoteelka Grand Kartal ee ku yaalla Bolu Kartalkaya, taasoo ay ku dhinteen 76 qof. Ilaahay ha u naxariisto dhammaan dadkii geeriyooday, eheladoodana samir iyo iimaan ha siiyo. Xilligan adag, dadka Turkiga ee walaalaheen ah waxaan la garab taaganahay tacsi iyo duco. Ilaahay masiibo noocan ah dib dambe yaanu usoo celin.
20/07/2024
Alle ha u naxariisto Caalimkii weynaa ee Soomaaliyeed Sheekh Cismaan Xidig oo xalay ku geeriyooday Muqdisho. Rabbi janatul fardows ha geeyo. Aamiin