20/10/2026
Asxaabta Arsenal Somali Fans, waxaan idinka codsanaynaa inaad ducadiinna ku xustaan saaxiibkeen Ahmed Abdishakur, oo kamid ah admins-ka page-keena, kaas oo xilligan xanuunsan.
Ahmed waa saaxiibkeen iyo qayb muhiim ah oo kamid ah qoyskeenna Arsenal Somali Fans. Waxaan Alle SWT ka baryaynaa inuu xanuunka ka dulqaado, caafimaad taam ah siiyo, una fududeeyo xaaladdiisa.
Waxaan dhammaan taageerayaasheenna iyo asxaabteena sharafta leh ka codsanaynaa inay ducada la wadaagaan, una duceeyaan walaalkeen Ahmed. ❤️🤲