Directions

Anteeno "Anteeno Page kaga bogo barnaamijyo, dhacdooyin iyo sheekooyin waaqici ah"

10/26/2026

Dhawaan naga filo.

Qofkaan sawirka idiinka muuqo ee koofida wato misna la moodo in uu furin dagaal u socdo waa Malik Cabdullaahi Binu Xusee...
10/25/2026

Qofkaan sawirka idiinka muuqo ee koofida wato misna la moodo in uu furin dagaal u socdo waa Malik Cabdullaahi Binu Xuseen Boqorka Jordan, wuxuu xirtay tuutaha dagaalka kadib markii la qarxiyay Janiisad ku taalay dalkaas, wuxuuna muujinayaa sida uu diyaar ugu yahay inuu difaaco Kaniisada darteedna uu dagaal u galo.

Isla boqorkaan kor ayuu ka daawanayaa muslimiinta dariskiisa ah ee maalin kasta la leynaayo, inuu dagaalamo iska daayee xitaa faryar ma dhaqaajin karo, tanina waa nooc kamid ah hagardaamooyinka kuwooda ugu halista badan ee munaafaqiinta ku dhaqmaan.

Sawirka waa madaxweyna Ruushka Vladamir Putin oo sare u haayo kitaabka Qur'aanka Kariimka, marna dhunkanaayo, waxaana ku...
10/24/2026

Sawirka waa madaxweyna Ruushka Vladamir Putin oo sare u haayo kitaabka Qur'aanka Kariimka, marna dhunkanaayo, waxaana kula jira madaxweynaha Chechnia Ramadan Qaadirov "Ramzan Kadyrov".

Putin ayaana todobaadkii h**e booqday ismaamulka Degistan ee muslimka ah qeybtana ka ah dhulweynaha Ruushka, wuxuuna tagay masjid halkaas ku yaalo, kadibna waxaa hadiyad ahaan loosiiyay kitaabka Qur'aanka Kariimka, Putin ayaana markaas kiyaabkii dhunkaday.

Waxaa xusid mudan ayadoo dalal badan maanta lagu gubo kitaabka Qur'aanka laguna tilmaamo iney tahay xorriyad, hadana Putin wuxuu horay u sheegay in qofkii ku kaca talaabo caynkaas ah (aflagaadeynta Nabiga scw ama gubista Qur'aanka) uu xabsi mudan doono, Ruushka gudihiisa ayaana waxaa ku nool in kabadan 25 Million oo muslimiin ah, kuwaasoo si xorriyad ah ugu dhaqmo diintooda.

Gabadhaan ayaa faafisay muuqaal hooyadeed oo u shanleyneyso, Hooyada ayaana waxay qabtaa cudurka Al-Zahaamiir ama Xusuus...
10/23/2026

Gabadhaan ayaa faafisay muuqaal hooyadeed oo u shanleyneyso, Hooyada ayaana waxay qabtaa cudurka Al-Zahaamiir ama Xusuus beelka ee ku dhaca dadka da'da kadaba imaado ama waayeelada.

Hooyada ayaana gabadheeda u shanleyneyso si aysan uga daahin Iskuulkeeda, inkastoo gabadha ay tahay 31 jir, hadana Hooyada waxay moodaa in gabadheeda tahay 10 jir aad u yar, waxaana midaas u sabab ah cudurka hooyada ku dhacay oo sababay in xusuusta beesho, ayadoona kala garan karin waqtiga saxda ah ee la joogo, sababtaas ogweed waxay moodaa in gabadheeda aad u yartahay oo wali iskuul dhigato.

Waa xaalad aad u xanuun badan markii qofka waalidkiisa cudurkaan oo kale uu ku dhaco, waxayna ugu darantahay markii uu xitaa awoodi waayo inuu xusuusto ubadka uu dhalay gabi ahaantoodba.

Allaha noo barakeeyo waalidiinteena Caafimaad dhammeystirana hasiiyo.

CAJAA'IBTA BIDAARTA;-Waqooyiga Afrika Bidaarta waxaa looga yaqaanaa Taajka Raganimada.-Turkimenistan ninka looma ogola i...
10/23/2026

CAJAA'IBTA BIDAARTA;

-Waqooyiga Afrika Bidaarta waxaa looga yaqaanaa Taajka Raganimada.

-Turkimenistan ninka looma ogola inuu guursado hal xaas kabadan haduusan bidaar laheyn.

-Brazil gabadha quruxda badan waxay shuruud kaga dhiganeysaa ninka inuu tuso tinta madaxiisa hadey badantahay ma guursaneyso, waayo waxay aaminsanyihiin timaha badan ee madaxa iney tahay astaan u gaar ah dumarka.

-Argentina markaad joogto gabadha qabta nin bidaar leh waa gabadha ugaasadda ka ah magaaladaas.

-Indonesia garsooraha isku mehriya nin bidaar leh iyo gabar wuxuu dalbanayaa inuu sawir la galo si uu CV-giisa ugu darsado midaas maadaama ay waxqabad weyn tahay.

-Australia waxay xaq u leedahay gabadha iney ninkeeda isaga tagto hadey hesho nin bidaar leh.

-Finland gabdhaha dhigta jaamacada Helsink hamigooda ugu weyn ma ahan iney ku baasaan imtixaanka ee waa helista nin bidaar leh.

-Sababta bidaarta keenta waxay daraasaad ku sheegtay iney tahay sare u kaca Hormuunka raganimada oo aysan aheyn cudur gaar ah.

Ugu dambeyn Postigaan waxaa maalgaliyay abkey bidaarle ee Jimce Wanaagsan.

Ninkaan maalmo kahor ayuu soo islaamay, wax mudo bil ah dhan xitaa islaamnimadiisa k**a soo wareegan, hadana maanta wuxu...
10/22/2026

Ninkaan maalmo kahor ayuu soo islaamay, wax mudo bil ah dhan xitaa islaamnimadiisa k**a soo wareegan, hadana maanta wuxuu u dabaal dagaayay in gabadhiisa yarta ah ay xifdisay suuradii ugu horreysay ee Qur'aanka.

Waxaa lagu magacaabaa Big Franka waa qof baraha bulshada caan ka ah, markuu soo islaamay waxaa diintiisa qaadatay gabadhiisa oo sidoo kalana xijaabka xiratay, tarbiyeyntiisa wanaagsaneyd ayaana keentay in maanta ay xifdisay suuradii ugu horreysay ee Qur'aanka Kariimka.

Nabiga scw runta ayuu sheegay markuu yiri; "Carruur walba oo dhasha waxaa lagu dhalaa fidrada, kadibna waalidkiis ayaa yahuud ka dhiga ama nasaaro ka dhiga ama majuus ka dhiga".

Jilaaga caanka ah ee Sylvester Stallone ayaa si adag u difaacay kadib markii uu wariye wax ka weydiiyay sababta uu gabad...
10/22/2026

Jilaaga caanka ah ee Sylvester Stallone ayaa si adag u difaacay kadib markii uu wariye wax ka weydiiyay sababta uu gabadhiisa ugu soo daray taxanaha Tulsa King ee uu Sylvester Stallone hogaamiyaha kayahay, wariyaha ayaana yiri; "Midaas miyaysan qaraabeysi aheyn?".

Sylvester Stallone ayaase wariyihii ugu jawaabay; "Dabcan waan kusoo darayaa axmaqyahow, hadaanan caawin karin maxaan aabbo ugu ahay?". 😅😁

Waa Afgaamistaan shalay markii uu Mareykanka joogay iyo maanta sida ay tahay, shalay markii uu gummeystaha joogay waxaa ...
10/22/2026

Waa Afgaamistaan shalay markii uu Mareykanka joogay iyo maanta sida ay tahay, shalay markii uu gummeystaha joogay waxaa ka muuqdo burbur, qaran jab, foolxumo, dullinimo iyo waxkasta oo gunnimo horseedi karo.

Maanta markii ummadii laheyd loo madax baneeyay waxaa ka muuqdo, dhismo, bilic, hormar, guul iyo gobonimadii dhabta aheyd.

Ummad kasta markii ay ayaga aayahooda ka tashtaan oo shisheeyana meel uga soo tagaan hormar ayay ku talaabsadaan, tanina waa xaqiiqo dhab ah oo samankaan jirta, qofkii aanan intaas ogeyna waa qof aanan dunida la socon hubaashii.

Gabadhaan aad aragtaan waxaa lagu magacaabaa Nisriin Sakiik, halka ay ka timid iyo halka ay maanta gaartay waa kaaf iyo ...
10/22/2026

Gabadhaan aad aragtaan waxaa lagu magacaabaa Nisriin Sakiik, halka ay ka timid iyo halka ay maanta gaartay waa kaaf iyo kala dheeri, waa 11 jir reer Qasa ah, muuqaalo yar yar ayay inta soo duubto waxay soo dhigi jirtay barteeda Instagram-ka, ugu dambeyn waxay kamid noqotay sideeda qof ee isugu soo hartay Finalka tartanka Digital Creator Awards 2026-da (Abaal marinta hal abuurayaasha Dijitaalka) taasoo ah abaal marin caalami ah, qeybta dhalinyarada iyo carruurta

Abaal marintaan dadka kula tartamayay waxay heystaan kaamirooyin casri ah, Studio-yaal casri ah, sawir qaadayaal, soo saarayaal, deegaan nabaddoon, iwm, kuwaasoo muhiim u ah dadka muuqaalada abuura, balse Nisriin taleefankeeda gaarka ah oo kaliyay ayay u adeegsan jirtay iney ku duubto kuna baahiso nolosha carruurta iyo qoysaska dhibaateysan ee Qasa ku nool.

Waxay had iyo jeer caalamka soo gudbin jirtay xaaladaha iyo sheekooyinka qoysaskaas, riyadeeda ugu wayna waxay aheyd in carruurta Qasa ku nool oo ay kamid tahay iney helaan nabadda iyo ammaanka ay u baahanyihiin, dhambaalkeedii banii aadanimo ayaana maanta gaarsiiyay marxalad iyo heer aad u sarreeyo ayadoona wareegyada u dambeeyo kasoo gaartay tartanka Digital Creators-ka caalamka.

Markii ay Nisriin ogaatay iney kamid noqotay sideeda qof ee isugu soo haray Quarter Finalka abaalmarintaan farxad ayay la ooysay, waxaana la joogay qoyskeeda oo ayagana guushaas taariikhiga ah iyo dabaaldagga farxada gabadhooda kala qeyb qaatay.

Kun jeer hambalyo ayaan leenahay, waxaana u rajeyneynaa iney ku guuleysato abaalmarintaas oo ay Finalka k**a dambeysta soo istaagto, sidoo kalana codadka carruurta reer Qasa ee nolosha adag ku jira ay sii wado iney meel dheer marwalba gaarsiiso.

Gabadhaan oo u dhalatay Israa'iil sidoo kalana caan ka ah barta Tik Tok ayaa dhawaan qaadatay diinta islaamka, isla mark...
10/21/2026

Gabadhaan oo u dhalatay Israa'iil sidoo kalana caan ka ah barta Tik Tok ayaa dhawaan qaadatay diinta islaamka, isla markaana waxay bilowday iney xijaabka xirato oo ay is asturto.

Muuqaal ay iska soo duubtay ayayna ku sheegtay in talaabadeeda ay timid kadib markii ay ogaatay in islaamka uu yahah diinta xaqqa ee dhabta ah, xijaabkana ay si iskeed ah u xiratay, waxayna meesha ka saartay inuu jiro cadaadis dibadeed oo la xiriira talaabooyinka ay qaaday.

Intaas kadib gabadhaan ayaa waxay weerar aanan caadi aheyn kala kulantay mujtama YH-da, gaar ahaan dadkii Followga u ahaa ee kasoo jeeday Israa'iil, talaabada ay qaaday ayayna ku tilmaameen inuu yahay khiyaano ay ku kacday, dhaleeceyn iyo caay noockasta ayayna u jeediyeen, ayagoona ugu hanjabay in Followga iyo taageerada kala laaban doonaan.

Balse gabadhii ayaa midaas muuqaal kale uga jawaabtay, waxayna sheegtay iney xor u tahay caqiiadeeda, qofkii aanan midaas ku ixtiraameynina uu Followgiisa la laabto, balse ayada aysan marnaba badali doonin diinteeda islaamka si ay taageerayaasheeda u raali galiso.

Walaasheen Allaha xaqqa haku sugo, waxaana leenahay kusoo dhawoow diinta barakeysan ee Islaamka iyo walaalo ka badan 2 Billion oo qof.

Address

Minneapolis, MN

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Anteeno posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category