09/05/2026
🚨 WARGELIN: SUXUFIYIINTA XORTA AH EE SOO TEBINEYSA MUDAAHARAADYADA MUQDISHO
- Mudaaharaadyada waa mid ka mid hawlaha muhiimka ah ee warbaahinta kasoo warranto meel kasta dunida.
- Dastuurka Soomaaliya wuxuu ogolaanayaa tebinta warbaahinta xorta ah, iyo ka qeyb galka mudaaharaadyada.
- Suxufiyiinta waa inay ka taxaddaraan amnigooda gaarka ah, iyagoo dadweynaha u soo tebinaaya dhacdooyinka mudaaharaadka.
- Waa muhiim in suxufiyiinta ay si dhow u wargeliyaan xarumahooda had iyo jeer, si looga warqabo goobta ay joogaan.
- Waxaa suuragal ah in la beegsado suxufiyiinta iyo qalabkooda, sidaa darteed waa in wariyaasha maanka ku hayaan, ayna qorsheeyaan sidii ay u badbaadsan lahaayeen xogtooda iyo qalabkooda.
- SI SJS KAAGA WAR HEYSO, NAGALA SOO XIRIIR: WHATSAPP: 0612 4480 44EMAIL: [email protected]
09/05/2026
"WAAN KA DAALNAY XARIGGA WARIYAASHA, HADDA KA DIB WAA DIL!" - Taliyaha Booliska G/Banaadir, Ex-Shabaab Macalin Mahdi
Markii xalay la afduubay saddexda wariye ee kala ah: Maxamed Bulbul, Cabdixafiid Nuur Barre iyo Cabdishakuur Maxamuud, waxaa xilli dambe la geeyay xarunta Taliska Booliska G/Banaadir, halkaas oo qol loogu geeyay Mahdi Cumar Muumin oo ku caan ah magaca Macalin Mahdi.
Macalin Mahdi, oo hadda ah Taliyaha Booliska G/Banaadir, horeyna u ahaan jiray xubin ka tirsan kooxda argagixisada ee Shabaab, ayaa ku goodiyay in haddii suxufiyiinta ay ka aamusi waayaan tebinta bannaanbaxyada, iyo kiiska Sacdiyo Bajaaj, in markaan ka dib "la dili doono!."
Macalin Mahdi ayaa suxufiyiinta u sheegay "inay ka daaleen xarigga suxufiyiinta.".
https://sjsyndicate.org/2026/05/09/u-s-trained-somalia-counter-terrorism-police-nisa-physically-attack-journalists-kidnap-them-in-mogadishu/
09/05/2026
🚨 Weerarka xalay ka dhacay makhaayadda aagga Buulo Xuubey, ee degmada Wadajir, ee lagu afduubay saddexda wariye, waxaa kaloo lagu afduubay illaa 6 dhallinyarada reer Muqdisho oo mid ka mid ah ay tahay gabar yar.
Lixdaan dhallinyarada ayaa la geeyay saldhigga booliska ee degmada Yaaqshiid, iyagoo oo loo geystay jirdil daran oo ka baxsan bani'aaddanimada, sida ay Somali Journalists Syndicate - SJS u sheegeen goobjoogayaal.
https://sjsyndicate.org/2026/05/09/u-s-trained-somalia-counter-terrorism-police-nisa-physically-attack-journalists-kidnap-them-in-mogadishu/
09/05/2026
: Somali Journalists Syndicate - SJS waxay si adag u cambaareyneysaa falka ka baxsan bani'aadannimada ee jirdilka, abduubka iyo hannjabaadaha ee lagula kacay suxufi Cabdixafiid Nuur Barre kaas oo dhaawac madaxa uu kasoo gaaray markii ay dhowr nin oo ka tirsan maleeshiyaadka iyo kuwa baraha kontorool ee guur guura ka tiesan ku garaaceen bastoolado habeenkii xalay ahaa.
Cabdixafiid wuxuu ka mid ahaa saddex wariye oo ku sugnaa goob makhaayad ah oo ku taalla aagga xaafadda Buulo Xuubey ee degmada Wadajir halkaas oo lagu soo weeraray, jirdil loogu geystay, ka dibna la afduubay.
Cabdixafiid ayaa dharkiisa oo dhiig leh si qasab ah looga bixiyay, si loo qariyo tacaddiga loo geystay, weliba uu dhiig badan ka socday habeen barkii xalay, Waxaana falkaasi fuliyay Mahdi Cumar Muumin, oo loo yaqaano Macalin Mahdi ahna taliyaha booliska ee gobolka Banaadir, kaasoo horey uga tirsanaan jiray kooxda Shabaab ee argagixisada ah.
https://sjsyndicate.org/2026/05/09/u-s-trained-somalia-counter-terrorism-police-nisa-physically-attack-journalists-kidnap-them-in-mogadishu/
09/05/2026
Xalay abaare 8.20pm, maleeshiyaad ka tirsan , iyo kuwa baraha kontoroolada guur guura ee Muqdisho - oo ah ciidan ay tababareen Mareykanka - ayaa abduubay saddex wariye oo kala ah Maxamed Bulbul, Cabdixafiid Nuur Barre iyo Cabdishakuur Maxamed Maxamuud.
Somali Journalists Syndicate - SJS ayaa ogaatay in saddexda wariye laga afduubay makhaayad ku taalla aagga xaafadda Buulo Xuubey ee degmada Wadajir, halkaas oo jirdil daran loogu geystay, ka hor intii aan loo kexeynin saldhig booliska degmada Hodan, ka dibna saldhigga booliska ee Yaaqshiid oo dhammaan laga soo diiday in suxufiyiinta lagu haayo.
Waxaa habeen barkii saddexda wariye loo kexeeyay Xarunta Taliska Booliska ee gobolka Banaadir, halkaas oo hadallo hanjabaad ah ay kagala kulmeen Mahdi Cumar Muumin, oo loo yaqaano Macallin Mahdi oo horey uga tirsanan jiray kooxda Al-Shabaab.
Somali Journalists Syndicate - SJS waxay si adag u cambaareyneysaa falka jirdilka ee lagula kacay Cabdixafiid Nuur Barre iyo Maxamed Bulbul. Cabdixafiid ayaa waxaa soo gaaray dhaawac madaxa oo muuqda.
WAR SAXAAFADEED:
https://sjsyndicate.org/2026/05/09/u-s-trained-somalia-counter-terrorism-police-nisa-physically-attack-journalists-kidnap-them-in-mogadishu/
08/05/2026
Waxaa goordhow naloo xaqiijiyay in xubno ka tirsan nabadsugidda Muqdisho ee ay afduubeen saddex wariye oo kala ah: Maxamed Bulbul, Cabdixafiid Nuur Barre iyo Cabdishakuur Maxamuud.
Somali Journalists Syndicate - SJS waxay ururineysaa macluumaad dheeri ah oo ku saabsan falka afduubka ah.
08/05/2026
🚨 MUQDISHO, waxaa sii kordhaya weerarada, xarigga sharci darrada iyo hanjabaadaha loo geysanaayo suxufiyiinta soo tabineysa dhul boobka ka socda caasimadda, iyadoo hal maalin gudaheed ay booliska Muqdisho xirxireen 5 suxufi oo warbaahinta gudaha ka hawlgasha.
Labo ka mid ah suxufiyiintaan ayaa illaa haatan xiran, taasoo ah xadgudub ka dhan ah xuquuqdooda muwaadinnimo iyo suxufinnimo.
Somali Journalists Syndicate - SJS waxay si adag u cambaareyneysaa xarigga suxufiyiinta kala ah: Jacfar Maxamed, Shukri Caabi iyo Rowda Xasan Taakilo, Cabdifataax Cabdullaahi Siidow iyo Nuur Xasan Cali.
Waxaan sidoo kale ku baaqaynaa in deg deg loo siidaayo labada suxufi ee weli xiran ee kala ah: Jacfar Maxamed Jimcaale iyo Nuur Xasan Cali.
WAR SAXAAFADEED:
https://sjsyndicate.org/2026/05/08/five-journalists-arrested-in-a-single-day-in-mogadishu-as-crackdown-on-media-covering-forced-evictions-intensifies/
07/05/2026
Shalay, Somali Journalists Syndicate - SJS ayaa ka qeybgashay kulan looga hadlay xaaladda xorriyadda hadalka ee Soomaaliya kaas oo soo qabanqaabisay Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho UK in Somalia
Kulanka waxaa ka qeybgalay Danjiraha Dowlada UK ee Soomaaliya, Mr. Charles King.
Intuu kulankan socday, Xoghayaha Warfaafinta iyo Xuquuqda Aadanaha Somali Journalists Syndicate - SJS Maxamed Bulbulayaa ka hadlay xaaladaha u dambeeyay ee tacaddiyada loo geysanaayo wariyaasha Soomaaliyeed.
Maxamed Bulbul ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay xarigga sharci darrada ee loo geystay Sacdiyo Macalin Cali (Sacdiyo Bajaaj) oo ka mid ah dhallinyarada firfircoon ee bajaajleyda oo haatan sifo sharci darro ah ugu xiran xabsiga Muqdisho.
05/05/2026
Qeyb Kale Sawirrada: Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka ee 3 May iyo Muqdisho. Baraarug