Anteeno

Anteeno

Share

"Anteeno Page kaga bogo barnaamijyo, dhacdooyin iyo sheekooyin waaqici ah"

07/26/2026

Ku guuleysigii Spain ee koobka adduunka kaliya ma aheyn Final World Cup ee wuxuu ahaa qadiyad caalami ah oo si weyn u guuleysatay.

Spain waxay kamid aheyd sidoo kalana Hormuud u aheyd dalalka fagtii horaba sida weyn uga soo horjeestay xasuuqii YH-da ay ka geysatay dhulka Falstin, waxay diideen in wax macaamiil la sameystaan Isrl, waxayna fagaare walba uga doodeen xaqqa ay Falstn u leedahay iney sameysato dowlad ayaga u gaar ah, sidaas owgeed Spain waxaa lagu suntay iney cadow ku tahay YH-da caalamka waxaana xiriirka u jaray xitaa Mareykanka.

Dhanka kale Argentina waxaa siweyn looga taageeraa Isrl waxaana madaxweyne ka ahaa nin ay ilmo adeero yihiin Benjamin Netanyahu, YH-da mudadii uu socday World Cup waxay si cad u muujiyeen taageeradoodii ku aadaneyd in Argentina hanato koobka adduunka.

Dhanka kale wax is cad ayay aheyd in Falastiiniyiinta caalamka oo dhan ay taageerayeen Spain iney hanato koobka adduunka, sidaas owgeed Finalka koobka adduunka wuxuu ahaa mid qadiyad weyn xambaarsan, markii ugu horreysana caalamka oo idil ama badankooda waxay ka mideysnaayeen taageerada Spain ee koobka adduunka.

Finalkii waxaa ku hardamay xaqqa iyo baadilka, waxaa hardamay YH-dii iyo Falstn-tii, waxaa hardamay dulmigii iyo cadaaladii, waxaa hardamay gumeysigii iyo xaq u dirirkii waxaana wax cad aheyd iney guuleysan doonaan Xaqqa, Falstn iyo Cadaalada, guushaasna waxay ku gaareen hanashadii Spain ee koobka adduunka kuwaasoo caalamka tusay adoo xaq ku taagan inaad guuleysan karto.

Adiga safkee ayaad aheyd finalka? Ma waxaad ku saf aheyd Argentina iyo Netanyahu? Mise waxaad ku saf aheyd Spain iyo Falstiin?

07/26/2026

Jilaaga da'da yar ee Turkiga u dhashay laguna magacaabo Emre Üçtepe kaasoo horay u matalay doorka Osman Gazi ee taxanaha Kurulus Osman ayaa la weydiiyay; "Hadii aad la kulanto Nabiga scw maxaad weydiin laheyd?".

Wuxuu ku jawaabay; "Su'aashaada waa mid xeel dheer mana fileynin su'aal caynkaan oo kale, balse hadii aan si daacad ah u hadlo wax su'aal ah ma weydiin laheyn, waayo waxaan aaminsanahay in Nabiga scw markuu dhashay ilaa uu ka geeriyooday uu horay uga jawaabay dhammaan su'aalaha, marka hadii aan su'aal weydiiyo waxaan ka cabsi qabaa inuu igu dhaho "Miyaadan akhrinin siiradeyda iyo sunadeyda?" Ama inuu i dhaho "Miyaadan horay wax uga baran diinta islaamka?" Sidaas owgeed wax su'aal ah ma weydiin laheyn".

07/23/2026

Sawirkaan argagaxa leh waxaa qaaday sawirqaade u dhashay dalka Pakistan laguna magacaabi Caadif Saciid, waana sawir dhif iyo naadir ah balse uu qaadistiisa naftiisa halis u galiyay.

Caadif Saciid oo arintaan ka hadlayay ayaa yiri;; waxaan u safray goobta uu Libaaxa duurka kaga noolyahay ujeedkeyga oo dhan ayaana ahaa inaan sawiro kasoo qaado, waxaan arkay libaax gaajeysan aadna u careysan, gaarigii ayaan kasoo dagtay anigoona nafteyda halis weyn u galiyay sidaan sawirkaan u qaadi lahaa, waa xaalad ay dhif tahay in sawir noocaan laga qaado Libaax sidaas owgeed si sawirka uu u noqdo mid dhameystiran waxaan u dhawaaday Libaaxii, balse libaaxii oo careysan ayaa dhankeyga soo aaday aniga iyo asigana waxaa inoo dhaxeysay dhowr mitir kaliya.

Sawiradii aan rabay markaan qaaday ayaan ku orday dhankii baabuurka sidaasna isku badbaadiyay.

Waa tijaabo aanan waligey mardambe fulin doonin waayo nafteyda ayaan kuweyn gaaray.

07/22/2026

Gabadhaan yar hooyadeed ayaa geeriyootay kadib markii uu Kansar ku dhacay, qoyska gabadhaan ma aysan awoodin bixinya qarashka duugta, sidaas owgeed gabadhii yareyd ayaa furatay sandaqad yar si ay ugu iibiso cabitaano halkaasna uga hesho qarashkii ay ku duugi laheyd meydka hooyadeed.

Dadkii deegaanka markii ay arrintii ka warheleen ayay gabadhii u aruuriyeen lacag dhan $30,000 mudo hal maalin gudaheeda, waxayna gabadhii ku guuleysatay in hooyadeed u sameyso aas heer sare ah kaasoo waliba ay dad badan soo xaadireen.

Gabdhaha mar walba waa karti iyo naxariis is wato, intii gabdho Rabbi siiyay Allaha u xifdiyo intaan dhalina Allaha siiyo, waa nimco adduun iyo mid aakhiraba.

07/21/2026

WAR WAYN; Sacuudiga ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqay in haatan kadib qofka cumro rabo uu goosan karo fiiso dhowr mar lagu soo gali karo Sacuudiga mudo sanad gudaheeda, adigoo waliba u baahneen fiiso labaad.

Warkaan ayaa ka dhigan in Fiisahaan cusub aad halmar kabadan ku gali karto Sacuudiga, tusaale adoo bishii Muxarram fiiso goostay Cumradana soo dhammeystay ayaad isla fiisihii h**e markale bisha Ramadaan ugu noqon kartaa Sacuudiga wax fiiso labaadna lagaama rabo.

Waa war aad u wanaagsan, gaar ahaan dadka jecel in mar walba u safraan dhulka barakeysan kuna soo cibaadeystaan, waxaana ka dagayo culeyskii fiisaha labaad.

07/14/2026

Haweeneydaan waxay tiri;

-Ninka faqiirka ah si aan kala joogsi laheyn buu u shaqeeyaa.

-Kan taajirka ahna wuxuu si raaxo leh u cunaa dhididka iyo xooga midkaas faqiirka ah.

-Kan askariga ah wuxuu ilaaliyaa labadooda.

-Kan canshuur bixiyaha wuxuu dhiibaa lacagta sadaxdaas nin.

-Kan bangiilaha ahna afartooda ayuu xadaa.

-Kan qareenka ah shantooda ayuu u kala doodaa.

-Kan dhakhtarka ahna lixdooda ayuu u qaansheegtaa.

-Kan Gangistarka ahna todobadooda ayuu cabsi galiyaa.

-Ugu dambeyn siyaasiga wuxuu u noolaada sida boqorada oo kale, asigoona sideeda kore isku adeegsada, xisaabtoodana ku nool.

07/13/2026

Siduu u halaagsamay Lindsey Graham sanatarkii ku caanbaxay naceybka islaamka iyo muslimiinta? Waa xaalad cajiib ah.

Warbixinta hordhaca ah ee baaritaanka caafimaadka qaabkii uu u dhintay sanator Lindsey Graham ayaa sheegaysa inay tahay xaaladda loo yaqaan kala-go'a xididka weyn ee dhiigga (Aortic Dissection) taasoo ah mid ka mid ah xaaladaha ugu halista badan ee wadnaha iyo xididdada dhiigga.

Xaaladdan waxay dhacdaa marka lakabka gudaha ee xididka ugu weyn jirka (Halbowlaha Aorta) uu dillaaco, taasoo keenta in dhiiggu uu kala galo lakabyada darbiga xididka. Waxaa badanaa lala xiriiriyaa dhiig-karka, waana xaalad si degdeg ah naf halis u gelin karta.

Calaamadaha ugu waaweyn waxaa ka mid ah xanuun aad u daran oo lama filaan ah oo ka bilowda laabta ama dhabarka, kaas oo dadka ka badbaaday ay ku tilmaameen inuu yahay xanuunka ugu daran ee ay noloshooda soo maraan, iyagoo sheegay inuu u ekaa sidii in si tartiib ah jirkooda loo jarjaraayo ama middi wadnaha looga muday.

Xaaladdan mararka qaar way adag tahay in si degdeg ah loo garto, sababtoo ah calaamadaheedu waxay la mid noqon karaan wadne-qabadka. Daaweynteeduna inta badan waxay u baahan tahay qalliin degdeg ah oo wadnaha ah haddii si sax ah loo ogaado waqtiga ku habboon.

Si kastaba ninkaan oo horay ugu taliyay in la xasuuqo reer Gazza ayaa inta uusan halaagsamin la marsiiyay xanuun uu banii aadamka dareemo kan ugu daran. Aakhirana Jahannamaa sugeyso..

07/13/2026

Haweeneydaan aad aragtaan mudo 7 sano ah ayay maqaayad ka shaqeyneysay, maqaayada waxaa maalin walba imaan jiray ninka odayga ah ee sawirka ka muuqdo kaasoo ahaa mid muran badan, wuxuu mar walba ka sheegan jiray cuntada maqaayada, sidoo kalana waligiis halmar xitaa baqashiish ugama uusan tagin haweeneyda, wax kale iska daayee xitaa halmar uma dhoola cadeynin.

Inkastoo ninka odayga uu macangag ahaa, hadana haweeneyda marwalba way wanaajin jirtay, si naxariis lehna way ula dhaqmi jirtay, waxaa dhacday in odaygii markii dambe maqaayadii imaan waayay, haweeneydii oo is weydiisay xaalkiisa ayaa gurigiisa raadisay wayna booqatay, balse waxaa loo sheegay in odaygii uu todobaad kahor geeriyooday.

Arrinta cajiibka ah ayaa waxay tahay inta uusan odayga geeriyoonin kahor wuxuu haweeneydii uga tagay qeyb kamid ah dhaxalkiisa iyo Baabuur uu lahaa, asigoona dardaaranka ku daray in haweeneyda kabalyeeriga ah lasiiyo 50,000 oo dollar dhaxalkiisana kamid ah, waxaana dardaaranka la socotay warqad yar oo ay ku qorantahay in habdhaqankeedii wanaagsanaa ay saameyn ku yeelatay noloshiisa.

07/12/2026

Haweeneydaan aad aragtaan waxaa lagu magacaabaa Laura Ballarin, waa xubin Baarlamaan oo ka tirsan midowga Yurub, maalintii shalay aheyd waxay timid xaruunta Baarlamaanka Yurub ayadoo xambaarsan wiilkeeda yar, inta xaruuntii kadhex istaagtay ayay si geesinimo leh u tiri; "Qaanuunka dowliga sidaan uga hirgalino Ukraine ugama aanan hirgalinin Falastiin, aduunka oo dhan way na arkaan wayna fahmayaan in Yurub aysan u sineyn dadka, taasina waxay burburineysaa hufnaanteena iyo karaamadeena, Gaza awal waxay aheyd xabsi kor ka furan balse maanta waxay isku badashay Qabri kor ka furan, Wiilkeyga markuu weynaado oo uu i weydiiyo 'Hooyo Yurub maxay sameysay si ay u joojiso xasuuqii isir sifeynta ee Gaza ka dhacay?' Waxaan doonayaa inaan ugu jawaabo inaan marnaba dhabarka u jeedinin reer Gaza, sababtaas owgeed Yurub waxaa ku waajib ah iney haatan dhaqaaqdo talaabana qaado si gumeysiga loo joojiyo, wasaarada arimaha dibada waxaan ka dalbaneynaa iney joojiso dhammaan heshiisyada iskaashi ee ka dhaxeeyo Yurub iyo Israa'iil, waayo hadii Yurub ka aamusto waxa ka dhacaayo Gaza sidaas kuma weyneyso kaliya karaamadeeda balse sidoo kalana waxay weyn doontaa ruuxdeeda, waad mahadsantihiin".

07/11/2026

Ninkaan odayga ah oo Mareykanka u dhashay ayaa Wargeys xayaysiin ahaan ugu baahiyay inuu hayo isla markaana iibinayo aalad si fudud dharka u qalajiso taasoo ku shaqeyso tamarta qoraxda, qiimaha aaladaan la iibinayo ayaana ahaa $50.

Dad badan ayaana soo dalbaday ayadoona ninkii uu kumanaan dollar ka helay ganacsigaas, balse dadkii markii ay fureen aaladii loo keenay wuxuuba noqday xarig-ga caadiga ee dharka lagu warto.

Dadkii oo aad u careysan ayaana ninkii dacwad kusoo oogay waxayna ku eedeeyeen inuu hantidooda khiyaano iyo been ku dhacay, balse kiiskii dacwada waxaa ku guuleystay ninkii, waayo xariga oo lagu waro dharka meel qorax leh wuxuu lamid yahay aalad tamarta qoraxda ku shaqeyso dharkana qallajiso.

Odayga umadii waa gaaday.

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Minneapolis?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address


Minneapolis, MN