09/19/2026
๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Jubbaland, ๐๐ฎ๐๐๐ง๐ ๐๐ก๐ฆ๐๐ ๐๐๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐๐ก๐ข ๐๐ก๐ฆ๐๐ (๐๐๐ฅ๐๐๐๐ง), wuxuu mahad iyo bogaadin u dirayaa dhammaan intii ka qayb qaadatay qabsoomidda iyo quruxda Horyaalka Heerka Koowaad ee Jubbaland.
MAAMULKA IYO KOOXAHA HORYAALKA
Mahad gaar ah dhammaan maamulka iyo kooxihii ka qayb galay Horyaalka, dadaalkooda iyo wada shaqeyntooda.
BAHDA GARSOORKA
Mahad gaar ah bahda garsoorka, oo door muhiim ah ka qaatay habsami-u-socodka iyo maamulka kulamadii Horyaalka.
WARBAAHINTA IYO DHALINYARADA
Mahad weyn wariyeyaasha, dhalinyarada warbaahinta iyo TikTokers-ka, kuwaas oo galab walba bulshada la wadaagayay ciyaaraha iyo dhacdooyinka Horyaalka.
TAAGEERAYAASHA
Mahad iyo bogaadin dhammaan taageerayaashii garoomada u soo daawanayay ciyaaraha, kuwaas oo Horyaalka ku soo kordhiyay xamaasad, farxad iyo jawi qurux badan.
MASโUULIYIINTA
Mahad gaar ah dhammaan masโuuliyiintii kasoo qayb gashay munaasabadihii furitaanka iyo xiritaanka Horyaalka, iyo dhammaan intii garab istaagtay horumarka kubbadda cagta Jubbaland.
MAHADSANIDIIN DHAMAANTIIN
Horyaalka Heerka Koowaad waxaa qurxiyay wadajirkiinna, taageeradiinna iyo dadaalkiinna.
Mahadsanidiin dhammaantiin.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Jubbaland, Mudane Ahmed Abdullahi Ahmed (Qaldaan), wuxuu hambalyo iyo bogaadin u diray kooxda Dekedaha FC, oo ku guuleysatay Horyaalka Heerka Koowaad ee Jubbaland xilli ciyaareedka 2025/2026.